Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALLEYDA SABOOLKA AH EE BELEDWEYNE OO KA CABANAYA XOOLO KA DAAQA BEERAHA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
September 17, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
BEERALLEYDA SABOOLKA AH EE BELEDWEYNE OO KA CABANAYA XOOLO KA DAAQA BEERAHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBeeralleeyda ay awooddooda dhaqaale hooseyso ee beerta dhul-beereedka ku yaalla daafaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa tan iyo intii la gudo galay xilliga Jiilaalaka waxay si isdaba joog ah uga cabanayeen xoolo ka daaqa beeraha xilliyada habeenkii.
Beeralleydan oo ah kuwo aad sabool u ah, isla markaana labada xilli-roobeed ee sanadka beerta dalagyada quud-beerasho ee ay ku daboolaan baahidooda guriga ayaa toddobaadkan si isku mid ah uga sheegtay xoolo u dhacaya sarsarka beerahooda.

“Beertii annaga oo maalinkii oo idil joogno kana shaqeeyneyno ayaa balkii marka aan isdhahno waa idiin nacfigalay ee iibsada ayaa waxaa habeenkii u soo dhacaya geel soo lumay ama ku talagalkiisu yahay in beeraha lagu daayo si beeraha uu u daaqo, haddii aan dhageysan lahaynna shanqartiisa ayaa laga furay koorta si aan loo dhageeysan oo loogu toosin beertiina uu ku mirto habeenkii oo idil ,waaga markuu baryana  aad ku kacdo geelii oo dhax fadhiya oo ka dhargay beertiina ay waxba ku harin, cabashadeeydu waa sidaa.” Ayuu  yiri  mid kamid ah beeralleydaasi, oo ay ka muuqatay  tabardarri, oo xilli aroor ah soo dul joogsaday beertiisa oo geel aanay cidi wehlin barbar ka daaqay, xilli habeen ah oo uu ka maqnaa.

Xilligan ayaa ah mid jiilaal ah oo xoolalleydu ay aad ugu mashquulsan yihiin xoolahooda.  Baryare Xasan, oo ah mas`uulka qoys ballaaran oo reer guuraa ah isla makaana leh Ari, Lo’ iyo Geelba  oo ku nool dhul aan uga durugsaneyn  dhul-beereedka laga cabanayo ayaa isagoo ku mashquulsan xoolihiisa xilli galab ah ugu warceliyey idaacadda Ergo sidan “Xoolaheyga waa kuwan Ilaaheey kasakoow anaa leh, buurahaas abaarta ah ayay iigu foofaan Alxamddu –lillaahi, habeenkii markay iisoo hoydaan  mararka qaar bal aan usoo gaday ayaan u dhigtaa bani’aadam inaan dhibo uguma tala gelin,  carruurta ayaa ii raacdo aniguna kama fariisto oo waan raacaa mar mar waa iga lumaan oo bani’aadam ayaan nahay , marka dadku qof walba wuxuu leeyahay isagaa ka mas`uul ah,  anigu shakhsi ahaan inaysan xoolaheygu dadka dhibin ayaan jeclahay oo aan aad uga xafido.”

Sanad waliba marka lagudo galo bilaha jiilaalka ee daaqsinka xoolaad uu gabaabsiga noqdo kuleyl badanna uu jiro, waa xilliga reer guuraaga qaarkiis ay u yaqaannaan  “Kaldambeedkee” ayaa waxaa soo baxa cabashada beeralleydan saboolka ah ay ka cabanayaan xoolaha u dhaca beerahooda xilliyada habeenkii, hase ahaatee marka da`mada roobku billaabato waxaa yaraada cabashada beeralleydaas oo waxay helaan nafis ay kaga nastaan ilaalmada xoolihii beerahooda u dhacayey,  waxaana taa ugu wacan baa la leeyahay reer guuraaga xoolahani soo soofsaday ayaa u guura meelaha uu roobku ka da`o ee gobolka.

Cabdullaahi Salaad/FM

Previous Post

FARRIIN KU SOCOTA DADKA SOOMAALIYEED OO KU AADDAN MUNAASABADDA CIIDUL-FITRIGA

Next Post

Qorshaha lagu gargaarayo barakac ka dhasha Kismaayo oo la diyaariyay

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
Next Post
Qorshaha lagu gargaarayo barakac ka dhasha Kismaayo oo la diyaariyay

Qorshaha lagu gargaarayo barakac ka dhasha Kismaayo oo la diyaariyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo