
Wasiirka booliiska Koonfur Afrika ayaa guddi u xil-saaray arrintaasi, isagoo eedeyn dusha kaga tuuray ciidamada booliiska oo uu ku eedeeyay inay ka hortagi waayeen falal dambiyeedyadaasi oo la sheegay in markii la boobayey hantida Soomaalida K/Afrika ay kor ka daawanayeen, waxaana jira cadaadis xooggan oo wasaaradda ammaanka kaga imaanaya hay`adaha u dooda xaquuqda qaxootiga adduunka.
Sagaal qof ayaa loo qabtay illaa iyo hadda falalkaasi, waxaana sidoo kale shaqada laga fariisiyey ciidamadii booliiska oo maalintaasi u xil-saarnaa ilaalada deegaankaasi, waxayna arrintani u muuqataa inay dowladda Koofur Afrika ka jawaabeyso eedeymo caalami ah ay usoo jeediyeen safaaradaha adduunka.
Cabdullaahi Cali Xasan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town oo Raadiyo Ergo ayaa sheegay inay aad u soo dhoweynayaan in dowladda K/Afrika ay wax ka qabato dadka dhibaateeynta u geysta qaxootiga magangalya doonka ah.
“Arrintaas waa arrin wanaagsan niyaddana u dhisayso dadka magangalyo doonka ah,Dowlada K/Afrika waan soo dhaweynaynaa dadaalka ay waddo, ha yeeshee South Afrika waa dal sharcigiisa iska dabacsan waqti way qaadanaysa balse waan rajeynaa in ugu dambeyntii gacanta lagu soo dhegi doono dadkii falalkaasi gaystay.
“Anaga haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Afrika dalkaan wanaag badanna waan ku qabnaa dhibaatooyin badanna waan ku qabnaa, balse annaga haddaan nahay Soomaali waxaa nalooga baahanyahay inaan iska warqabno, haddii aan isku duubnaanno haddii aan isku xirnaanno dowladdana way na qadarinaysaa, ciddii kale ee dulmi kugu waddana waad iska dhicinaysaa.” Ayuu yiri Cabdullaahi Cali.
Dhowr toddobaad ka hor ayay ahayd markii ganacsato Soomaaliyeed boob iyo barakicin loogu geystay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga magaalada Cape Town ee daka Koofur Afrika, kuwaasoo illaa iyo hadda aan dib ugu laaban mehradahooda ganacsi.
Abdi Kadir Ahad/FM/MG









