Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

TFG OO SIXIIXDAY HESHIIS CARRUURTA AH

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 7, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
TFG OO SIXIIXDAY HESHIIS CARRUURTA AH
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankShir ay ka qeybgaleen dalal badan oo soomaaliya ay kamid tahay iyo qaramada midoobay labadii maalmood ee ugu danbeeyayna ka dhacayay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho loogana hadlayay danbiyada ka dhanka ah carruunrta Soomaaliyeed, ayaa ugu danbeyntii si arrimahaasi xal looga gaaro waxaa lagu heshiiyay in marka ugu horreysay ay Soomaaliya saxiixdo heshiiska caalamiga ah ee dhowrita xuquuqda carruurta, si taas ay billow ugu noqoto hakinta xadgudubyada carruurta loo geysto

Heshiiskan waxaa Soomaaliya si wadajir ah ugu saxiixay ku xigeenka reysulwasaaraha ahna wasiirka difaaca, Xuseen Carab Ciise iyo taliyaha ciidanka meleteriga Cabduqaadir  Sheeq Cali Diini.

Wasiirka gaashaan dhigga ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu muujinayo in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ugu tallaabsaneyso ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo ay dhowaan un ahayd markii ay dowladda sidoo kale ku saxiixday magaalada Roma heshiiska lagu hor istaagayo askareynta iyo u adeegsiga colaadaha carruurta

Beter Dikereleg oo ka mid ahaa ergada qaramada midoobay ee shirka ka qeybgalay ayaa tilmaamay in qaramada midoobay ay si weyn uga walaacsantahay xadgudubyada looga sheegay in Soomaaliya loogu geysto carruur yaryar kuwaasi oo si joogto ah u dhaca.

Waxaa la soo jeediyay qodobbo farabadan oo ku qotoma ilaalinta xuquuqda asaasiga ee carruurta Soomaliyeed, sida golaha ammaanka qaramada midoobay ay horeba uga deyrisay xaaladda ay ku noolyihiin carruurta Soomaliyeed oo la duudsiiyay xuquuqdoodii asaasiga ahayd, waxaa had iyo jeer taagan dhibaatada heysata carruurta Somaliyeed.

Sida la ogsoonyahay carruurta waaa kuwa ugu badan ee ku dhinta colaadaha hubeysan, waa kuwa la kulma xaaladaha dhibaatada bani`aadannimada ka soo horjeeda oo dhan, kani waa cahdigii labaad ee la saxiixo si loo hirgaliyo sharuucda dhowrista carruurta.

“Dowladda Soomaaliya waxay horeba nooga oggolaatay inay waxbadan kala qaban doonto dhammaan qeybaha sida gaarka ah ugu ololeynayay xuquuqda carruurta, haddana waxaan jeclahay inay waxbadan ka soo dhalaali doonaan sidii looga fogaanlahaaa carruurta aadka u yaryar in laga dhigo ciidamo, iyo in loo adeegsado dagaallada hubeysan dhinac waliba. Haddii la hagaajiyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed, waxaa hagaagi doona dhammaan aayaha umadda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Dikereleg.

Caruurta soomaaliyeed inbadan oo kamid ah waxay waayeen xuquuqihii aasaasiga ahaa ee ay lahaayeenm, sida daryeel la`aan iyo waxbarashada oo aanay helin,  arrimahaasi oo ku yimaada sababo badan oo tan ugu horreysa ay tahay dhibaatada wadareed ee dalka haysata,  waxaana taas u dheer xadgudubyo isugu jira dil, jirdil, ku shaqeysi, kufsi iyo u adeegsiga dagaallada oo si toos ah iyo si dadbanba ay uga qeybgalaan .

Yuusuf Keynaan/MG/FM

Previous Post

KALLUUMEYSATO DOONYAHOODII KALA SOO BAXAY XEEBAHA KOOFUREED EE DALKA

Next Post

HAWEENKA OO WELI KA CABANAYA INAYSAN HELIN QAYBTII XUBNAHA BAARLAMAANKA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
MUQDISHO: ARAGTIDA DADKA EE KU AADAN DHAMAYNTA KU MEEL GAARKA

HAWEENKA OO WELI KA CABANAYA INAYSAN HELIN QAYBTII XUBNAHA BAARLAMAANKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo