Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladda maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
May 10, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaaladda maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee muqdisho

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank

Maamulka xabsiga  dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee maxaabiista ku jirta xabsigaasi,  isagoo maamulku uu sheegay in xaalado wanaagsan ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta halkaasi.

Xabsiga dhexe oo ay xilligaan ku jiraan maxaabiis qiyaastii gaaraysa illaa sagaal boqol  oo maxbuus ayaa  siddeed boqol oo ka mid ahi waxay yihiin rag, halka inta soo hartayna ay yihiin haween. “Maxaabiista halkaan  ku  xiran  waxay isugu jiraan kuwo loo haysto dambiya waaweyn iyo kuwa galay dambiyo yar yar, waxaana  xukunadoodu isugu jiraan oo ay ku kala xukuman yihiin dil,xabsi daa`in , xarig  u dhexeeya 10-sano,  20-sano iyo  5-sano sano.” Sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Gaashaanle sare  M axamed Xasan Axmed oo isagu ah taliyaha xabsiga dhexe  ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in xabsigu uu yahay mid duugoobay, isagoo sheegay inuu u qeybsan yahay illaa laba qeybood, qeybta hore waxaa la dhisay ayuu yiri qarnigii 18-aad halka qeybta labaadna la dhisay qarnigii 19aad, waxaana uu sheegay in xabsiga mas`uuliyaddiisa ay gacanta ku hayaan ciidamada asluubta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.‘’Aniga waxaa la igu xukumay illaa labaatan iyo shan sanadood oo xarig ah, nolosheyduna waa iska wanaagsan tahay mana jiraan wax dhibaatooyin ah oo aan kala kulmay halkaan.” sidaa waxaa Ergo u sheegtay  Ikraam Cumar Maxamed oo ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale maxaabiista ku jirta  jeelka dhexe ee Muqdisho waxaa ka mid ah Xasan Salaad Xasan (lucky) oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlgasha magaalada Muqdisho, isagoo u warramayay  Raadiyo Ergo wuxuu sheegay Xasan in si wanaagsan ay ula macaamileen hawl wadeennada xabsiga muddadii uu xirnaa,  isagoo sheegay in xaaladdooda caafimaad iyo midda nololeedba ay tahay heer sare  “saddexda xiili waan cuntaynaa mana jiraan baahi aan qabno, marka laga reebo xorriyaddeenna oo aan dib u helno” ayuu yiri  weriye Xasan Lucky.

Siyaabo kala duwan ayay ku xiran yihiin maxaabiista ku jirta jeelka dhexe ee magaalada Muqdisho, dadka ku xiran sidoo kale waxaa ka mid ah haweeney lagu magaacaabo Khadiija Maxamed Maxamuud oo iyadu u sheegtay idaacadda Ergo in la soo xiray iyada iyo walaalkeed ka did markii wiil walaalkeed ah uu dilay nin kale isla markaana uu baxsaday  “Waxaan u xirannahay aniga iyo walaalkeyba dil uu geystay wiil nala dhashay,  kaasooo baxsday markii uu dilka geystay.” ayay tiri Khadiija, iyadoona intaasi ku dartay  in xaaladdooda caafimaad iyo midda nololeedba ay aad u wanaagsan tahay.

Qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa Ergo u sheegay in xaaladdooda waxbarashada iyo dhaqankuba ay si weyn isu baddashay  dadkaasi, waxaa ka mid ah maxaabiistaasi  Fardowsa Axmed Faarax oo iyadu sheegtay in muddo lix bilood ah ay xabsiga ku jirto isla mar ahaantaana ay baratay xifdinta qur`aanka Kariimka ah, waxay sheegtay in aabbeheed uu soo xiray laguna soo eedeeyay caasi waalidnimo.

Mar sii horreysay ayay ahayd kolkii shaqaaqo ay ka dhacday gudaha xabsiga dhexe,  ka dib markii maxaabiis  ku jirtay jeelka ay damceen inay baxsadaan,  iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maxaabiis ay ka baxsatay jeelka, haddaba taliyaha guud ee ciidamada asluubta Soomaaliyeed Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil  oo u warramayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in aanay jirin cid ka baxsatay jeelka,  balse isku day arrintaasi la xirrirta ay dhacday shaqaaqadii ka dhalatayna ay sababtay in  laba ka mid ah maxaabiistu ay u geeriyoodaan dhaawacyo soo gaaray, Jeneraalka ayaa intaas ku darayt in xabsiga ay ka jirto nolol aad u wanaagsan sida midda guryaha caadiga ah oo kale “Saddexda waqti maxaabiistu waxay helaan raashin wanaagsan ,waxaana  caafimaadkooda gacanta ku haya takhaatiir Turki ah.”  Ayuu yiri  taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil .

Taliyaha ayaa ugu dambayntii sheegay in xabsiga ay gancanta ku hayaan ciidamo ku takhasusay dhaqanka maxaabiista,  kuwaasoo uu sheegay in qaarkod ay haystaan Khibrad gaaraysa illaa afartan sano.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/AA/FM

Previous Post

ROOBAB KHASAARE GEYSTAY OO KA DA`AY DEGMADA QARDHO

Next Post

Qaxooti ka tegay dhadhaab oo gaaray degmada ceelwaaq ee gedo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Qaxooti ka tegay dhadhaab oo gaaray degmada ceelwaaq ee gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo