Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

KALLUUMEYSATO DOONYAHOODII KALA SOO BAXAY XEEBAHA KOOFUREED EE DALKA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 3, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
KALLUUMEYSATO DOONYAHOODII KALA SOO BAXAY XEEBAHA KOOFUREED EE DALKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKalluumaysatada ka jillaabata xeebaha koonfureed ee Soomaaliya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan siday sheegeen maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo ciidamada la dagaallanka burcad-badeedda, kalluumaysatadaan ayaa sheegtay in maraakiibtaasi ay ka jarjaraan shabaagaha ay ku dabtaan kalluunka, iyagoo sheegay in doonyihii yaryaraa ay ku jillaaban jireen kalluunka ay kala baxeen badda  kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatooyinkaasi.

Madoobe Aw-jaamac wuxuu ka mid yahay milkiilayaasha doomaha yar yar ee ka jillaabta xeebaha Soomaaliya , wuxuu Raadiyo  Ergo u sheegay in maraakiib waa weyn  oo ku sugan biyaha Soomaaliya ay ku qasbeen in gabi ahaanba ay joojiyaan howlihii jillaabasho ay badda ka hayeen, taasoo ay ugu wacan tahay in la duqeynayo xilli ay ku jiraan badda sida ka dhacday ayuu yiri xeebta magaalada Kismaayo.

“Waxay gurtaan kalluunkeenna, iyagoo waliba isticmaalaya xoog, Kismaayo waxay ku duqeeyeen doonyo badan oo ay lahaayeen kalluumeysato Soomaaliyeed iyagoo doomo badan dejiyay, waxay kaloo laayeen kalluumaysato Soomaaliyeed oo aan anigaba magacyadooda idiin sheegi karo,” ayuu yiri Madoobe Aw-jaamac.

Madoobe ayaa intaasi  ku daray in dabar go` iyo xaaluf ba`an lagu hayo kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay xaalufinayaan isla mar ahaantaana ay guranayaan dad shisheeye ah,  “Waxaa lagu marmarsoonayaa waxaan la dagaallamaynaa burcad-badeed, laakiin xaqiiqdu sidaas maahan ee waxay guranayaan oo ay jillaabanayaan kalluunkeenna,” ayuu intaa raaciyay yiri Madoobe oo sheegay in Kenya ay u soo diraty Xeebaha rag siimaano ah kuwaasoo guranaya noocyada kala duwan ee  kheyraadka xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay.

Madoobe ayaa sheegay in laba xilli ay ugu wanaagsan tahay jillaabshada badda xilliga guga iyo kan dayrta, hase yeeshee labadaas xilliba haatan jillaabasho aysan jirin, isagoo sheegay in  la nabaad guuriyay noocyo badan oo kalluun ah sida Aargoosatada, kalluunka loo yaqaanno King fishka, sidoo kale la guranayo ugxanta nooca kalluunka ee loo yaqaanno Taraaqadda.

Kalluumeysato badan ayaa waxay noloshoodu ku tiirsantahay kheyraadka badda, iyagoo ku dabbara nolosha qoysaskooda.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/AA/FM

Previous Post

QM OO SOO DHOWEYSAY ANSIXINTA DASTUURKA CUSUB EE SOOMAALIYA

Next Post

TFG OO SIXIIXDAY HESHIIS CARRUURTA AH

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
TFG OO SIXIIXDAY HESHIIS CARRUURTA AH

TFG OO SIXIIXDAY HESHIIS CARRUURTA AH

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo