
Duufaanta ayaa ahayd mid xoog badan oo wadatay roob mahiigaan ah taasoo keentay burbur hantiyeed iyo xoolo nool qaybo ka mid ah Puntland, siday hawl wadeennada gudaha ka shaqeeyaa tilmaamayaan afar doomaha kaluumaysiga ah ayaa ku degey deegaanka Bandarbeyla ee gobolka Bari.
Haddaan u soo daadegno dhinaca webiyada, webiga Shabeelle ayaa waqtigaan wada biyo badan isagoo buuxdhaafay khatarna ugu jira inuu karkaarrada jabsado kana dhashaan daadad. Sidoo kale webiga Jubba ayaa isagu ah mid caadiya oo aysan ka jirin khatar fatahaad.
Saadaasha cimilada todobaadka soo socda ee inta u dhaxaysa 29ka Oktoobar ilaa 4ta Nofambar ayaa tilmaamaysa inay roobabku hoos u dhacayaan dhinaca waqoyi-bari ee waddanka, halka koonfurta iyo bartamaha la filayo inay roobabku ka sii da’aan siday tilmaamayso saadaashu.
Saadaashan waxaa idiin soo diyaariyey hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobey – FAO mashruuceeda SWALIM ee Nairobi.










