
Qoysas ku noolaa deegaankaasi ayaa bilaabeen inay halkaas isaga cararaan.“In ka badan 50 guri ayay burbiyeen roobabku, waddooyinka waxaa ceegaaga biyaha roobka balliyaduna waa buux dhaafeen,” sidaa waxaa Ergo u sheegay Maxamad Suldaaan Soofe oo ka mid ah dadka deegaanka Bandar bayla, waddooyinkiina ay kala jareen.
Maxamad Soofe, ayaa sheegay in aanay jirin wax gurmad ah oo ay heleen, waxaana uu codsi u diray hay`adaha samafallada iyo maamulka Puntland, oo uu ugu baaqay inay u soo gurmadaan degmada.
Roobabkan lixaadka leh ayaa siddeed iyo afartankii saacadood ee la soo dhaafay ka da`ayay deegaankaasi Bandar beyla, iyagoo qeyb ka ah roobabka Deyrta ee ka curta qeybo badan oo dalka ka tirsan
Aamina-ladan Axmed Cali/AA/FM/AM










