Qaxootiga ka soo jeeda waddanka Zanzibar ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay ku amartay inay ka baxaan dhismaha wakaaladdii biyaha Xamar ee ku taalla agagaarka isbitalka Banaadir oo ay degganyihiin, waxaana ay sheegeen in aanay haysan goob kale oo ay degaan.
Qoysaska qaxootiga ah ee ka soo jeeda dalka Zanzibar ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan illaa lixdameeyo qoys kuwaasoo muddo hore isaga soo cararay dalkoodii, waxaana tan iyo intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho ay degganaayeen oo ay hoy ka samaysteen dhismaha xarunta wakaaladda biyaha Xamar.
DKMG Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ka billowday hawlgallo ballaaran kuwaasoo ay ku bannaynayso dhismayaashii dowladdu lahayd oo ay ku jiraan qoysas barakacayaal ah iyo qaxooti ku sugan Soomaaliya kuwaasoo ay ka mid yihiin qaxootigaasi.
“Ma naqaanno meel aan u dhaqaaqno, arrintaan waxay nagu noqotay kadis annagu ma nihin Soomaali, maxaa yeelay Soomaalidu way yaqaannaan meel ay aadaan oo waxay joogaan dalkoodii, laakiin annaga waan ka duwannahay” sidaana waxaa idaaacadda Ergo u sheegay Cabdalla Cali Saalim oo ka mid ah odayaasha qoxootiga zanzibaariyiinta ee ku sugan Muqdisho, isagoo ka codsaday DKMG Soomaaliya inay il naxariis leh ku eegto.
Cabaas Maxamuud Maxamed oo isna ka mid ah qoxootiga Zanzibar ee ku nool Muqdisho ayaa isna Ergo u sheegay in xaaladdu ay aad ugu adagtahay isla markaana ay ka codsanayaan in dowladdu ay dejiso meel ay ku noolaadaan.
“Waxaan baaq codsi ah u dirayaa DKMG Soomaaliya in ay noo fidiso daryeel isla markaana na siiso hoy aan degno, sidaan kuma noolaan karno” ayuu yiri Maxamed Aadam Suleymaan.
Qaxootiga Zanzibaarka oo qiyaastii iyagu Muqdisho ku nool in ka badan toban sano ayaa dhex gal la sameeyay bulshada Soomaaliyeed, iyagoo qaarkood ay guursadeen haween Soomaaliyeed, haddaba qaar ka mid ah haweenkaas Soomaaliyeed ee u dhaxay Zanzibaariyiinta ayaa Ergo u sheegay in iyaga iyo carruurtoodu aanay aqoonnin meel ay degaan waxaana ay DKMG Soomaaliya ka codsadeen in loo naxariisto.
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa muddooyinkaan dambe wadday olole ay kaga saarayso dadka deggan dhismayaashii dowladda, mana jiraan illaa iyo hadda goobo ay dowladdu u qoondaysay i ay dejiso dadkaasi ay ka saartay dhismayaashii dowladda.
Yusuf Keynaan/AA/MG/FM