Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

KA GANACSIGA HILLIBKA WARAABAHA EE KISMAAYO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 17, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
KA GANACSIGA HILLIBKA WARAABAHA EE KISMAAYO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank Toddobaadyadii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo iyo deegaanno hoos yimaado waxaa si aad ah uga jiray ugaarsiga lagu hayo xayawaanka Waraabaha oo ka mid ah xayawaannada duur joogga ah ee wax cuna.

Qaar ka tirsan dadka ku nool magaalada iyo nawaaxigeeda ayaa billaabay in xayawaanka Waraabaha ay u ugaarsadaan sida ugaarta caadiga ah, iyagoo kasoo ugaarsada dhulka miyiga ah ee ku teedsan magaalada Kismaayo, waxaana dadka soo ugaarsada Waraabaha ay u adeegsadaan rasaasta ka dhacda qoryaha fud fudud iyo sidoo kale birta loo yaqaanno (Bir Dhurwaaga) taasoo marka uu ku dhaco ay la dhacaan rasaas halkaasna ay ku gowracaan, maaddaama xayawaankani uu yahay mid aad u orod badan.

Waxaa sidoo kale jira meelo ka mid ah magaalada Kismaayo oo lagu iibiyo ama la keeno Waraabaha oo dhal ah kadibna halkaasi lagu qalo.

Dadka Waraabaha ka soo ugaarsada duurka ayaa marka ay magaalada keenaan waxaa kala wareego oo ka sii iibsada ganacsato fashlayaal ama gaddisley ah, kuwaasoo iyaguna suuqyada magaalda ku sii dhex iibiya, waxaana dadka soo ugaarsada  Waraabaha, kuwo ka ganacsatada hilibka Waraabaha iyo kuwo isticmaalaba ay si isku mid ah u sheegayaan in hilibka Waraabaha uu cudurro badan daawo u yahay.

Kiilada hilibka Waraabaha ayaa suuqyada magaalada Kismaayo ka jooga qiimo dhan 150 kun oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhiganta shan dollar oo lacagta Mareekanka ah, taasoo ka dhigeysa in hilibka Waraabuhu aad uga qaalisanyahay marka loo eego hilibka xoolaha ee caadiga ah.

Mid kamid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso sabab ammaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hilibka Waraabaha lagu dhex iibiyo gudaha magaalada, isagoo intaasi ku daray in makhaayadaha iyo dadka reer Kismaayo ay cunaan hilibka Waraabaha.

“Hilibka Waraabaha aad ayaa looga isticmaalaa magaalada Kismaayo iyo deegaannada ku xeeran, suuqyadana waa lagu iibiyaa oo waa la keenaa, sida hilibka xoolaha si ka daran ayaa loo isticmaalaa waana ka qaalisanyahay hilibka Waraabaha midka xoolaha, dadkuna aad ayay u gadanayaan, una isticmaalayaan, waxa ku kallifay dadka lama garan karo, waxay sheegeen inay daawo ahaan u isticmaalayaan.” Ayuu yiri goobjooge ku suggan magaalada Kismaayo.

Cabdiwali Anas oo ah Afhayeenka shirkad lagu magacaabo Albaraka oo wareysi siinayay Idaacdda Ergo ayaa sheegay in ugaarsiga Waraabaha ay ku kalliftay in hilibka Waraabaha uu daawo u yahay cudurro ay kamid yihiin, Gaaska, Borikiitada, Baabasiirka, Infection-ka iyo cudurro kale.

Cabdiwali ayaa kamid ah dadka cunay hilibka Waraabaha waxaana uu sheegay in hilibka Waraabaha uu dhadhan ahaan u egyahay hilibka ariga.

“Annaga waxaan ka shaqaynaa hilibka Waraabaha iyo ugaarsiga Waraabaha, waxaana nagu kallifay hilibkiisa oo dawo ah, diintana way xalaalaysay, cudurro badan oo ay kamid yihiin, Jabtada, Infection-ka, Gaaska iyo cudurro kale ayuu dawo u yahay,” Ayuu yiri Cabdiwali.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo kamid ah culuma’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan oo isna Ergo la hadlay ayaa sheegay in cunista hilibka Waraabaha uusan xalaal ahayn, isagoo xusay in arrintaasi ay ku soo arooreen axaadiis badan.

“Hilibka waraabaha axaadiis muctarif ah oo la yaqaanno ayaa ku soo arooray, sidaasi darteed cunista hilibka Waraabaha ma bannaana waa xaaraan cad, haddii daawo kasto ay gasho xitaa.” Ayuu yir Sheekha.

Si kastaba, arrintan ayaa ah arrin ku cusub dhaqanka Soomaalida, maaddaama Waraabuhu uu ka mid yahay xayawaannada inta badan weerara xoolaha ay dhaqdaan dadka Soomaalida, waxayna ka dhex dhalisay buuq fara badan, dhinaca kale dadka qaar ayaa ku doodaya in ugaarsigu yahay daruuri, aysanna hadda wanaagsanayn in duurjoogta la ugaarsado kadibna suuqyada lagu iibiyo, tanoo wax u dhimaysa deegaanka iyo duurjoogta oo awalba ka sii dabar go’aysay guud ahaan Soomaaliya.

Khadar Xareed/MH

Previous Post

HAWEEN KA DOODAY QOONDADII AY KU LAHAAYEEN BAARLAMAANKA

Next Post

SOOMAALIYA OO KUMEELGAARKA KA BAXDAY IYO AFKAARAHA DADWEYNAHA

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
FANAANKA MAXAMUUD GOOX QARBOOSH OO GEERIYOODAY

SOOMAALIYA OO KUMEELGAARKA KA BAXDAY IYO AFKAARAHA DADWEYNAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo