Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladaha naafada ku jirta kaamka seybiyaano

Radio Ergo by Radio Ergo
July 30, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDadkan Naafada oo isugu jira Rag iyo Haween oo aan  ku booqday kaamka Seybiyaano oo ay ka deganyihiin magaalada Muqdisho ayaa ku heysata Xaalado beni aadanima ah oo aad u daran,

Sida ay sheegtay guddoomiyaha ku xigeenka kaamka seybiyaano qeybta haweenka naafada Shamso Qanyare Barre oo markoodii hore ka soo barakacay deegaananada Ceelasha Biyaha.

“Anaga horta waxaan ka soo qaxnay degaanka Xaawo Cabdi, barakacayaashii hada ugu dambeeyay ayaan ahayn haweenkeena qaasatan, halkan lix bilood ayaanu deganahay, raga ayaa naga soo horeeyay oo sanad iyo bar degan oo na soo dhaweeyay oo meeshaan aan la soo degnay, wax na saaciday oo wax noo keenay waxaa ka helnay Hay’adda Concern rashiin bila ah na siisay, DBG waxa ay  noo dhistay iskuulkan oo isna maalgelintiisa”. Ayay tiri guddoomiye ku xigeenka kaamka Seybiyaano qeybta haweenka naafada ah.

Shamso oo sii hadlaysay ayaa tilmaamtay in kaamku uusan lahayn adeegyo waxbarasho oo ku filan iyo kuwa caafimaad ” Malahan caafimaad, dugsiyo iyo iskuulo nagu filan ma lihin, gabadha naafada ee nabar uu qabto ama fool ay qabato  ilaa Isbitaalka Banaadir Gaari ayaan ku qaadnaa markey noo dhashana gaari gacan ayaan oga soo qaadnaa, ma awoodno Baabuur.

Sidookale Shamso ayaa sharaxaad kooban ka bixineysa  Xaalada Nololeed Ee qoysaska haweenka  Naafada.

“Qoysaska xaaladooda hada waa sidii Illahay ugu talagalay, oo waxaan xitaa aan u aruurinaa badarada, Midii wax karsata ayaan dhahnaa mida kale ee aan heysan u geey, Qaarna Rubacooda ayay isku dabaran, qaaraa tuugsi aada, qaarna guriga ayay iska jooogaan oo waxaan karsano ayaan u aruurinaa, mida roon ee wax karsata ayaa wax u celiso” ayay tiri Shamso.

Iyadoo xaaladaasi kala duwan ee bani’aadanimo ay ku sugan yihiin ayaa waxay Gudoomiye ku xigeenka Naafada Haweenka sheegtay in aysan la kulmin tixgelintii bina’aadnimo oo ay filayeen.

“Kaamka Haweenka Naafada cabashada ugu weyn ee maanta heysata waxa waaye mida koowaad Magaalada Waxaa degan Hey,ado NGO ya u qeyb san, anaga Cabashada noogu weyn waxay tahay Hey’adahaasi aan tagno Xafiiskeeda markaan hor istaagno oo ay na ogaadaan inaan Naafo noqono waa nala xiranayaa albaabka Naafada aad bey u dhibantahay, Codkeeda Ma shaqeeyo, Codkeeda ma socdo, meelaha ay degan tahay lama soo booqdo Siiba UN-ka, Waxan u sheegeynaa in Qorshihiisa uu ku shaqeeyo aanan ku jirin” .

Kaamkan ayaa waxaa ku sugan Naafo kala duwan oo isugu jira kuwa si dabiiciah u naafooway iyo kuwa ay saameyn ku yeesheen dagaaladii ka dhacayay dalka.

Maryan Xasan Maxamuud waa Gabar Dhalinyaro ah kana mid ah haweenkii Naafada  ee aan la kulmay waxaana  waxyeelo xoogana ay ka soo gaartay Qarax Miino oo sanado ka hor  ka dhacay  magaalada Muqdisho, Waxayna Ergo Radio U warantay Xaaladeeda Caafimaad iyadoona baaq jeedisay.

“Dhaawacyadan ayaa igu yaalaan, miino ayaa aniga oo gaari Degaanka Afarta darjiino saaran ila qaraxday xilligii Etoobiya, labada lugood ayaan ka dhaawacmay ilaa hada waan ka kabsan la ahay, midaan la fadhiyana waa iyada, isbitaalka Keydsaney ayaan 8 Bilood ku jira, waxyaabo ay ii qabteen ma lahan ilaa hada, Nabaradii way igu yaalaan, waxaan ku baaqi lahaa Walaalahay iney wax ila soo gaaraan, oo waxay naga roonyihiin Noo qabtaan ayay tiri Maryan.

Naafadan ayaa dhibaato ku qaba Helitaanka Biyaha oo Nolosha Muhiim u ah, iyadoo taasina ay u dheertahay in qaarkood aanay heli Karin Awood ay ku maamulikaraan adeegyadii  Guriga loogu talagaly madaama ay naafo yihiin waa tan haweeney ka mid ah haweenka naafada oo ka hadlaysa.

“qof naafo 8 sano ah ayaan ahay oo agoonley ah, Maskiin waan ahay, Jirgaanka Biyaha hadaan Ceelka ii dhaw ka waayo kama keensan karo kan iga dheer, laamiga hadaan gooyo waan la kufaa, gacanta Midig Eber waayay, Marada Waa I jalaafeysaa, waxaan rabnaa walaalaheena inay noo soo gurmadaan, biyo iyo baad waxay noo heli karaan siiba biyaha, naafo ayaan nahay, curyaamiin ayaan nahay,  Shan sano  ayaan halkan iyo ceelasha oo aan ka soo barakacnay joognaa”. Ayay tiri Faadumo Cali Xasan

Xaawo Cali Maxamed Waa ayeeyada Wiil yar oo naafa ah waxayna Ergo Radio ugu warbixiyay xaaladiisa caafimaad

“ Waxaan heystaa Wiilkan yarka ah ee Agoonka ah lana yiraahdo Maxamed Sade Cali, Mudo 8 sano oo bila dhiman ayuu jiraa, isagoo lix bilood jira ayuu xanuunkan ku dhacay,dhaqaatiir badan ayaan u geynay, qolo itiraahda waxbaan ka qabaneynaa waan waayay, qolo walba oo waxay I yiraahdaan cillad Maskaxda ayuu qabaa ee guriga ku Quraan saaro.

Ugu dambeentii Shamso Bare Gudoomiye Ku xigeenka Haweenka Naafada ayaa cod dheer baaq ugu diray caalamka  gaar ahaan dawladda Soomaaliya iyo hayáddaha samafalka.

“Waxaan ku baaqi lahaa, hay adaha wax dhiiba, Ngoyada kuwa gudaha iyo kuwa kale, dawlada xitaa waxaan ka codsaneynaa in horta meelaha aan ku nool nahay na soo fiiriso, dawlada waa dawladeenii waxay ku dhaaratay in ay dadka soomaaliyeed wax u qabaneyso, waxaan nahay dadkii liitay ee magacooda lagu doortay oo naafada ahaa, cod ayaan ku leenahay, marka waxaan ka codsaneynaa inay na soo booqato”.

Nasra Cabdi Cismaan/ MG/

 

Previous Post

Isbitaal banaadir: 10 qof oo nafaqo daro haysato ayaa maalintii timaada

Next Post

Dab xoog leh oo khasaare u gaystay suuqii xerada qaxootiga ee dhagaxleey

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Dab xoog leh oo khasaare u gaystay suuqii xerada qaxootiga ee dhagaxleey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo