
Shire Cali Xalane waxaa uu ka mid yahay dadka ku nool degaanka Ceel huur waxaa uu idaacadda Ergo u sheegay in aan laga sheekeyn Karin xaaladda ay haatan ku sugan yihiin dadka deegaanka isagoona sheegay in saamayn xooggan uu ku yeeshay fatahaadda uu sameeyay toggaasi.
“Waxaa uu dumiyay oo uu daadka ku daray gurya badan oo ku yaala degaanka Ceel huur qaar ka mid qoysasku waxaa ay joogaan dibadda mana haystaan wax hoy ah , biyihii ka soo fatahay wabiga waxaa ay ku darsameen badda xaaladuna maahan mid caadi ah”, sidaana waxaa Ergo u sheegay Shire Xalane oo ka mid ah dadka degaanka Ceel huur.
“Qaas ahaan anigu daadadkaasi waxaa uu igu yeeshay saaamayn weyn maxaa yeelay biyihii ayaa i qaaday” sidaana waxaa Ergo uu u sheegay Aadan Cusmaan Adan Fuul oo isagu ah nin cuuryaan ah oo ku nool degaanka Ceel huur waxaana uu intaasi ku daray in hadda uu ku nool yahay gidaar weyn oo ku yaala magaalada dhinaciisa halkaaso uu qabow daran ku haysto .
Shire ayaa ugu dambayntii sheegay in aysan jirin cid ka socota maamulka gobolka ama wax hay,ad ahba inaysan u soo gurman isagoona codsi u diray hay,adaha samafalka in ay gurmad la soo gaaraan dadka deegaanka oo iyagu xilligan u baahan gurmad xoog leh.
Saadaasha hawada Soomaaliya ayaa todobaadyadan waxa ay bixinaysay digniino la xiriira roobabka badan xaddigoodii, kuwaa oo la filayo inay ka da’aan gobolo kamid ah Soomaaliya.
Cumar Xabeeb Cumar/MG/CC











