Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

NIYADSAMIDA MUQDISHO IYO CAWEYSKA HABEENKII

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
August 30, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
NIYADSAMIDA MUQDISHO IYO CAWEYSKA HABEENKII

Photo| Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMagaalada Muqdisho waxay muddo dheer ahayd caasimadda ugu khatarta badan marka loo eego kuwa caalamka, collaado iyo daggaanaansho la`aan baahsan oo kajirtay magaalada ayaana ku dartay liiska madow, waxaase xilligaan ka jirta isbedel dhanka ammaanka ah oo saldhig ay u noqotay in magaalada ay ka soo bidhaanto ifafaale ammaanka ah, xilligan magaalada ayaa ah mid marti gelisay dadkii ugu badnaa ee ka soo laabtay gobollada dalka iyo dibadda, taasoo ay barbar socoto qorshayaasha siyaasadeed ee kala geddisan xiiso badan iyo xamaasadna wata, waxaana magaalada xilligan laga dareemayaa ganacsi iyo wax iibsasho aan ku koobnayn keliya maalintii, hadda xilliyadii habeenkii guud ahaan shaqaynaya ganacsiga, goobaha laga dareemayo ganacsigaas waxaa ka mid ah waddada Maka Al-mukarrama oo ay ka furmeen carwooyin waawayn, Hoteello, maqaaxiyo iyo waliba meelaha laga qaxweeyo ee loo yaqaan Coffetera.

Qaar ka mida milkiilayaasha carwooyinka ayaa kuu sheegaya in xilligan ay gaaraan waqti dambe oo habeenkii ah islamarkaana ay u yimaadaan macaamiil ka adeegta, ammaankuna yahay mid laysku halaynkaro.

Cabdulqaadir Nuunnow waa mulkiilaha carwada ganacsi ee Al-kowsar, wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay “Muddo sanado ah oo tegey ma arag ganacsi ka wanaagsan kan hadda aan haysanno, xilliyo badan oo hore ganacsigaygu wuxuu ku ekaa maalintii oo marka casarkii la gaaro gurigaygaan u ordin jiray si aan uga nabad galo mugdiga iyo colaadda is huwanaa ee baqdinta badnaa kana jiray mudda dheer Muqdisho, haddase waxaan shaqeeynaa illaa waqti dambe oo habeenkii ah waxaana magaalada ka jira dhaq dhaqaaqa aad aragto”.

Sidoo kale caadiyan bulshada Soomaaliyeed ayaa dhaqan u leh inay xilliga habeenkii ah socdaan oo ganacsina sameeyaan, taasoo ku salaysan arrimaha dhaqan-dhaqaale ee soo jireenka u ah, inkastoo ay wax ka beddeleen xilliyadaan adag, taasoo hadda aad arkayso xilliyada habeenkii dadweynaha ku dhaqan magaalada oo xaafado kala duwan ukala soconaya, waxaana shaqaynaya gaadiidka dadwaynaha ee loo yaqaanno (Baabuurta Laraaco – BL), dadkuna way dukaamaystaan.

Saynab Maxamed waa hooyo ku dhaqan degmada Waaberi, waxaana ay xilli habeen ah ay Ergo ugu warrantay illinka hore ee Albaabka gurigeeda oo ay ii sheegtay inay ku gaarto xillli dambe hadda, balse markii hore albaabkeeda ay ahayd meelaha dagaalka uu ka dhaco,”Waxaan dareemaynaa in uu jiro isbedel dhanka amaanka ah, waxaana magaalada hadda ka shaqaynaya ganacsi waana dukaamaysanaa xilliyada habeenkii”ayay tiri Satnab Abwaan Cabdikariim Faarax Jiice waa mid kamida abwaanada Soomaaliyeed wuxuuna Ergo u sheegay “Waxaan fadhiyaa laamiga waxaanan  ku gaaraa muddo xilli dambe ah, annigoo xusuusanaya berisamaad aan ku caweyn jiray dariiqyadii quruxda badnaa ee magaladu lahayd.”

Dhalinyarada ayaay arrintaani si nuxur leh u taabatay, iyagoo waqtiyo badan ahaa guri ku jir, ka baqa qaba in la bartilmaameedsado, haddase habeenkii waxay isugu yimaadaan goobaha aflaanta lagu daawado ama meelaha cajaladaha lagu kireeyo, waxaana ay kiraysanayaan canjaladaha waxaana qaar kamida dhalinyarada ay u sheegeen Ergo dareenkooda iyagoo sheegay in wax badan inay la tahay riyo waxay arkayaan, ayse ku faraxsan yihiin xorriyadda ay dareemayaan.

Is-goysyada magaalada waxaa xilliyada habeenkii kus ugan ciidamada booliska Soomaaliya, iyagoo sugaya ammaanka, hubinayana dhammaan gaadiidka dadwaynaha iyo kan sida gaarka ah loo leeyahay, waana tallaabadda dhiirri gelisay dadku inay xilli habeen ah oo in badan aan la socon jirin Muqdisho ay dukaamaystaan ama sameeyaan ganacsiyo kala duwan.
AA/MH

Previous Post

FANAANKA MAXAMUUD GOOX QARBOOSH OO GEERIYOODAY

Next Post

FAO: XASARADAHA SOOMAALIYA WAY SII YARAANAYAAN, BALSE 2.12 MILYAN OO QOF AYAY HEYSATAA XAALAD CUNNO YARAAN

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
FAO: XASARADAHA SOOMAALIYA WAY SII YARAANAYAAN, BALSE 2.12 MILYAN OO QOF AYAY HEYSATAA XAALAD CUNNO YARAAN

FAO: XASARADAHA SOOMAALIYA WAY SII YARAANAYAAN, BALSE 2.12 MILYAN OO QOF AYAY HEYSATAA XAALAD CUNNO YARAAN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-NOV-2026

IDAACADDA 23-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2026
November 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2026
November 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2026
November 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-NOV-2026
November 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV 2026
November 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo