Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muhaajiriin soomaaliya oo lagu qabtay xeebaha liibiya

Radio Ergo by Radio Ergo
May 17, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Muhaajiriin soomaaliya oo lagu qabtay xeebaha liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKu dhawaad illaa  boqol iyo labaatan ruux oo Soomaali ah kuwaasoo doonayay in ay u tahriibaan xeebaha Yurub ayaa todobaadkaan gudihiisa lagu qabtay xeebta magaalada Tiripoli ee caasimadda  waddanka Libya ,Tahriibayaashaan  ayaa goor habeennimo ah waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada xeebaha waddanka Libya xilli ay saarnaayeen dooni ka shiraacanaysay xeebta  magaalada caasimadda ah ee Tiripoli.

Muhaajiriintaan oo isugu jiray rag iyo haween  dhammaantoodna ahaa Soomaali ayaa loo taxaabay xabsi ku yaala magaalada tiripoli, kaddib marki ay ciidamadu ku daabuleen gawaari qafilan.

“Waxaan joogaa Libya muddo shan bilood ah, waxaanan halkaan u joogaa inaan kaga tahriibo dhankaas iyo waddamada Yurub gaar ahaan waddanka Italy ,sidaana waxaa Ergo u sheegay Cali  Xaaji oo ka tirsan Soomaalida  laga soo qabtay xeebaha Tiripoli ee doonayay in ay ka tahriibaan halkaasi, Cali ayaa intaasi ku daray in dadka la soo qabtay ay gaarayaan illaa boqol shan iyo toban ruux “ inti aysan na soo qaban ciidamada waxaa noo yimid askari cabsan waxaan uu nayiri waxaan u baahanahay in aad igu wareejisaan gabar ii adeegta oo guriga ii tirtirta, anagana waxaan ku dhahnay macquul maahan gabdhahaan waxay halkaan u yimaden maahan in ay  ka shaqeeyaan waxa uu na yiri haddii sidaas aad yeeli waysaan dhammaantiinba waan idin laynayaa, cabaar markii aan meesha ku doodeynay ayaa waxaa noo yimid illaa lix baabuur oo ay ciidama Booliis ah ay ka buuxaan, wax yar kadibna waxaa yimid gawaari qafilan dabadeedna dhammaanteen waxaa nalagu daabulay gawaariddii qafilnayd” ayuu yiri Cali Xaaji.

Cali ayaa intaasi ku daray in ay xabsiga ku soo booqdeen war fidiyeeno waxaan ay na weydiiyeen ayuu yiri su,aalo ku saabsan sababaha aan u tahriibayno,sidoo kale waxaa nagu soo booqday xabsiga ayuu yiri mas,uuliyiin ka socotay Qm , kuwaasoo ciidanka u sheegay in ay noo dhisayaan teendhooyin isla mar ahaantaana ay raashin noo keenayaan.

“Aniga waxaan ka qeyb ka ahaa illaa 12ruux oo ka timid waddanka South afrika qeyb naga mid ah waxaa ay ku jiraan xabsiga magaalada Misraata” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay mid kamid ah dhallinyaradi loo taxaabay xabsiga isagoona intaasi ku daray in ciidamadu ay hadda ka sii daayen xabsiga.waxaana uu yiri waxay nagu yiraahdeen ciddii mar dambe lagu qabtay iyadoo tahriibaysa waxay mutaysanaysaa xarig hal sano ah iyo  ganaax lacageed, iyadoona loogu sii darayo musaafurin.

Dabayaaqadii sanadkii tagay  ayay ahayd marki in ka badan illaa 70 ruux ay la quustay doonidii ay saarnaayeen gudaha badda mediterranian taasoo ka shiraacatay Tiripoli.

Si kastaba ha ahaatee maamulka cusub ee ka taliya waddankaasi Libya ayaa ku hawlan sidii uu u joojin lahaa muhaajiriinta ka tahriibaya Libya ee ku sii jeedda waddamada Yurub,dhinaca kalena wali waxaa ku sii qulqulaya dalkaasi muhaajiriin doonaysa in ay halkaasi ka baxaan.

AA/MG

Previous Post

Somali Mozambique ku nool oo ka cabanaysa sharciyada

Next Post

CUDURADA SONKOWGA IYO DHIIGKARTA OO SI XAWLI LEH UGU SII KORDHAYA DUNIDA “UN REPORT”.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Boob iyo gubid lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika

CUDURADA SONKOWGA IYO DHIIGKARTA OO SI XAWLI LEH UGU SII KORDHAYA DUNIDA “UN REPORT”.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo