Dhawaan ayay ahayd markii xoolo badan oo ku dhaqan gobollada Puntland ay u le’deen cuduro ay ka mid-yihiin Dhukaanka, Jadeecada iyo Caalka, kuwaasi oo si xawli ah ugu baahay xoolaha oo idil sida uu Radio ERGO u xaqiijiyay wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Puntland Siciid Xuseen Shire.
Wasaaradda xannaanada xoolaha maamulka Puntland oo kaashanaysa hay’ada FAO ayaa dhakhaatiir ka kooban 150 xunbood waxay u dirtay dhammaanba gobollada Puntland si ay u fuliyaan hawl-gal isugu jira tallaal iyo dawayn.
Gobolka Mudug waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu daran ee xannuunkaasi uu xoolaha aadka u saameeyay. Haddaba si idaacadda Ergo ay wax uga ogaato xaaladda xoolaha ee gobolka iyo waxa u suurto-galay dhakhaatiirtii miyigu u kacay ayaan waraysi waxaan la yeelanay C/raxmaan Maxamed Jaamac oo isagu hoggaaminayay 5 kooxood oo gobolka Mudug miyigiisa loo xilsaaray.
“Hadda anigu waxaan joogaa magaalo layiraahdo Balanbal oo ka tirsan gobolka Mudug shaqadu si wanaagsan ayay dhammaan degmooyinka ugu socotaa, waxaana gobolkaan Mudug loo soo xilsaaray illaa 5 kooxood oo degmooyinka loo qaybiyay, xannuunada ugu daran oo xoolaha Mudug haya waxaa ka mid ah xannuunka jadeecadda, waxaana filayaa hawshu ina si wanaagsan ku soo dhammaandoonto” sidaasina waxaa yiri C/raxmaan Maxamed Jaamac oo ka mid ah dhakhaatiirta loo diray gobolka Mudug.
Qaar ka mid ah dhakhaatiirta xoolaha ayaa caqabad ku tilmaamay fahanka muhiimada tallaalka ee dadka reer guuraaga ah, hayeeshee Dr Cabdullaahi oo ka mid ah dhakhaatiirta xoolaha ayaa calaamadaha cudurka PPR-ka Radio ERGO sharaxaad kasiiyay.
Waxaana Dr C/llaahi uu hadalkiisa ku bilaabay “Shacabka reer-miyiga ah waxaan ugu baaqaynaa inay xoolaha tallaashaan oo aysan wax shaki ah ka qaadin cudurka PPR-ku, waxaa uu leeyahay calaamado waxaana ka mid ah xoolaha oo lagu arko shuban, afka ayuu nabaro ku leeyahay, xumad fara-badan ayuu leeyahay, neefka oo dhiciya ayuu leeyahay, waxaan ugu baaqayaa inay xoolo-dhaqatadu ka faa’iidaystaan fursadaasi“.
Hawl-galkaan ayaa socondoona muddo bil iyo badh ah, waxaana caafimaadka xoolahu uu ahmiyad wayn u leeyahay nolasha bulshada Soomaaliyeed haday ahaan-lahayd dhanka dhaqaalaha iyo nolashaba.
Maxamed Cabdilaahi Kooshin/MH