
Roobabkaani oo khasaare ka geystay gobolka ayaa la sheegay inay biya dhigeen balliyada ku yaalla tuulooyinka iyo deegaannada uu ka kooban yahay gobolka Sool, iyadoo roobabkaasi ay jareen isla mar ahaantaana ay gooyeen waddooyin muhiim u ahaa isu socodka.
“Waxaan ka codsanaynaa dadweynaha ku nool gobolka gaar ahaan dadka ku nool degmada Laasacaanood, ganacsatada iyo waxgaradkaba inay ka qayb qaataan dayactirka iyo dhismaha waddada xiriirisa gobolka iyo gobollada la deriska ah.” sidaa waxaa Ergo u sheegay guddoomiyaha shirkadda Daldhis oo iyadu ah shirkad ganacsi oo ka howlgasha gobolka.
Laamigii ayaa dhammaan burburay waxaana soo baxay ciiddii, waxaa waddada dhexdeeda ka samaysmay godod aan suura galin Karin in gaadiidku isticmaalo,waxaa gabi ahaanba go`an gaadiidkii safarrada aadi jiray iyo kuwii soo gali jiray gudaha magaalada, sidoo kale waxaa ka mid ah deegaannada ay saameeyeen roobabku Yagoori iyo Ari caddeeye.
In kastoo ay jiraan dadaallo ay sameynayaan qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee ka jira gobolka iyo dadweynaha, haddana wali ma jiraan xal loo helay wax ka qabashada waddada oo wali ah mid go`an, walina gobolka waxaa ka da`aya roobabkii xilliga guga oo wali billow ah.
Cabdikariim Olol/AA/MG/FM










