
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM ahna madaxa xafiiska siyaasadeed ee QM ee Soomaaliya (UNPOS), Augustine Mahiga, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon uu ugu hambalyeeyay ergada guushii taariikhiga ahayd ee ay ka gaareen dhammenyta hannaanka ku meel-gaarka, ayna u ansixiyeen dastuurka cusub.
Kadib in ka badan 20 sano oo dagaallo ah, Soomaaliya waxay ku jirtay marxalad nabadeyn iyo dib u heshiisiin qaran, dastuurka cusub ayaa isaguna qeyb ka ah hannaankaasi dib u heshiisiineed- wuxuuna horseedi doonaa in si wanaagsan ay u shaqeeyaan waaxaha dowladda Soomaaliya kadib 20-ka August.
Ansixinta dastuurka cusub ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda ah, xilli ay qaraxyo ka dhaceen xarunta ay ergadu fadhiyeen subixii hore ee shalay, halkaasoo aysan khasaaro badan ka dhalan.
Mr. Mahiga ayaa sheegay in qaraxyadaasi aysan waxyeello gaarsiinin ergada, kadib markii khasaaraha ka dhalan lahaa ay yareeyeen oo ay ka hortageen ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM, isagoo ku ammaanay ciidamadaasi sida ay u sugeen ammaanka ergadii ansixineysay dastuurka.
Hadalkii uu afhayeenka Mr. Ban uu u jeediyay weriyeyaasha ayuu ku sheegay in xoghayaha guud ee QM uu cambaareeyay weerarradaasi is-miidaaminta ahaa, isagoo sheegay in falalka argagixisanimadu aan la oggolaan inay carqaladeeyaan guusha la gaaray.










