Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga zanzibar ah ee ku sugan muqdisho oo cabanaya

Radio Ergo by Radio Ergo
May 14, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qaxootiga zanzibar ah ee ku sugan muqdisho oo cabanaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaxootiga ka soo jeeda waddanka Zanzibar ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya  ay ku amartay  inay ka baxaan dhismaha wakaaladdii biyaha Xamar ee ku taalla agagaarka isbitalka Banaadir oo ay degganyihiin, waxaana ay sheegeen in aanay haysan goob kale oo ay degaan.

Qoysaska qaxootiga ah ee ka soo jeeda dalka Zanzibar ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan illaa lixdameeyo qoys kuwaasoo muddo hore isaga soo cararay dalkoodii, waxaana tan iyo intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho ay degganaayeen oo ay hoy ka samaysteen  dhismaha xarunta wakaaladda  biyaha Xamar.

DKMG Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ka billowday hawlgallo ballaaran kuwaasoo ay ku bannaynayso dhismayaashii dowladdu lahayd oo ay ku jiraan  qoysas barakacayaal ah  iyo qaxooti ku sugan Soomaaliya kuwaasoo ay ka mid yihiin  qaxootigaasi.

“Ma naqaanno meel aan u dhaqaaqno, arrintaan waxay nagu noqotay kadis annagu ma nihin Soomaali, maxaa yeelay Soomaalidu way yaqaannaan meel ay aadaan oo waxay joogaan dalkoodii, laakiin annaga waan ka duwannahay” sidaana waxaa idaaacadda Ergo u sheegay Cabdalla Cali Saalim oo ka mid ah  odayaasha qoxootiga zanzibaariyiinta ee ku sugan Muqdisho, isagoo ka codsaday DKMG Soomaaliya inay il naxariis leh ku eegto.

Cabaas Maxamuud Maxamed oo isna ka mid ah qoxootiga Zanzibar ee ku nool Muqdisho ayaa  isna Ergo u sheegay in xaaladdu ay aad ugu adagtahay isla markaana ay ka codsanayaan in dowladdu ay dejiso meel ay ku noolaadaan.

“Waxaan baaq codsi ah u dirayaa DKMG Soomaaliya in ay noo fidiso daryeel isla markaana na siiso hoy aan degno, sidaan kuma noolaan karno” ayuu yiri Maxamed Aadam Suleymaan.

Qaxootiga Zanzibaarka oo qiyaastii iyagu Muqdisho ku nool in ka badan toban sano ayaa dhex gal la sameeyay bulshada Soomaaliyeed, iyagoo qaarkood ay guursadeen haween Soomaaliyeed, haddaba qaar ka mid ah haweenkaas Soomaaliyeed ee u dhaxay Zanzibaariyiinta ayaa Ergo u sheegay in iyaga iyo carruurtoodu aanay aqoonnin meel ay degaan waxaana ay DKMG Soomaaliya ka codsadeen in loo naxariisto.

Dowladda KMG Soomaaliya  ayaa muddooyinkaan dambe wadday olole ay kaga saarayso dadka deggan dhismayaashii dowladda, mana jiraan illaa iyo hadda goobo ay dowladdu u qoondaysay i ay dejiso dadkaasi ay ka saartay dhismayaashii dowladda.

Yusuf Keynaan/AA/MG/FM

Previous Post

Soomaalida koonfur Afrika oo walwalsan

Next Post

Cadaado oo laga mamnuucay ceel-biyoodyada afka bannaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Cadaado oo laga mamnuucay ceel-biyoodyada afka bannaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo