Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaalida koonfur Afrika oo walwalsan

Radio Ergo by Radio Ergo
May 12, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIyadoo muddooyinkii dambe uu soo kordhayay cabsida iyo welwelka  Soomaalida ku nool Koofur Afrika ay ka qabeen warar sheegayay in la xiri doono xafiiska  wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan sharci siinta qaxootiga ee ku yaalla magaalada Cape town ee dalkaasi ayaa haddana waxaa kulan  la xirriira  arrintaasi uu ka dhacay xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan qaxootiga ee Cape town, kulankaasi oo lagu casuumay madax ka socotay hay`adda xirriirka Soomaalida ee  waddanka Koofur Afrika.

Haddaba kulankaasi oo ahaa mid muhiim u ah dadka soo galootiga ah ee ku nool waddankaasi Koofur Afrika Soomaaliduna ka mid tahay ayaa waxaa looga hadlay arrimo  badan oo quseeya dadka magangalyada ku jooga waddankaasi, iyadoo diiradda lagu saaray hadal haynta ugu badan ee muddooyinkii ugu dambeeyay ay isla dhexmarayeen Soomaalida ku nool  dalkaasi, taasoo ahayd in albaabada la isugu dhufan doono xafiiska u qaabilsan wasaaradda arrimaha gudaha Koofur Afrika  arrimaha qaxootiyada iyo sharci siinta arrintaasoo wal wal iyo walaac xooggan ku beertay dadka Soomaalida ah ee dhawaaan tagay waddankaasi.

Xadiis Xaaji Aadan wuxuu ka tirsan yahay hay`adda xiriirka Soomaalida Koofur Afrika  wuxuuna idaacadda Ergo u sheegay in kulankaasi lagu casuumay hay`addooda isla mar ahaantaana sidoo kale lagu casuumay hay`adaha xuquuqda aadamaha, hay`adda qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo hay`ado kale oo caawiya qaxootiga, waxana uu sheegay inaysan waxba ka jirin hadallada ku saabsan in la xiri doono xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha waddankaasi u qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo sharcisiinta, kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay isla dhex marayeen dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Koofur Afrika.

“Waa been aan sal iyo raad lahayn, kulanka waxaa lagu caddeeyay in aan la xirayn xafiiska oo qabta shaqooyin aad u muhiim ah, balse waxaa jira in xafiiska uu ka guuri doono halka uu haatan ku yaallo taasoo uu ku micneeyay in dadka ku nool deegaanka ay ka cawdeen xafiiska oo muddooyinkii dambe ay saxmaddiisu badatay, isla mar ahaantaan dad badan ay hoy ka dhigteen” ayuu yiri Xaddiis Xaaji, oo intaasi ku daray in xafiiska loo rari doono meelo kale isla mar ahaantaan uu sii wadan doono hawlihii uu u hayay qaxootiga Soomaalidu ay ka midka tahay.

Xadiis wuxuu intaas raaciyay in mas`uuliyiintii ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Koofur Afrika ay ku wargaliyeen inay la soo xiriiri doonaan madaxda jaaliyadda Soomaalida ee ku nool waddankaasi, isagoo intaasi ku daray inay mar kale ku celiyeen  inay ka soo horjeedaan hadalkii ka soo baxay dowladda Koofur Afrika kaasoo ahaa in qaxootiyada laga raro goobaha ku dhaw magaalooyinka isla mar ahaantaana la geeyo xududaha.

Xadiis ayaa dhanka kale mar uu ka hadlayay qaabka ay sharciga ku helaan Soomaalida wuxuu yiri:  “marka hore oo ay soo galaan waddankan waxaa la siiyaa warqad soconaysa illaa lix bilood taasoo ah magangalyo siin, ka dibna  waxaa dhici karta in laba xilli loo sii cusbooneysiiyo, laakiin waxaan arkay maaalin hore nin oday ah oo Soomaaliyeed kaasoo illaa afar sanadood haysta warqaddaas waana caddaalad darro, waxaana keenaya musuq maasuq ka jira waddankaan.”

Si kastaba  ha ahaatee waddanka Koofur Afrika oo ka mid ah dalalka ugu horumarsan qaaradda  Afrika ayaa waxaa  ku sugan Soomaali badan oo halkaasi ka xoogsada, kuwaasoo muddooyinkii dambe halkaasi loogu geysanayay dhibaatooyin isugu jira dhac, dil, boob iyo handadaad.

Cabdulqaadir Axad/AA/MG/FM

Previous Post

DAWAYN IYO TALLAAL LOO SAMEEYAY XOOLO QABA CUDURKA CAALKA.

Next Post

Qaxootiga zanzibar ah ee ku sugan muqdisho oo cabanaya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Qaxootiga zanzibar ah ee ku sugan muqdisho oo cabanaya

Qaxootiga zanzibar ah ee ku sugan muqdisho oo cabanaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo