
Waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, ugu hambalyeynayaa Ciiddul-Fitriga soo galey, oo loo dabaal-dego dhammaadka bisha Ramadaan. Bishaan oo ah waqti cibaado iyo fikir dib isugu noqosho ah, ayaa bulshooyinka ku dhaqan guud ahaan Soomaaliya ay isu wada yimaadeen si ay waxa ay haystaan ula wadaagaan kuwa aan wax badan haysan.
Adinka iyo qoysaskiina farxad ku ciida, Soomaaliyana nabad iyo barwaaqo Allaha siiyo.
Ciid Wanaagsan










