Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti ka tegay dhadhaab oo gaaray degmada ceelwaaq ee gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 10, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMasuuliiyinta degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in boqollaal qaxooti Soomaaliyeed oo ku jiray xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda, kadib markii sida ay sheegeen ay u adkeysan waayeen xaalado is biirsaday oo isugu jira nolol xumo iyo amni darro.

Guddoomiye ku xigeen degmadda Ceelwaaq Sahal Macallin Aadan ayaa Ergo u sheegay in degmada ay soogaareen ilaa 9 baabuur oo ay saaran yihiin dad ka badan ilaa 240 oo qoys oo qaxooti ah ayna ka muuqato daal iyo diif, gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay dadku ka soo noqonayaan xeryaha Dhadhaab kuliigoodba, ayna yihiin dadkii deegaanka.

Amino Mahad oo ka mid ah qoysaska ka soo noqday xeryaha qaxootiga Kenya, gaar ahaan xerada IFO dhowaanna soo gaaray degmada Ceelwaaq ayaa Ergo u sheegay in ammaan darrida ka jirta xeryaha qaxootiga ay ku qasabtay inay dib ugu soo noqdaan deegaanka oo markii hore ay abaaro iyo colaado darteed uga Barakaceen.

“Muddo 3 sano iyo bar ayaan degganaa xerada Ifo aniga iyo qoyskeyga oo ka kooban 9 ruux, markii horena waxaan ka mid ahaa Qoysaska Abaaro iyo dhibaatooyin nolol xumo ayaa igu qasbay in aan galo xeryaha qaxootiga Kenya, arrimaha kufsiga oo si baahsan uga jira xeryaha iyo amaandarida ayaana ugu sii daran waxa nagu kallifay inaan dib u soo noqonno”.

Aadan Khayr oo ah sarkaal trisan hay’adda COSOVI oo isna ku sugan Ceelwaaq ayaa isna cadeeyey inay jiraan dadka soo noqday tiradooduna ka qiyaasay ilaa 200 oo qoys, horayna ay u ahaayeen kuwii abaaraha uga qaxay gobolka, wuxuu kaloo cadeeyey Aadan inay dadkaan qaarkood ku biireen xeryaha ay ku jiraan dadka guddaha ku barakacsan ee Ceelwaaq ka dhisan, ilaa haddana ma jiraan wax gargaar ah oo la gaarsiiyey, iyadoo hay’addaha gargaarku ay horay ugu mashquulsanaayeen barakacayaal horay ugu sugnaa degmadda.

Amino ayaa waxay intaasi ku dartey dhibaatooyinka ay qabaan inay ugu weyn tahay hoy la`aan, cunno la`aan iyo caafimaad darro. iyadoo sheegtayna in haddii ay xaaladdu sidaan ku sii socoto ay dhalan karaan goobaha ay kaga sugan yihiin Ceelwaaq cudurro iyo macluul baahsan,mana jirto ayey tiri ilaa iyo iminka cid noo fidisey Gargaar Bini,aadinimo.

Qaxootigan soo gaarey Ceelwaaq oo maalinba maalinta ka dambeysa ay tiradooda sii kordheyso ayaa waxay inta badan ku biireen qoysas kale oo horey u deganaa xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala duleedka Ceelwaaq,ilaa iyo hadana tirokoob ay sameeyeen horjoogayaasha Barakacayaasha Ceelwaaq iyo ururada samafalka ayaa waxay tiradoodu ku sheegayaan in ay gaarayaan ilaa 600 oo ruux sida uu Ergo u sheegay Aden Derow gudoomiya xeryaha barakacayaasha ee degmadda Ceelwaaq oo hadda dadka soo noqday ku biirayaan.
@

Qoysaskan dib ugu soo laabanaya Deegaanadooda ayaa degaya deegaanno aysan horeyba uga jirin adeeg nololeed,mid Caafimaad iyo hay`ado Gar gaar.
AO/MH/FM

Previous Post

Xaaladda maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee muqdisho

Next Post

ILMO YAR OO HADDII DHIIG JIRKIISA KA YIMAADO AAN LA JOOJIN KARIN OO KU DHIBAATEYSAN MANDHEERA

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
ILMO YAR OO HADDII DHIIG JIRKIISA KA YIMAADO AAN LA JOOJIN KARIN OO KU DHIBAATEYSAN MANDHEERA

ILMO YAR OO HADDII DHIIG JIRKIISA KA YIMAADO AAN LA JOOJIN KARIN OO KU DHIBAATEYSAN MANDHEERA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo