Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

ILMO YAR OO HADDII DHIIG JIRKIISA KA YIMAADO AAN LA JOOJIN KARIN OO KU DHIBAATEYSAN MANDHEERA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
May 11, 2012
in Caafimaadka
0
ILMO YAR OO HADDII DHIIG JIRKIISA KA YIMAADO AAN LA JOOJIN KARIN OO KU DHIBAATEYSAN MANDHEERA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWiil sagaal sano jir ah oo qaba xanuun dalka gudihiisa wax looga qaban waayay oo ay isaga iyo qoyskiisa oo sabool ah ku nool yihiin magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayay xaaladdiisa caafimaad kasii dareysaa, oo waxay hadda mareysaa meel halis ah oo nolol iyo geeri u dhaxeysa, haddaanu si deg deg ah ku helin kaalmo caafimaad oo bannaanka ah, sida ay waalidkiisa Ergo u sheegeen.

Ilmahaan yar oo lagu magacaabo Cabdi-Maalik Cabdi Maxamed ayaa haddii meel ka mid ah jirkiisa wax yar uu ka gaaro dhiigna dibadda uga soo baxo waxay taasi ku keeneysaa in dhammaan wax allaaliyo wixii dhiig jirkiisa ku jiro uu dibadda u dhamaado, iyadoo lagu qasban yahay in lagu shubayo dhiig kale oo hor leh si uu u sii noolaado.

Waxaa dhacda mararka qaar in muddo bil gudaheeda ah uu waqtiyo isxig xigta uu dhiig baxo, maxaayeelay xitaa haddii isaga oo cadayanaya uu dhiig ka yimaado ciridkiisa ama halka ay iska haystaan ilkaha iyo ciridka ama ay qodaxi muddo iyo xitaa haddii ay wax yar oo xagtin ah ama sariin ah ka gaaro maqaarka waxaa furanaya dhiig aan lacelin karin, xitaa haddii goob caamifaad la geeyo. Keliya dhaqaatiirtu waxay u sameeyaan dhiig ku shubid.

Sida ay waalidkii sheegeen waxaa hadda bukaanka laga joojiyay ilmo la cayaarka iyo dugsigiisii waxbarashada, si loo ilaaliyo caafimaadkiisa.
Aabbaha dhalay ilmahaan jirran oo Ergo la hadlay ayaa sheegay inay xanuunkani ku arkeen wiilkooda markuu ahaa shan bilood jir, xili laga goynayay dalqo, kolkaasi oo ay suurta geli weysay in la joojiyo dhiiggii ka baxayay, hase ahaatee wuxuu intaasi raaciyay inuu hadda keenay inuu muddo bil gudaheeda ah uu dhiig baxo, iyaguna aaney awoodin iney u helaan markasta dhiig lagu shubo, taasoo sida uu sheegay ay marar badan caqabado ad adag kala kulmeen.

Cabdi Maxamed, waa aabbaha wiilkan yar ee xanuunsan, wuxuu sidoo kale sheegay inay yihiin sabool aan xitaa soo kasban karin nolosha qoyska, xanuunka canuggiisa haystana lagu wargeliyay in haddii la geeyo dalalka qaar oo bannaanka ah ay suurtagal tahay in loo helo xal cudurkiisa, sidaas darteedna uu ka dalbanayo cid walboo wax tari karta iney soo maciinto.”Canuggaan dhibaatada haysata waa dhiiggiisa oo aan lahayn wax xinjir ah, marka haddii wax yar oo dhiigga uu ka yimaado jirkiisa, dhiigga ku jira jirkiisa dhammaan wuu ka baxayaa. Xanuunka haya dadka Kenyan-ka ah ee qaba waa dhowr iyo toban, laakiin Soomaalida keyga ayaa afar ku ah, marka waxaa leygu yiri canuggaaga haddii la geeyo waddamada qaar waa la daweyn karaa, ee waxaan ka codsanayaa dadka naxariista badan ama wax gargaara iney soo caawinaan” ayuu yiri aabbaha dhalay wiilkaas yar ee cimrigiisoo dhan u noqday dhibbanaha xanuunka haya.

Gobolka Afka Soomaaliga looga hadlo ayaa marar badan lagu arkaa dadka saboolka ah ee ku nool iyagoo qaba xanuunno meesha ay u dhasheen ee ay ku nool yihiin wax looga qaban waayay, sababo la xiriira dhaqaatiirta, qalabka caafimaad iyo daawooyinka cudurrada qaar oo aad ugu yar, taas ayaana keenta inay dhibbanayaashu dalbadaan kaalmo caafimaad oo ay ka helaan meel ka duwan halka ay joogaan.

Intaas waxaa raacsan oo jirta in bukaanada dalka gudihiisa wax looga qaban waayay xanuunkooda ee helay kaalmo caafimaad oo bannaanka ah ay in badan oo ka mid ah bogsoodeen, halka qaar kale oo ay u sura geli weysay iney fursadahaasi oo kale helaan ay buktadoodii u dhinteen ama wali la il daran yihiin.
Nuur Cali Faarax/FM

Previous Post

Qaxooti ka tegay dhadhaab oo gaaray degmada ceelwaaq ee gedo

Next Post

DIB U DHACA HAYSTA WAX SOO SAARKA KALLUUMAYSATADA GOBOLKA BARI.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
DIB U DHACA HAYSTA WAX SOO SAARKA KALLUUMAYSATADA GOBOLKA BARI.

DIB U DHACA HAYSTA WAX SOO SAARKA KALLUUMAYSATADA GOBOLKA BARI.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo