Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

IOM oo tababar ku saabsan tahriibka isku dhafka ah u qabatay 21 warfidiyeen

Radio Ergo by Radio Ergo
September 6, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
IOM oo tababar ku saabsan tahriibka isku dhafka ah u qabatay 21 warfidiyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKulankani looga hadlaayey caawinta muhaajiriinta isku dhafka ah ee soo gaara Puntland oo ay soo qaban qaabisey hayada muhaajiriinta caalmaka ee IOM ayaa loo qabtey 21 wariye oo ka kala socdey warbaahinta qeybaheeda kala duwan ee ka howl gasha deegaannada Puntland.

Ujeeddada tababarkaan ayaa ahaa sidii warbaahintu ay uga qeyb qaadan Lahayd dadaallada la doonayo in lagu joojiyo waxyeellada ay la kulmaan muhaajiriinta isku dhafka ah sida dilalka, dhaca, kufsiga, afduubka iyo meel ka dhaca xuquuqda muhaajirka.

Agaasimaha guud ee hay`adda dowliga Puntland u qaabilsan wax ka qabshada muhaajiriinta isku dhafka ah ee MRC, Maxamuud Sheekh Ciid oo ka hadley kulankan ayaa yiri.

“Waxaan u rajeyneynayaa weriyeyaasha in kulan kan laga dhexlo faa`iido waxgal u ah muhaajiriinta socotada ah, iyo in bulshada boliiska iyo hay`adaha sharci dajinta aad dareensiisaan xuquuqda muhaajiriinta ay leeyihiin, maaddaama weriyeyaashu ay yihiin dadka u hiilliya dulmanayaasha iyo dadka taagta daran.”

Simona Opitz, oo ah madaxa warfaafinta hay`adda IOM xafiiskeeda Soomaaliya ayaa ka sheegtey tababarka, waxayna sheegtay in tirada muhaajiriinta soo gaareysa Puntland ay aad u farabadan tahay loona baahan yahay in lasoo dhoweeyo.

“Sidaan ognahay Puntland waxaa soo gaara muhaajiriin isku dhaf ah oo ka tahriiba xeebaha gobolka, iyadoo lagu qiyaasey bishiiba inay ka tahriibaan dad gaaraya 2,000 oo qof. Halka sanadkii hore bishiiba ay ka tahriibi jireen 2,500 oo qof, tani waxay muujineysaa in aan weli isbeddel weyni ku imaan dadka tahriibaya.”

Tirada guud ee Soomaalida u tahriibtey dalka Yemen sanadkan 2012-ka, waxay kor u dhaafeysaa 12,568 qof, halka tirada guud ee dadka Itoobiyaan-ka ee u tahriibey Yemen ay iyana kor u dhaafeyso 51,255, sida ay sheegtay afhayeenka IOM ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah weriyeyaashii kasoo qeyb galay kulankan halka maalin ahaa ee looga arrinsanayey samata bixinta dadka muhaajiriinta ee soo gaara gobollada Puntland oo ay soo qaban qaabisey hay`adda IOM ayaa sheegay in kulanka la isku weedaarsaday macluumaad fara badan, la iskuna afgartey in weriyeyaasha ay door muuqata ka ciyaaraan arrimaha muhaajiriinta sida uu Raadiyo Ergo uu usheegay weriye Cabdinaasir Siciid Maxamed oo kamid ahaa wariyayaashii ka qeyb galay kulankaasi.

Gabagabadii, tababarkaan ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo ay ka mid yihiin, dhowrista xuquuqda dadka muhaajirka ah iyo kuwa tahriibta, inaan si qasab ah lagu tarxiilin dadka qaxa ku yimaada Puntland iyo in tallaabo laga qaado dadka caadeystay daabulka iyo ka ganacsiga tahriibta, iyada oo aan la dhibaateyneyn dadka tahriib doonka ah, waxaa sidoo kale lagu xusey baaqa in la ilaaliyo xuquuqda dadka qaxootiga ah, iyadoo la isla gartey in wacyigelin loo sameeyo bulshada si ay u ilaaliyaan xuquuqda muhaajiriinta.
AS/MH/FM

Previous Post

Nolosha wiil ku curyaamay dalka Koofur Afrika

Next Post

Qoysaskii ka barakacay kismaayo oo gaaray deegaanno ka tirsan jubbada hoose

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Qoysaskii ka barakacay kismaayo oo gaaray deegaanno ka tirsan jubbada hoose

Qoysaskii ka barakacay kismaayo oo gaaray deegaanno ka tirsan jubbada hoose

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-JUN-2026

IDAACADDA 24-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo