Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

SOOMAALIYA OO KUMEELGAARKA KA BAXDAY IYO AFKAARAHA DADWEYNAHA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 21, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
FANAANKA MAXAMUUD GOOX QARBOOSH OO GEERIYOODAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSoomaaliya ayaa waxaa indhawaalaba ka soconayay qorshaha uu dalku uga gudbayo nidaamka kumeel gaarnimada oo lagu maamulayay Soomaaliya  muddadii 10kii sano ee ugu dambaysay iyadoona u gudbaysa nidaamka dawladinimo buuxda.

Maalinimadii shalay  ayay ahayd markii xubna baarlamaan cusub oo ay yeelanayso dawladda Soomaaliya lagu dhaariyay gudaha magaalada Muqdisho baarlamaankaasi oo la sheegay in uu ka duwan yahay baarlamaanadii la soo dhisay muddadii uu  burburka ku jiray dalku ,baarlamaanka cusub ayaa durbaba iska dhex doortay afhayeen cusub kaasoo ay u doorteeen Gen:Muuse Xasan Cabdulle oo isagu ah ninka ugu da,da weyn xubnahaan cusub ee baarlamanka isagoona ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed.

Isbadelka siyaasadeed ee ka soconaya Soomaliya kaasoo looga baxayo nidaamkii kala guurka waxaa durbaba soo dhaweeyay  qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaxootiga Soomaalida ee  ku nool waddanka Kenya.

Nuura Axmed Canshuur waa  haweeney Soomaaliyeed oo ku  nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab  waxay idaacadda Ergo u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay isbaddalka siyaasadeed ee ka soconaya Soomaaliya.

“waxaan ka codsanayaa xubnaha cusub ee loo dhaariyay baarlamaanka Soomaaliya in ay noo xulaan hogaamiye wanaagsan oo noo naxariista ,Ilaahay baan idinku dhaariyayee noo soo xula hogaamiye  anfaca dalkiisa iyo dadkiisa naga ilaaliya mid ku shaqeeya qabyaalad, musuqmaasuq iyo nin jeclaysi” ayay tiri Nuura oo indhaheedu ay ka qubanyeen ilmo.

Nuura ayaa sheegtay  ugu dambeyntii in ay ku rafaadsan tahay xeryaha qaxootiga sidaa darteedna ay  door bidi lahayd in ay ku laabato dalkeeda.

Anigu ma qabo in baarlamankani cusub oo keeni karo wax is badal ah maxaa yeelay waxaa u badan dad ka yimid dibadaha oo aan wax saamayn ah aan  ku lahayn gudaha, sidaana waxaa Ergo Uu sheegay Axmad Abshir Kooreeye oo isaguna ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada  Xagar dheer, Axmad ayaa intaasi ku daray in badi xubnahaan cusub ee loo doortay baarlamanka aysan ku lug lahayn siyaasadda dalka.

“Waxaan u baahannahay hogaamiye waddani ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisa , madooneyno caada qaate na iibsada, ma dooneyno afar jeeble, ma doonayno mid kala sooca bulshadeena oo shisheeye kalkaal ah” sidaana waxaa Ergo u sheegay Mukhtaar Shariif Dhuxuloow oo  ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Xagar dheer.

“Ilaahay ka yaaba  noo soo xula qof na bad badin kara Alaa bad baado hayee,  halkaan waxaa nagu haysta rafaad iyo dar xumo, waxaan rabnaa hogaamiye naga saara dhibtaan aan ku jirno dibna noogu celiya dalkeenii” sidaana waxaa Ergo u sheegay nin oday ah oo  ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xagar dheer.

Si kastaba  ha ahaatee 20ki August ayay ahayd xilligii lagu ballamay in Soomaaliya ay  kaga baxdo kal guurka una gudubto nidaamka dawladnimo ee caadiga ah, waxaana xubnahan cusubi ee baarlamaanku isku raaceen in 26ka bishan ay soo dooran doonaan afhayeenka rasmiga ah ee gudddoonka baarlamanka, kaddibna waxaa loo gudbi doonaa doorashada hogaamiyaha  afarta sano ee soo socota Soomaaliya hoggaamin doona.

Yusuf Keynaan/Farxaan Lafoole/CC/MG/

Previous Post

KA GANACSIGA HILLIBKA WARAABAHA EE KISMAAYO

Next Post

MIDAWGA YURUB OO SOO DHAWEEYAY QORSHAHA LOOGA BAXAY KUMEELGAARKA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
MUQDISHO: ARAGTIDA DADKA EE KU AADAN DHAMAYNTA KU MEEL GAARKA

MIDAWGA YURUB OO SOO DHAWEEYAY QORSHAHA LOOGA BAXAY KUMEELGAARKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo