
Soomaali badan ayaa ku nool waddanka South afrika, kuwaasoo halkaasi ku haysta ganacsi kala duwan, waxaana waddankaasi tobankii sano ee ugu dambaysay dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed si halkaasi ay uga soo shaqaystaan.
Inkastoo shaqooyin iyo ganacsi kala duwan ay Soomaalidu ku haysato waddanka Koofur afrika, haddana waxaa halkaasi ku haysta dhibaatooyin kala duwan sida iyadoo halkaasi loogu geysto dhac, dil iyo hanjabaad oo ay kula kacayaan dad ka soo jeeda dalkaasi.
Dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ayaa la dilay kuwa kale waa la dhaawacay xilliyo ay ku guda jireen hawlahooda ganacsi, qaar kale waxay goosteen inay dalkoodii dib ugu laabtaan, kaddib markii ay indhahooda ku arkeen isla mar ahaantaana ay u adkeysan waayeen dhibaatada loo geysanayo Soomaalida halkaasi ku sugan.
Haddaba goobaha ugu badan ee lagu weeraro Soomaalida ku ganacsata South afrika waa meelaha loo yaqaanno Location-nada oo ah goobo ka baxsan magaalooyinka, halkaasoo ganacsi xooggan ay ku haystaan Soomaalida oo la sheego inay yihiin dad ku fiican ama ku firfircoon ganacsiga.
Wali Cabdullaahi Hirad, waa mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiga iyo xoogsiga u tagay waddankaasi South afrika sanadkii 2004-tii, Wali hadda waa cuuryaan aan shaqaysan rarin-waxaana arrintaasi ay ku timid kaddib markii sanadkii 2006-dii ay dhaawac halis ah u geysteen kooxo hubaysan oo ku soo weeraray dukaan uu lahaa oo ku yaalla mid ka mid ah xaafadaha yaryar ee ku yaalla agagaarka magaalada Port Elizapeth.Wali weerarkaasi waxaa ka soo gaaray dhaawac ka gaaray xagga dambe ee dhabarka, halkaasoo ay burcaddu xabad kaga dhufteen.
“Isbitaal ayaan ku jiray muddo saddex bilood ah, takhtarkii wuxuu ii sheegay inaan waxba la ii qaban karin oo aan cuuryaamay, qaarka dambana aan naafo ka noqday, hadda ma shaqeysna karo, mana fulin karo hadafkii aan dalkeyga uga imid,” ayuu yiri Wali.
“Waad ii jeeddaa laga billaabo sanadkii 2006-dii xilligaasoo aan naafoobay waxaan saaranahay gaarigaan yar ee aan hadda ku dhex jiro, waxaa marba dhinac iigu dhaqaajiya walaalaheyga Soomaaliyeed hadba midkii markaa agteyda jooga.”
Ugu dambeyntii, Wali ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka South afrika inay dib ugu laabtaan dalkoodii hooyo intii aanay soo gaarin dhibaatada soo gaartay oo kale ama mid ka badan . Wuxuu sidoo kale uu farriin u diray dhalinyarada hadda dooneysa inay soo aadaan South afrika, kuwaasoo uu iyagana u sheegay inay ka shaqaystaan dhulkooda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay isa soo taraayay dhibaatooyinka soo gaaraya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqaysata waddanka South afrika, kuwaasoo ay kula kacayaan dad u dhashay waddankaasi, taasoo inta badan aan waxba laga qaban.
Cabdulqaadir Axad/CC/FM










