
Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa fariintan bogaadinta ah u diray dhamaan shacbiga Soomaaliyeed oo maanta kala qeybgalaya maalaayiin muslimiin ah oo caalamka ugu dabaaldegaysa maalinta koowaad ee ciidul Adxa.
Madaxweyne dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo farriinta munaasabadan u dirayay shacbiga Soomaaliyeed ayaa Alle uga baryay in Umadda Soomaaliyeed ay sanadkaan sanadkiisa ku gaaro nabad iyo barwaaqo.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud waxa uu ka codsaday umadda Soomaaliyeed in fadliga ciidul Adxa dartiis ay isku cafiyaan oo ay usoo jeestaan aayaha dalkooda si hormar loo gaaro.
Sidoo kale farrinta ciida, waxaa isagana dhankiisa Shacabka Soomaaliyeed hawada u mariyay Ergaygga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Middobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Agostiin Mahiga oo munaasabada ciida darted hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.
Dr. Agostiin Mahiga ayaa u rajaynayay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay ku ciidaan ciid wanaagsan, oo ay ku dheehantahay nabad taam ah, kalgacaltooyo iyo Barwaaqaba.
MG










