
Qaar kamid ah dadkaan oo u warramayay Raadiyaha Ergo ayaa waxay intooda badan sheegeen inay rajo wanaagsan ka qabaan in Soomaaliya xilligan ay ka gudubto marxalada Kumeel-gaar ka ay u horseedi karto inay soo afjarmi karaan dhibaatooyinka dagaalladii sokeeye ee muddada ku siman 20-ka sano ka jiray Soomaaliya.
“Raja wanaagsan ayaan ka qabnaa marka Soomaaliya ay ka gudubto marxaladdan Kumeel-gaarka ah, waxaa la heli doonaa manhaj waxbarasho oo mideysan , waxaa muuqan doona doorka haweenka ay ku yeelihiin dowladda, sidoo kale waxaa dhalaneysa dowlad rasmi ah,waxaa soo noqon doona dhammaan adeegyadii uu qaranka u baahnaa.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadweynaha.
“Waxaa horumar gaari doona gobollada dalka oo dhan, hay`adaha Soomaaliya quseeya ee saldhigga u ah Kenya ayaa dalka imaan doona, waxayna keeneysaa inay caalamka intiisa kale ay wax la wadaagaan.” ayaa qeyb ka ahaa hadalladii ay yiraahdeen dadweynaha.
Waxaa sidoo kale jira dad iyaguna qaba fekir ah in Soomaaliya aanay waxba iska baddali doonin sida ay hadda ay tahay marka laga baxo xilliga mumeel –gaarka ah.
“Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya aanay iska baddali doonin xaaladda ay hadda ku sugan tahay, dowladda soo socota waxay ku dhaqmi doontaa dastuurka Muqdisho lagu ansixinayo, taas umadda Soomaaliyeed kuma qanacsana, dastuurkana isqabqabsi ayaa ka taagan, ra1yi ahaanteydana rajo kama qabo in Soomaaliya mustaqbalka ay wax iska baddali doonaan, xitaa haddii ay ka gudubto marxaladdan.” Ayay tiri mid kamid ah gabdhihii ka hadlay ra`yigooda ku saabsan rajada ay ka qabaan marka Soomaaliya ay ka gudubto marxaladda kumeel-gaarka ah.
Soomaaliya muddo ka badan 20-sano kama aysan jirin dowlad dhexe, waxaana taasi ay horseedday in dalka ay ka dhacaan dhibaatooyin bani’aadannimo oo dadka iyo dalkaba saameyn ballaaran ku yeeshay.
Nasra Cabdi Cismaan/FM









