Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

HAY`ADDA IMS IYO RAADIYO ERGO OO TABABAR UGU QABTAY 25 WERIYE MAGAALADA GAROWE

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
July 10, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
HAY`ADDA IMS IYO RAADIYO ERGO OO TABABAR UGU QABTAY 25 WERIYE MAGAALADA GAROWE
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankTababarkani ay ka qeyb galayaan 25 suxufi oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ah mid lagu barayo suxufiyiinta tabinta wararka ku saabsan bini`aadannimada, xog-doonka iyo sida dabagal loogu sameeyo wararka.

Waxaana maalgalinaya tababarkan hay`adda taageerta warbaahinta ee IMS, iyadoo uu fulinayo Raadiyaha arrimaha bini`aadannimada Ergo kaasoo hoostaga hay`adaasi.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal, waa Tifaaftiraha Raadiyo Ergo wuxuuna ka hadlay xafladdii furitaanka tababarkan, taasoo ay ka soo qeyb galeen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socotey Puntland iyo dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka, wuxuuna sheegay in tababarkan aanu aheyn kii ugu horreeyay ee ay u qabtaan weriyeyaasha Soomaalida ah.

“Tababarkani aqoon is-weydaarsiga ah oo ay soo qabanqaabisey hay`adda International Media Support (IMS) oo uu hoostago Raadiyo Ergo oo aan filayo in uu yahay tabarkii 4-raad ee lagu qabto deegaannada Puntland, inkastoo tababarro kale lagu qabtay gobollada kale ee Soomaaliya qaar ka mid ah, waxaan kuu sheegayaa tababarkani wuxuu la xiriiraa arrimaha bini`aadannimada, iyadoo markasta uu Raadiyo Ergo baahiyo waxa la xiriira bini`aadannimada, tababarkana wuxuu la xiriiraa xog-doonka saxaafadda.”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar, oo ka mid ahaa mas`uuliyiinta ka soo qeyb gashay furitaankii tababarkani ayaa sheegay in looga baahan yahay saxafiyiinta inay ka feejignaadaan wararka ay tabinayaan.

“Ma ahan wax sahlan xilka weriyenimada, mas`uuliyad baa idiin saaran, waa in aad ku dadaashaan sidaad u gudbin laheydeen warar sugan, xogta in aad gaarsiisaan dadka idin dhageysanaya waddo dheer ayaa loo soo maraa, ha moodina warka deg degga ah inuu xiiso leeyahay, warka sugan iyo xogta baaristeeda waa waxa warka kobciya.”

Sidoo kale Wasiirka wuxuu cambaareyn kulul dusha uga tuurey kooxaha caadeystay dilka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo ka tacsiyeeyey suxufiyiintii lagu laayey guda dalka Soomaaliya, wuxuuna caafimaad uu ilaah uga baryay Weriye Cabdulqaadir Cumar Cabdulle oo dhowaan dhaawac culus ay Muqdisho ugu geysteen kooxo hubeysan.

Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Ciise oo ka mid ah culumaa`udiinka Puntland oo ka hadlay xafladda furitaanka tababarkan ayaa tilmaamey in isgarsiintu ay soo martay heerar kala duwan, loona baahan yahay weriyeyaasha inay iska ilaaliyaan tabinta warar khaldan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay`adda IMS iyo Raadiyo Ergo ay tababar kan oo kale ah ugu qabtaan suxufiyiinta Soomaaliyeed gudaha dalka, iyadoo tababarkan uu qeyb ka yahay tababarrada sare u qaadaya aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Axmed Nuur Soomaali/FM

Previous Post

HAWEENKA OO DANBIIL KU ADEEGANAYA MUQDISHO 20 SANO KA DIB

Next Post

Boob iyo gubid lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Boob iyo gubid lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika

Boob iyo gubid lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo