Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dab xoog leh oo khasaare u gaystay suuqii xerada qaxootiga ee dhagaxleey

Radio Ergo by Radio Ergo
July 30, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXerada Dhagaxleey oo kamid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku jiraan ku dhawaad nus malyuun qaxooti Soomaali ah ayaa waxaa xalay dab xoogan oo ka kacay xeradaas uu baabi’iyay suuqii ugu weynaa xerada ee xaafada A ee Dhagaxleey, balse ma jirin khasaare nafeed oo uu dabku gaystay.

Goob jooyaal  iyagu  la hadlay weriyeheena xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa  u sheegay in dabka uu billawday salaadii Maqrib kaddib xiligaas oo inta badan goobaha ganacsiga la xiray oo ay dadkuna afurayeen.

Khasaaraha dabka ayaa ilaa haatan aan si rasmi rasmi loo ogeyn balse marka la eego baaxadda goobaha ganacsi oo uu dabku baabi,iyay ayaa ah mid aad u ballaaran, waxaa si hor dhac ah loo qiyaasayaa in hantaimalaayiin shillin ah ay ku baaba’day.

Inkastoo dabkaas xalay goor dambe lagu guulaystay in la damiyo haddana wararka saaka aanu ka helayno xeradaas ayaa sheegaya in dabka uu sidoo kale ku fiday xaafado ku dhawaa suuqa, taa oo keentay in qoysaska qaar ay guryahooda ka qaxaan.

Saaka ayaa waxaa suuqa Dhadhaab lagu arkayaa  ehelada ganacsatada ay goobahooda ganacsi ku gubteen dabkaasi, iyo sidoo kale  dad weyne aad u farabadan oo goobta tuban, kuwaa oo xisaabinaya qasaaraha soo gaaray, waxaana la arkayaa ganacsato aad u murugeysan oo ku hanti belay dabka.

Suuqa weyn ee xerada Dhagaxleey ayaa waxaa ku ganacsan jiray dadweyne aad u farabadan oo noloshoodu ay ku tiirsanayd ganacsiga ay suuqaas ka sameeyaan.

Cabdi fataax Axmed Cusmaan oo isagu ah guddoomiyaha xerada qaxootiga Dhagaxleey oo  u waramayay idaacadda ergo ayaa sheegay in dabkaasi uu baa bi,iyay goobo ganacsi oo isugu jira xaruma xawaaladood ,bacadlayaal lagu iibiyo dharka,bakhaaro ,iyo xarumaha lagu iibiyo daawada, isagoona sheegay in aan si dhab ah loo ogaan Karin waxyaabaha uu ka dhashay dabkaasi.

“Dabku waxaa uu baabi’iyay shan ka mid ah todoba dukaan oo aan ku lahaa suuqaasi waxaa ii soo haray laba dukaan oo kaliya” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Cabdullaahi Barre oo isagu ka mid ah ganacsatada waaweyn ee suuqaasi Dhagaxleey, waxaana uu intaasi ku daray in halkaasi uu ku wayay hanta qiyaastii ka badan illaa 4milyan oo shilinka Kenya ah.

“Ma haysto caawa waxaan ku afuro waxaa iga gubtay bakhaar iyo dukaan aan ku lahaa suuqaasi mana jiraan wax ii bad baaday” sidaana waxaa ku tiraabtay haweeney ka mid ahayd ganacsatadii hantidooda ku waayay dabkaasi.

Mid kamid ah dhallinyaro ku sugnayd goobta uu dabku ka socday ayaa Ergo u sheegay in uu baadi goobayo walaalki oo madaxa looga jiro kaasoo uu sheegay in uu hoyaad ka dhigan jiray suuqa illaa iyo haatanna aysan gacan ku haynin.

Si kastaba dab sidaan oo kale ah oo qasaaro lixaad leh gaystay ayaa sanadkii 2004tii waxaa uu ka kacay suuqa weyn ee xerada Xagar dheere ee xeryaha qaxootiga kaasoo ay dad badani ku waayeen hanta fara badan, dhanka kale ma jiraan waxa dhimasho iyo dhaawac ah oo la sheegay in dabkaasi uu geystay.

Farxaan Lafoole/MG/CC

 

Previous Post

Xaaladaha naafada ku jirta kaamka seybiyaano

Next Post

KOONFUR AFRIKA OO BAARAYSA BOOB LAGULA KACAY GANACSATO SOOMAALI AH

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Soomali dib uga soo noqotay koonfur afrika

KOONFUR AFRIKA OO BAARAYSA BOOB LAGULA KACAY GANACSATO SOOMAALI AH

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo