Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

DIB U DHACA HAYSTA WAX SOO SAARKA KALLUUMAYSATADA GOBOLKA BARI.

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
May 11, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
DIB U DHACA HAYSTA WAX SOO SAARKA KALLUUMAYSATADA GOBOLKA BARI.

Sawirhore/Radioergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKalluumaysiga ayaa ka mid ah ilaha dhaqaalaha  wax soo saarka Soomaaliya, iyadoo xeebta dheer ee waddanku leeyahay ay ka dhigtay laf dhabar muhiim ah oo dhinaca nolosha ah.

Inkastoo aan looga faa`iidaysan sidii la rabay duruufo badan oo jira dartood. Qiyaasta wax soo saarka kalluumaysiga Soomaaliya ayaa ahaa mid aad u yar marka la eego 1970-maadkii billowgoodii oo wax ka yar 500 oo doomood ay badda saarnaa siday sheegeyso warbixintii ay soo saartay hay`adda cuntadda iyo beeraha adduunka ee FAO, iyadoo ay kor u kacday toban jibbaar muddo shan sano gudahood, 1975-tii ayey gaareen 5 illaa 8 kun, waxaana markasta dhibaato ku hayey kalluumaysatada iyadoo ay ku adagtahay inay u helaan dayactir doonyahooda iyo qalabkooda jillaabashada.

Wax soo saarka kalluunka Soomaaliya sanadihi u dhexeeyey 1980 illaa 1985 wuxuu ahaa kuwii ugu badnaa, 4 kun illaa 8 kun oo ton inta u dhaxaysa ayaa sanadkii lagu qiyaasay inuu ahaa wax so saarkiisu, waxaana waqtigaas xoogga la saaray dhinaca kalluumaysiga dowladdii xilligaas jirtay ayaa u samaysay mashaariic horumarineed, waxayse arrimahaasi meesha ka baxeen xilligii burburka. Sida ay FAO warbixinteeda soo baxday sanadkii 2011 ku muujinayso 55 milyan oo Dollar ayaa hadda ka soo baxda wax soo saarka kalluumaysiga Soomaaliya, halkaan riix (RIIX).

Xeebaha Soomaaliya oo dhererkeedu ka badan yahay 2000 oo mayl ayeysan jirin hannaan ku salaysan wax soo saarka kalluunka oo keliya loo isticmaalo gudaha waxaanan jirin hab dhoofin, tanoo kalluumaystadu kuu sheegayaan inay ugu wacan tahay awooddooda qalab iyo xirfadeed oo aad u kooban, iyagoo awoodda keliya wixii nolol maalmeedkooda ah inay soo jillaabtaan.

Guddoomiyaha xarunta ganacsiga, warshadaha iyo beeraha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa Raadiyo Ergo u sheegay, “Badda oo meel muhiim u ah wax soo saarka waxaa fadhiya cadow, isugu jira budhcad badeed iyo maraakiibta shisheeye, waxaa isku mid noqday doonyihii ay isticmaalayeen budhcadda iyo kalluumaysatada oo in badan oo ka mid ah kalluumaysatadii la laayey qaarna ay ku jiraan xabsiyada iyagoo ku eedaysan budhcad badeednimo, khasaare weyn ayeyna u geysteen wax soo saarkii kalluunka Soomaaliya gaar ahaan Puntland, taasna waxaa sii dheer qalabka iyo tayo gelinta kalluumaysatadu helaan oo aad u kooban, arrimahaas ayaa dhibaato weyn ku ah wax soo saarka kalluunka xeebaha Puntland.

Axmed Aadan wuxuu ka mid yahay kalluumaystada degmada Benderbayla ee gobolka Bari oo aan kula kulmay korka doontiisa oo markaas timid xeebta kalluunka lagu kala iibiyo ee magalada Boosaaso, wuxuuna ii sheegay in howlahoodii jillaabasho ay hoos u dheceen, iyadoo taasi ay ugu wacan tahay budhcad badeedda, sidoo kalena maraakiibta shisheeye ayaa dhibaato nagu hayo, aniga illaa 5 goor ayaa maraakiibta shisheeye i xabbadeeyeen ,anigoo ka soo cararay qalabkaygii kalluumaysiga, inaan dib ugu noqdana way adagtahay, noloshayda kalluunkaas ayaan ka soo saaraa,  Axmed waa xaasle hal carruur ah dhalay siduu u sheegay Raadio Ergo waxay kallunka ay soo saaraan u kala qaybiyaan laba nooc qayb ay u iibgeeyaan dibadaha ayna ka mid yihiin noocyada Libaaxa, Faraska, Balalleyda iyo Aargoosatada, sidoo kalena noocyo gaar ah ay u wanaagsan yihiin suuqyada gudaha kuwaasoo ay ka mid yihiin Sasebanaha, Afku toobka iyo Diiraha.

Benderbeyla waxay ka mid tahay degmooyin ku yaal gobolka Bari oo waqtiyo badan ay qaylo dhaan kalluumaysatadoodu ka soo saareen maraakiib shisheeye oo qaarna jariif yihiin kuwo kalen ciidan yihiin dhibaatooyin kala duwanna u gaystey doonyo, iyadoo bishii September ee sanadkii 2011-ka illaa afar doonyood ay dejiyeen maraakiibta dagaalka ee Nato leedahay, siduu sheegay Axmed.

Cabdulle Aadan oo isaguna ah mulkiilaha doon kalluumaysi oo deggan degmada Qandalla ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hannaanka kaydinta kalluunka ay ku tahay dhibaato wax soo saarkooda, iyagoon helin qaboojiye ay ku kaydiyaan si ay u gaarsiiyaan magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso oo kale, ayna hadda isticmalaan hanaan qadiim ah oo ay talaagado yar yar oo barafleh ku isticmaalaan wakhti aad u kooban.

Dhinaca isticmaalka gudaha ayey sheegeen kalluumaystadu in dadku waqtigaan ku sii baraarugayaan faa`iidooyinka uu leeyahay kalluunka, taasoo hadda sii kordhinaysa iibsiga kalluunka ee gudaha iyadoo dadka Soomaaliyeed hilibka xooluhu u yahay kan koowaad.

Dhammaad

MH/FM

Previous Post

ILMO YAR OO HADDII DHIIG JIRKIISA KA YIMAADO AAN LA JOOJIN KARIN OO KU DHIBAATEYSAN MANDHEERA

Next Post

DAWAYN IYO TALLAAL LOO SAMEEYAY XOOLO QABA CUDURKA CAALKA.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
DAWAYN IYO TALLAAL LOO SAMEEYAY XOOLO QABA CUDURKA CAALKA.

DAWAYN IYO TALLAAL LOO SAMEEYAY XOOLO QABA CUDURKA CAALKA.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo