Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

HAY`ADDA IMS IYO RAADIYO ERGO OO MAGAALADA GAROWE TABABAR UGU SOO XIRAY 25 WERIYE

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
July 16, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
HAY`ADDA IMS IYO RAADIYO ERGO OO MAGAALADA GAROWE TABABAR UGU SOO XIRAY 25 WERIYE
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankTababarkani ugu soo gabagaboobey magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland  25-kan warfidiyeen oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya ayaa lagu baranayey tabinta wararka ku saabsan bani`aadannimada iyo xog-doonka saxaafadda, wuxuuna soconayey muddo 3-maalmood ah.

Tababarkani waxaa maalgelinayey hay`adda  caalamiga ah ee ka shaqeysa taageeridda warbaahinta ee loo soo gaabiyo ( IMS), iyadoo uu fulinayey Raadiyaha aerimaha bani`aadannimada ee Ergo kaasoo hoostaga hay`addan IMS.

Xafladdii xiritaanka tababarkan oo ay kasoo qeyb galeen mas`uuliyiin ka socotey Puntland, heyadaha warbaahinta iyo bulshada rayidka ayaa looga codsaday weriyeyaasha in kaalintooda ay ka qaataan dib udhiska dalka.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal, waa Tifaftiraha Raadiyo Ergo wuxuuna mahad celin ujeediyey cidkasta oo qeyb ka qaadatey siduu u qabsoomi lahaa tababarkan “Muddo 3-maalin ah laguma koobi karo casharrada la idin barayey, hayeeshee ujeeddada waxay aheyd in albaabada la idin furo, dhammeystirka cilmiga la idiin bareyna aad idinku la timaaddaan, ugu dambeyntii waxaan u mahad celinayaa macallimiintii halkan casharrada ka soo jeedisey oo diyaarintoodii iyo soo gudbintoodii aan filayo in aad ka faa`iideysateen, guud ahaan waxaan kaloo u mahad celinayaa maamulka iyo dadka reer Puntland oo markasta gacan naga siiya sidii ay noogu qabsoomi lahaayeen tababarrada aan ku qabamno magaalooyinka Puntland.“

Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Ciise oo ka mid ah culumaa`udiinka Puntland kana mid ahaa dadkii kasoo qeyb galay xafladdan tababarka loogu soo xiraayey suxufiyiintan, ayaa ku amaaney weriyeyaasha Soomaalida dadaalka dheer ee ay u galeen sidii ay bulshadooda ula socodsiin lahaayeen wacyiga taagan markasta, isagoo ku dhiiri geliyey weriyeyasha in wararka iyo barnaamijyada ay baahinayaan ay noqdaan kuwo hufan oo aan uga imaan wax khalad ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland, Suleymaan Siciid oo ka hadlay madasha xafladda xiritaanka ayaa ku amaanay hay`adda IMS iyo Raadiyo Ergo kaalinta ay ka qaataan kor uqaadidda aqoonta warfidiyeennada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in wasaaraddiisa ay soo dhoweyneyso in weriyeyaashu ay helaan tababarro noocan oo kale ah.

Guddomiyihii hore ee gobolka Bari Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa isagana sheegay in weriyeyaashu maanta ay yihiin bartilmaameed, loona baahan yahay inay foojignaadaan.
Weriye Cumar Xabeeb Nuur (Teacher) oo ka mid ahaa weriyeyaashii ka faa`iideystay tababarkan, ayaa sheegay in muddadii uu usocdey tababarkan ay ka faa`iideen aqoon la xiriirta saxaafadda.

Hay`adda IMS iyo Raadiyo Ergo ayaa sanad walba u qabta suxufiyiinta Soomaaliyeed tababarro qeyb ka ah dadaal loogu jiro sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda suxufiyiinta, iyadoo tababarkani uu ka taageeri doono how lahooda shaqo.

Axmed Nuur Soomaali/FMblank

Previous Post

WARARKII QIIMAHA XOOLLAHA SOOMAALIYA EE TODOBAADKA

Next Post

Qm: Waxaa gargaar wali u baahan 2.5 milyan oo qof

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Boob iyo gubid lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika

Qm: Waxaa gargaar wali u baahan 2.5 milyan oo qof

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo