Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysaskii ka barakacay kismaayo oo gaaray deegaanno ka tirsan jubbada hoose

Radio Ergo by Radio Ergo
September 7, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qoysaskii ka barakacay kismaayo oo gaaray deegaanno ka tirsan jubbada hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar ka mid ah dadkii ka barakacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay toddobaadyadii la soo dhaafay ka taagnaayeen cabsi dagaal ayaa gaaray deegaanno ka tirsan gobolka, iyadoo meelaha ay dadkaan ka barakaceen cabsida Kismaayo ay gaarayaan ay ka mid tahay magaalada Muqdisho.

Deegaannada ay gaareen dadka waxaa kamid ah degmooyinka Jammaamme, Jilib, Kamsuuma iyo tuulooyinka ku yaalla jiinka wabiga jubbada, waxaase sidoo kale jira dad iyaguna gaaraya dhanka degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley.

Qoysaska Kismaayo ka barakacay ee gaaray degmada Jammaame iyo Jiinka wabiga ayaa waxay u badanyihiin haween iyo carruur waxaana marka aad la hadasho ay kuu sheegayaan inay ka soo carareen cabsida k ajirta hareera magaalada, waxaana sidoo kale jira dhibaatooyin dhanka la qabsiga jawiga deegaanada cusub ee ay gaareen oo soo wajahay dadkaasi ka soo barakacay Kismaayo ee gaaray Jamaame iyo nawaaxigeeda, sida ay ERGO u sheegtay haweeney sidata sadex carruur ah oo kamid ahayd dadka Kismaayo ka soo barakacay ee Jamaame gaaray.

“Aniga waxaan ka soo barakacay magaalada Kismaayo, hadda waxaan joogaa degmada Jammaame, waxaan wataa 3-carruur ah, waxaan ahayn dad xoogsata ah, carruurta aabbahood Kismaayo ayaan uga soo tagay.” Ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadkii barakacay.
Duqeymaha dhanka badda ah ee ay maraakiibta dagaalka ku hayaan magaalada Kismaayo ayaa sababay inuu gabi ahaanba istaago dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee dekadda magaalada, waxaana arrintaasi ka dhashay inuu sare u kac ku yimaado qiimihii markii hore lakala siisan jiray noocyada kala duwan ee badeecadaha.

“Magaalada ganacsi kama jiro, xarumihii waxbarashada sidii la rabay uma shaqeenayaan, waxaa jira sare u kac aad u xooggan oo ku yimid qiimaha la kala siisan jiray maciishadaha suuqyada magaalada arrintaasna waxaa sabab u aha colaadaha ka taagan hareeraha magaalada.” Ayuu yiri qof ka mid ah ganacsatada magaalada oo u warramayay Idaacada Ergo, kana gaabsaday in magaciisa la xuso.
Ma ahan oo kaliya magaalada Kismaayo meelaha ay uu ka jiro barakaca ka dhashay colaadaha ka aloolsan hareeraha magaalada Kismaayo, ee waxaa sidoo kale jira dad badan oo reer miyi ahaa kuwaasoo ay si daran u saameeyeen colaadaha ka jira deegaannada ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaannada Miido, Cag-libaax iyo Harboole oo dhammaantoodba ku yaalla inta u dhaxeysa Afmadow iyo magaalada Kismaayo oo horay u ahaa deegaanno shiimo ah ayaa hadda haawanaya oo cidla ah, waxaana dadkii reer guuraga ahaa ee deegaannadaasi ku noolaa ay u soo hayaameen dhanka magaalada Afmadow, sida uu Ergo u sheegay guddoomiyaha maamulka degmada Afmadow Cabdixakiim Xaaji Cumar.

“Deegaanada ku yaalla inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadow dhibaato aad u xooggan ayaa ka jirta, maxaa yeelay halkaasi waxaa ku noolaa dad reer guuraa ah waxaana dadkii ay hadda billaabeen inay u soo barakacan Afmadow, waayo dagaallada ayaa saameeyay ilihii ay biyaha ka heli jireen, danta ayaa ku qasabtay inay Afmadow u soo qaxaan.”Ayuu yiri guddoomiyaha.

Dagaallo, duqeymo dhanka badda iyo cirka ah oo dadka ku nool magaalada Kismaayo cabsi galiyay ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa hareeraha magaalada, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadkii magaalada ay barakac billaabaan.

Khadar Maxamuud Xareed/FM

Previous Post

IOM oo tababar ku saabsan tahriibka isku dhafka ah u qabatay 21 warfidiyeen

Next Post

Ergey QM ka tirsan oo baarlamaanka Soomaaliya baaq u diray

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Ergey QM ka tirsan oo baarlamaanka Soomaaliya baaq u diray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo