
“Waxaan amarkan soo saarnay ka dib markii aan aragnay in ceelashan afka bannaan ay ku baaba`een dad iyo duunyo, ceddii qaadan weysa amarkan oo muddo 15 maalmood ah ceelkeeda afka uga xiran weyda annaga ayaa aaseyna ceelashaasi, ceddii lahaydna tallaabo ka qaadeyna.” Sidaa waxaa yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado Cabdullaahi Cumar Geesey Gurey.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in khatarta ceelashaasi ay daba socdaan baraagaha la qodo ee aan afka laga daboolin iyo godadka dhaadheer ee suuliyada loo qodo, kuwaasoo laftigoodu sababi kara in xilliyada habeenkii ee mugdiga ah ay ku dhacaan dad da` ah ama carruur.
Degmada Cadaado ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 70 ceelal-biyood gacmeedyo oo qaarkood ay yihiin kuwo af-bannaan kuna yaalla hareeraha waddooyinka, taasoo ay halis ugu jiraan dadka iyo xoolahaba inay ku dhacaan.
Maalintii khamiistii ayaa waxaa mid ka mid ah ceel-biyoodyadaasi ku geeriyootay gabar dooneysay inay xareedda roobka dhaansato, balse ay ku dhacday ceel af-bannaan.
Dadka ku dhaqan Cadaado ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu maamulka degmadaasi ku mamnuucay ceelasha afka bannaan.
Cumar Xabeeb Nuur (Teacher)/FM









