Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

QM oo ku hanweyn sida ay u socdaan dadaalada looga baxayo kumeelgaarka

Radio Ergo by Radio Ergo
May 16, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Golaha guud ee qaramadda midoobay ayaa si buuxda u taageeray qorshe bishan bilowgeedii ay soo jeediyeen xafiiska siyaasadda qaramada midoobay u qabilsan Soomaaliya ee UNPOS, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD oo dhigayey in talaabooyin adag laga qaado kooxaha iyo shakhsiyaadka ka soo horjeesta tubta nabada ee Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa yimid kadib  markii hadal dheer  uu Augustin Mahiga oo ah  u qaabilsanaha xooghayaha guud ee Qm arrimaha Soomaaliya uu ka horjeediyey fadhiga guud ee ka dhacay magaalada New York habeenkii  xalay.

Soomaaliya ayaa waxay waqtigaan galaysaa md ka mid ah xilliyadii ugu xasaasisanaa,waxaa dhamaanaya waqtigii KMG “Iyadoo Soomaaliya ay waajahayso fursad aad u weyn, oo lagu dhamaynayo xilliga KMG, kadib maal gelin badan oo bulshada calamka iyo deeqbixiyayaashu ku sameeyeen, waa inaan cidla looga tegin oo dhamaystirnaa” ayuu yiri Augustine Mahiga isagoo hadal ka hor jeedinaya golaha guud ee Qaramada midoobay  ee magalada New York, wuxuuna intaas ku daray waa inaan la garab istaagnaa taageerada farsamo iyo dhaqaale si awood Soomaalidu ugu yeelato inay fuliyaan hanaanka tubta nabadda inta ka horaysa bisha August ee sanadkaan, sidoo kalana la mideeyaa talaabooyinka iyo agaasinka bulshada caalamka ee arintaan ku aaddan.

Wadanka ayaa hada waxaa ka dhisan nidaam KMG  kaasoo tubta nabaddu hada yahay wado lagu soo afjarayo, hanaankaan Roadmapka oo la jeexay bishii September ee sanadkii tegey waxaana bulshada caalamku quud daraynaysaa in hanaanka tubta nabada la dhamaystiro ka hor 20 bisha August ee soo socota.

“Dhaqaale la’aanta haysata sidii loo fulin lahaa road mapka ayaa ah khatarta ugu weyn ee saddexdaan bilood ee soo socota, annaga iyo dawladda KMG na  hor taagan, dhaqaale xumidaas oo wakhtigaanba hakisay hawlaha qaar ayuu yiri Mahiga,isagoona digniin u jeediyey kuwo uu ku tilmaamay qas wadayaal oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin tubta nabadda.

Bishaan billowgeedii ayaa xafiiska siyaadda Qm,Soomaaliya UNPOS, Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM iyo urur goboleedka IGAD waxay  digniin adag u soo jeediyeen dad ay ku tilmaameen inay khatar ku yihiin tubta nabadda  iyagoona ugu goodiyey inay saaryaaan cuno qabateyn iyo xanibaad dhinaca socdaalka in lagu soo rogi doono kooxdii ama shakhsiyaadkii  is hortaaga tubta nabada.

Mahiga ayaa sheegay in  golaha guud in bilaha dhiman ay xooga saari doonaan dhamaynta  nidaamka KMG, si taas loo gaarana loo baahan yahay in la dar dar geliyo arrimaha wacyi gelinta bulshada iyo baritaanka hanaanka nabada bulshada Soomaaliyeed.

U qeybsanaha Qm ee arrimaha Soomaaliya Mahiga ayaa sidoo kale soo hadal qaaday   shir dawlada Turkigu ay marti gelin doonto loogana hadlayo arrimaha Soomaaliya, shirkaasi Istambuul ayaa waxa lagu qeexdi doonaa tubta wadanka ku yaala geeska afrika ee Soomaaliya
War saxafadeed golaha guud ka soo saaray hadalkaan kadib ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey warbixinta iyo talaabooyinka horumarineed ee loo qaaday sidii loo soo afjari lahaa hanaanka Kmg  waxaana goluhu siiyey teegeero buuxda. Isagoona goluhu ugu baaqay hogaanka Kmg  iyo dhammaan saxeexayaashii tubta nabadu inay laban laabaan dadadaalkooda si loo dhamaystiro qorsha tubta nabadda  ayna ka qayb galaan ururada haweenka iyo bulshada rayadka,  sidoo kalena wuxuu goluhu walaac ka muujiyey kooxaha carqaladaynaya hanaanka qorshaha tubta nabadda ee ka socda Soomaaliya.

Golahu waxa  uu si buuxda  u taageeray go’aankii AU, Igad iyo xafiiska Unpos ee ku aaddanaa  in talaabo adag laga qaado kooxaha iyo shaqiyaadka carqaladda ku ah hanaanka geedi socodka siyaasada Soomaaliya, sido kalena wuxuu golugu  si adag ugu sheegay warbixintaan inay tahay bisha Augusto inuu dhammaado xilliga Kmg.

Xaaladaha ciidan iyo ammaan ee Soomaaliya ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo ilaa sanadkii ina dhaafay ay Muqdisho gacanta ku hayeen ciidamada dawladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ,  kaddib sanado badan oo ahayd goob  lagu hardamo. waxaa  dhaca qaraxyo , welina waxaa jira dilal joogto ah taasoo ka dhigaysa magaalada goob weli ammaankeedu uusan cago badan ku taagnayn, dawladda bedeli doonta tan KMG.

Si kastaba  ha ahaatee Warbixintaan ka soo baxday  golaha ammaanka ee Qm  ayaan lagu soo qaadin haba yaraatee khilaafka ka dhex taagan Soomaalida ee dhianca Dastuurka iyo hannaanka nabadda.

MH/AA/MG

Previous Post

Digniin! been abuurasho shakhsiyaad iska dhigaya inay u shaqeeyaan IOM

Next Post

Somali Mozambique ku nool oo ka cabanaysa sharciyada

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Somali Mozambique ku nool oo ka cabanaysa sharciyada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-APR-2026

IDAACADDA 19-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo