
Qaar ka tirsan dadka ku nool magaalada iyo nawaaxigeeda ayaa billaabay in xayawaanka Waraabaha ay u ugaarsadaan sida ugaarta caadiga ah, iyagoo kasoo ugaarsada dhulka miyiga ah ee ku teedsan magaalada Kismaayo, waxaana dadka soo ugaarsada Waraabaha ay u adeegsadaan rasaasta ka dhacda qoryaha fud fudud iyo sidoo kale birta loo yaqaanno (Bir Dhurwaaga) taasoo marka uu ku dhaco ay la dhacaan rasaas halkaasna ay ku gowracaan, maaddaama xayawaankani uu yahay mid aad u orod badan.
Waxaa sidoo kale jira meelo ka mid ah magaalada Kismaayo oo lagu iibiyo ama la keeno Waraabaha oo dhal ah kadibna halkaasi lagu qalo.
Dadka Waraabaha ka soo ugaarsada duurka ayaa marka ay magaalada keenaan waxaa kala wareego oo ka sii iibsada ganacsato fashlayaal ama gaddisley ah, kuwaasoo iyaguna suuqyada magaalda ku sii dhex iibiya, waxaana dadka soo ugaarsada Waraabaha, kuwo ka ganacsatada hilibka Waraabaha iyo kuwo isticmaalaba ay si isku mid ah u sheegayaan in hilibka Waraabaha uu cudurro badan daawo u yahay.
Kiilada hilibka Waraabaha ayaa suuqyada magaalada Kismaayo ka jooga qiimo dhan 150 kun oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhiganta shan dollar oo lacagta Mareekanka ah, taasoo ka dhigeysa in hilibka Waraabuhu aad uga qaalisanyahay marka loo eego hilibka xoolaha ee caadiga ah.
Mid kamid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso sabab ammaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hilibka Waraabaha lagu dhex iibiyo gudaha magaalada, isagoo intaasi ku daray in makhaayadaha iyo dadka reer Kismaayo ay cunaan hilibka Waraabaha.
“Hilibka Waraabaha aad ayaa looga isticmaalaa magaalada Kismaayo iyo deegaannada ku xeeran, suuqyadana waa lagu iibiyaa oo waa la keenaa, sida hilibka xoolaha si ka daran ayaa loo isticmaalaa waana ka qaalisanyahay hilibka Waraabaha midka xoolaha, dadkuna aad ayay u gadanayaan, una isticmaalayaan, waxa ku kallifay dadka lama garan karo, waxay sheegeen inay daawo ahaan u isticmaalayaan.” Ayuu yiri goobjooge ku suggan magaalada Kismaayo.
Cabdiwali Anas oo ah Afhayeenka shirkad lagu magacaabo Albaraka oo wareysi siinayay Idaacdda Ergo ayaa sheegay in ugaarsiga Waraabaha ay ku kalliftay in hilibka Waraabaha uu daawo u yahay cudurro ay kamid yihiin, Gaaska, Borikiitada, Baabasiirka, Infection-ka iyo cudurro kale.
Cabdiwali ayaa kamid ah dadka cunay hilibka Waraabaha waxaana uu sheegay in hilibka Waraabaha uu dhadhan ahaan u egyahay hilibka ariga.
“Annaga waxaan ka shaqaynaa hilibka Waraabaha iyo ugaarsiga Waraabaha, waxaana nagu kallifay hilibkiisa oo dawo ah, diintana way xalaalaysay, cudurro badan oo ay kamid yihiin, Jabtada, Infection-ka, Gaaska iyo cudurro kale ayuu dawo u yahay,” Ayuu yiri Cabdiwali.
Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo kamid ah culuma’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan oo isna Ergo la hadlay ayaa sheegay in cunista hilibka Waraabaha uusan xalaal ahayn, isagoo xusay in arrintaasi ay ku soo arooreen axaadiis badan.
“Hilibka waraabaha axaadiis muctarif ah oo la yaqaanno ayaa ku soo arooray, sidaasi darteed cunista hilibka Waraabaha ma bannaana waa xaaraan cad, haddii daawo kasto ay gasho xitaa.” Ayuu yir Sheekha.
Si kastaba, arrintan ayaa ah arrin ku cusub dhaqanka Soomaalida, maaddaama Waraabuhu uu ka mid yahay xayawaannada inta badan weerara xoolaha ay dhaqdaan dadka Soomaalida, waxayna ka dhex dhalisay buuq fara badan, dhinaca kale dadka qaar ayaa ku doodaya in ugaarsigu yahay daruuri, aysanna hadda wanaagsanayn in duurjoogta la ugaarsado kadibna suuqyada lagu iibiyo, tanoo wax u dhimaysa deegaanka iyo duurjoogta oo awalba ka sii dabar go’aysay guud ahaan Soomaaliya.
Khadar Xareed/MH










