Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

CUDURADA SONKOWGA IYO DHIIGKARTA OO SI XAWLI LEH UGU SII KORDHAYA DUNIDA “UN REPORT”.

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
May 17, 2012
in Caafimaadka
0
Boob iyo gubid lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dadka qaba cudurka dhiig karka iyo sonkorowga ayaa si xawli leh ugu sii kordhaya wadamada horumaray iyo kuwa soo koraya siday sheegayso warbixin cusub oo ay soo saartay qaramada midoobay.

Warbixintaan ayaa tilmaamo cad ka bixinaysa sida xawliga leh ee xanuunadani u sii kordhaayaan una keenayaan xanuunada ku soo boodada ah ee wadnaha ku dhaca, gaar ahaan dadka dhaqaalaha soo galaa hooseeyo iyo kuwa dhexe siduu sheegay madaxa guud ee hay’adda caafimaadka aduunka WHO Margaret Chan, wadamada Afrika ayaa kala badh dadkooda qaan gaadhku qabaan dhiig kar siduu sheegay masuulkani.

Hay’adda WHO oo warbixintaan soo saartay aya baadhitaan ku samaysay 194 wadan, waxayna ku qeexday in qof ka mid ah saddexdii qof ee dunida ku nooli qabo dhiig kar, halka tobankii qof mid ka mid ahi qabo sonkorow.

Wadamada dadkooda dakhliga soo gala sareeyo ayaa iyaga cuduradaani khatarta ay ku hayaan hooseeya, iyagoo hela baadhitaano iyo daaweyn wanaagsan qiimaheeduna hooseeyo, taasoo yaraysa khatarta uu dadkooda ku hayo dhiig karku. Qaarada Afrika 40% dadka qaan gaarku waxay qabaan dhiig kar badidooduna waa kuwa aan badhitaan iyo daaweyn isku samayn, iyadoo badi cudurkaanna lagu daaweyn karo si aan qiimo badan lahayn taasoo yarayn kari lahayd dhimashada.

Dhinaca sonkorowga ayaa celcelis ahaan dunida guudkeeda dadka qaan gaadhka ah ee ku nooli tobankii qofba mid ka mid ahi qabaa, jasiiradaha ku yaal Baasifiga ayaana wakhtigaan ugu badan dadka xanuunkaani qaba oo qof ka mid ah saddexdii qofba mid baa qaba cudurka Macaanka, iyadoo haddii aan la daaweyn sonkorowga uu keeni karo Wadnaha oo xidhma, indho la’aan iyo kelyaha oo shaqo gab noqda.

Sidoo kale waxay warbixintaani sheegtay in jidhka bani’aadamka oo dufanku ku badanayo ama cayilka oo wakhtigaan dadka ku sii badanayaa uu khatar ba’an ku hayo caafimaadka dadka wakhtigaan nool.

Warbixintu waxay sheegtay in gobolkasta ama qaarad kasta oo aduunka ka tirsan uu cayilka dadku ku sii laban laabmayo qiyaasta la sameeyey intii u dhaxaysay sanadihii 1980kii ilaa 2008dii siduu sheegay  Ties Boerma oo ah madaxa waaxda qiyaasaha arrimaha caafimaadka ee WHO, manta 500 oo milyan oo qof una dhigtan 12% dadka dunida ku nool ayaa cayil ama baruur la dhaqaaqi la’, qaaradaha Ameerika ayaana noqday goobta dunida ugu badan ee cayilka ama baruurta jirka fuushaa wakhtigaan ay ku badan tahay, 26% dadka ku nool qaaradaha Ameerika ayaana cayilan, koonfur bari Aasiya wadamada ku yaal ayaana noqday goobta dunida cayilku ugu yaryahay, markase la eego qiyaasta haweenka ayaana noqday kuwa ugu badan ee cayilan marka loo eego raga, taasoo iyaga ka dhigaysa inay badanaa u nuglaadaan inuu ku dhaco sonkorowga, wadnaha oo istaaga iyo noocyo ka mid ah kansarka.

Marka hadaba la eego warbixinta WHO, xanuuno aan laa daaweyn karin ayaa sababa dhimashada dadka sadex meelood oo meel dunida guudkeeda. Sidoo kale waxay warbixintu walaac ka muujisay tirada sii kordhaysa ee xanuunada ku dhacaya dadka ee dhinaca wadnaha, sambabada, sonkorwga iyo kansarka, waxayna Qaramadda Midoobay u saartay gudi heer caalami ah oo ka dooday cudurada aan la daaweyn karin, kuwaasoo ka yeeshay shir ka dhacay bishii Septembar ee ina dhaaftay magalada New York, iyadoo go’aamana laga sugayo in madaxdii ka qayb gashay ay ku soo bandhigaan shir dhowaan lagu qaban doono magalada Geneva, kadibna la isku raaci doono go’aan calamiya oo wax looga qaban karo cuduradaan.

Halkaan ka akhri warbixinta oo English http://www.un.org/apps/news/story.asp?NewsID=42012&Cr=Non-Communicable Diseases&Cr1=

Previous Post

Muhaajiriin soomaaliya oo lagu qabtay xeebaha liibiya

Next Post

DEEGAANADA FOG FOG EE GOBOLKA BARI OO AYSAN KA JIRIN ADEEG CAAFIMAAD

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
CARRUURTA BELEDWEYNE OO HESHAY TALLAALKA CUDURRADA DILAAGA AH SANADO KA DIB

DEEGAANADA FOG FOG EE GOBOLKA BARI OO AYSAN KA JIRIN ADEEG CAAFIMAAD

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo