Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qorshaha lagu gargaarayo barakac ka dhasha Kismaayo oo la diyaariyay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 17, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Qorshaha lagu gargaarayo barakac ka dhasha Kismaayo oo la diyaariyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank17 September, 2012 NAIROBI
Weriyeheenna Maxamed Gaarane ayaa wuxuu arrimo la xiriira badbaadinta dadka rayidka ah, haddii ay jiraan qorshe gargaar oo mucaawinooyin lagu gaarsiinayo dadka ku barakaca howlgalka AMISOM iyo dowladda oo ku wajahan Kismaayo iyo arrimo kale ka wareystay madaxa UNHCR ee Soomaaliya, Mr. Bruno Geddo oo Nairobi ku sugan.
Wareysigiinna wuxuu u dhacay sidan hoose:

Mudane waxaan ognahay in barakac uu ka jiro Kismaayo, maxaad nooga sheegi kartaa arrimahaas?

Jawaab: Haa, Kismaayo agagaarkeeda waxaa jirta barakac xaddidan, intii u dhaxaysay bilihii July iyo September waxaan diwaangelinnay isugu geyn 4,000 oo qof, 1500 waxay dibadda uga barakaceen magaalada Kismaayo labadii toddobaad ee ugu dambaysay, 1,000 kalena waxay ka barakaceen Marka. Sidaa darteed hadda sababaha keenay in barakaca uu ku yaraado Kismaayo waxay tahay dhowr arrimood, mida ugu horeeysa waxay tahay sida aad ogtahay dadka rayidka ee Kismaayo waxay la qabsadeen dagaallo yar yar iyo colaado, sidaa darteed waxay sameeyaan magaalada ayay isaga baxaan, magaalada bnanaanka ayay ka degaan islamarka uu dagaalku joogsado way soo laabtaan, tan macnaheedu wuxuu yahay in magaalada ay mararka qaar dibadda ka joogaan maalin iyo labo.

Sababta kale waxay tahay waxaa jiray labo xero oo waa weyn oo ay degganyihiin dadka barakacay oo ku yaalla Kismaayo, intii badnayd dadkaas barakacayaasha waxay isaga tageen xeryahaas sababo kale duwan dartood, iyagoo tagay Jammaame xitaa ka hor inta aysan caddaan in AMISOM ay magaalada la wareegayso.

Sababta saddexaad waxay tahay in dadka magaalada haray in badankood ay yihiin dad ku lug leh ganacsiyo, iyagoo niyadda ku haya in magaalada ay isaga tagi doonaan mintidiinta, iyagoo dagaal aan ku gelin, tanoo horey uga dhacday Marka, Afgooye, Baydhabo iyo Baledweyne…. iyadoo aysan jirin sabab ay u qaxaan.

Suáal: Maxaad tallaabo ah oo la xiriirta in dadka magaalada la badbaadiyo oo aad qaaddeen, sida aad sheegayso waxaa jira taariikh la xiriirta in dadku ay magaalada dibadda uga baxaan oo ay haddana ku soo laabtaan, sidaan ognahayna ma jiraan adeegyo ay dadkaas ku heli karaan goobaha ay u qaxaan? Maxaad tallaabo ah oo arrimahaas la xiriira aad hirgeliseen?

Jawaab: Haa sax, jawaabaheena la xiriira dhinaca kaalmada, waxaan diyaarinnay qorshaha gurmadka Kismaayo, waxaana isla garanay hay`adaha aanu wada shaqeyno, waxaanu haynaa tiro aanu ku shaqeyn doonno oo gaaray illaa 60,000 oo qof oo magaalada ka barakici karta, haddii uu dagaal dhaco oo howlgalka la rajeynayo ay magaalada ku gallaan ciidamo dhulka ah, 60,000 oo barakaca ah wuxuu ka dhiganyahay inay u baahnaan doonaan isugu geyn qiyaas ahaan 10,000 oo ah alaabooyinka aan cuntada ahayn ee guryaha loo isticmaalo iyo baco si ay u samaystaan guryo kumeel gaar ah.. sidaa darteed waxaanu xaqiijinnay in aanu keydkeenna ku hayno 10,000 oo agabka kaalmadaas ah si aan u qeybinno, oo aanu uga caawinno inay ku sii noolaadaan muddada ay bannaanka joogaan inta aysan laaban…Dhinaca badbaadinta dadkaas, waxaanu sii wadnaa howlaheenna badbaadada, si toos ah iyo iyadoo aanu sii marayno hay`adaha aanu wada shaqeyno…waxaad aragtay in AMISOM ay qaadday taxadar hore, si ay dadka ugu sheegto si waadax ah inay hoos u dhigayso khasaare soo gaara dadka shacabka… habka ay ula wareegeen magaalada Afgooye oo ay u xaqiijiyeen in la badbaadiyo dadka rayidka ah ee waddada Afgooye ayaa ah calaamad tusaale ah, waana rajeynaynayaa in dadka rayidka aysan saamayn colaadaha.

Mudane ma jeclaan lahayd inaad wax farriiin u ah u gudbiso dadka rayidka ah ama dhinacyada ishaya ee dirirta ay u dhaxayso, si loo badbaadiyo dadka shacabka ah?

Jawaab: Fariinteenna waa isla sidii, fadlan wax kasta u hura sidii aad u badbaadin lahaydeen intii aad badbaadin kartaan oo dadka xilligan adag.

MG/FM

Previous Post

BEERALLEYDA SABOOLKA AH EE BELEDWEYNE OO KA CABANAYA XOOLO KA DAAQA BEERAHA

Next Post

Barakac ka taagan kismaayo

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Amisom oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dishay nawaaxiga kismaayo

Barakac ka taagan kismaayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo