
“Hakinta lagu sameeyay bixinta sharciyada qaxootiga iyo cusbooneysiintooda waddankaani Mozambique waxay caqabad ku tahay qaxootiga, shaqooyin ma aadi karaan ma socon karaan dadku waxa ay ahaayeen kuwo ka soo qaraabta magaalooyinka” sidaana waxaa Ergo u sheegay Asad Maxamed Cabdi oo isagu ka mid ah mas`uuliyiinta qaxootiga Soomaalida ku nool waddankaasi, Asad ayaa intaasi ku daray in arrintaasi ay saamaysay illaa 230 ruux oo qaxooti Soomaaliyeed oo ku sugan dalkaasi iyo illaa 900 qaxooti oo ka soo kala jeeda waddamada Congo iyo Rwanda.” wuxuu sheegay
“Hay`adda Inaar wey joojisay sharciyadii ay u cusboonysiinjirtay iyo kuwii ay siin jirtay qaxootiga muddo ka badan saddex toddobaad” ayuu yiri Asad oo ka mid ah mas`uuliyiinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Mozambique.
“Ma jecli inaan ka hadlo arrimahaasi ku saabsan dhanka sharciga laakiin waxaan idiin sheegayaa inaan hakad gelinnay sharcigii aan u cusbooneysiinaynay qaxootiga kala duwan ee ku nool xerada Marataani ee dalkaasi” sidaa waxaa Ergo u sheegay Antonio flebi oo ka tirsan machadka caalamiga ah ee ka caawiya qaxootiga dhinaca sharciyada ee loo yaqaanno Inaar, Antonio ayaa intaasi raaciyay in qaxootiyada sharciyada ay siiyaan ay ku shaqaysan karaan isla mar ahaantaana ay ku mari karaan dhammaan gobollada waddanka Mozambique uu ka koobanyahay isagoo sheegay in lixdii biloodba ay mar u cusbooneysiiyaan qaxootiga haddii uu ka dhaco.
“Waxaan la kulannay madax ka socotay machadka caalamiga ah ee ka caawiya dhanka sharci bixinta qaxootiga waddanka Mozambique , waxayna noo ballan qaadeen inay dib noogu billaabi doonaan howlihii ay noo hayeen isla mar ahaantaana ay carruurta waxbarasho inoogu raadin doonaan” sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Abuukar Maxamed oo ah guddoomiyaha ganacsatada Soomaalida ee ku sugan dalkaasi, waxaana uu intaasi raaciyay in kulankii ay la qaateen uu ku dhammaaday is afgarad iyo guul.
Illaa iyo hadda ma cadda sababaha dhabta ah ee ka dambeeya in hakad la galiyo sharci siinta iyo cusbooneysiinta sharciyada qaxootiga ku sugan Musambiig Soomaaliduna ka mid tahay, hase yeeshee waxay tani saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqoodii iyo ganacsigii yar yaraa ee ay ku lahaayeen waddankaasi.
Faarax Dubad/AA/MG/FM









