Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Ganacsiga xuduudaha oo soo hagaagay kaddibmarkii waddooyin ay furmeen

Radio Ergo by Radio Ergo
May 8, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQeybaha kala duwan ee bulshada isticmaasha waddada isku xirta inta u dhaxeysa degmada Luuq, Yurkut, Bardaale illaa iyo Baydhabo ayaa si diirran u soo dhaweynaya dib ufurmida jidka istaraatiijiga ah, kaasoo ay hadda si caadi ah u isticmaalayaan qeybaha kala duwan ee gaadiidka sida xamuulka iyo kuwa qaada dadweynaha intaba.

Dadka ay culeyska ugu weyn ku haysay xirnaanshaha waddadaas ay colaadaha ka taagan gobollada Bay iyo Gedo gooyeen, una badan ganacsato iyo bulshada ku nool gobolalda Gedo- Soomaaliya iyo Waqooyi Barri Kenya ayaa hadda aad u faraxsan, waxayna Ergo u sheegeen iney rajeynayaan in dhibaatooyin badan oo kasoo wajahay xirnaanshaha jidka muhiimka ah ay hadda meesh ka bixi doonaan.

Waddada ayaa intii ay xirneyd waxaa si aan caadi ahayn sara uga kacay gobolka Gedo iyo gobollada xuduudaha ay wadaagaan ee Kenya iyo Ethiopia, maciishadfa daruuriga ah, shidaalka iyo dhammaan wax kasta oo laga keeno dhinaca magaalada Muqdisho, kuwaasoo sida la wada xusuusto markii ay de`eysay deyrtii dhoweyd ay gaadiidkii keeni jiray ku go`doomeen muddo seddex bil aan ka yareyn inta u dhaxeysay deegaannada Buur-Dhuxulle illaa iyo Goof-Gaduud ee gobollada Bay iyo Bakool, halkaasoo uu dhulku la go`ay gaadiid fara badan, ka dib markii ay roobabku meel kasta biyo dhigeen oo dhulkuna noqday mid aad u jilicsan.

Wiil dhalin yaro ah oo muddo bil ka hor ah soo maray jidka qarda jeexa ah ee mara deegaannada Goof-gaduud, Waajid, Buur-Dhuxulle, Xirmo-Libaax, Karaban illaa iyo degmada Luuq ee golblka Gedo, markii uu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, ayaa toddobaad ka hor mar uu dib ugu noqday magaalada Muqdisho wuxuu maray marinka dib u furmay ee ay hadda muddo dheer ka dib gawaaridu si rasmi ah ayu isticmaalayaan.

“Wax leysa siisto maahan meeshii hore ee aan soo maray iyo halkii aan maray markaan dib ugu noqonayay Muqdisho, maxaa yeelay markii hore waxay igu qaadatay inaan Beled-Xaawo gaaro muddo toddobaad ah, laakiin hadda waxaan ku soo gaaray Muqdisho 24-saacadood gudohood , marka waxay kala yihiin waddo iyo waddo la`aan” ayuu yiri wiilkaas dhalinyarada ah, wuxuuse intaasi raaciyay in qaar ka mid ah tuulooyin ay dad degganaan jireen oo ku yaalla inta udhaxeysa Luuq iyo Bardaale aaney hadda joogin cid aan ahayn ciidan, rayidkii ku noolaana ay isaga carareen kol hore.

“Markii aan tagnay tuulada Bohollo-Bashiir oo ay ciidan kaliya joogeen ayaan ku aragnay militari Itoobiyaan ah iyo kuwa dowladda ka tirsan, indhaha ayayna inaga xir-xireen ilLaa aan ka gudubno tuulada. Yurkut tuulada ladhaho ayaa iyadana markaan soo gaarnay waxaynaan ku arag wax dad rayid ah waxyna ahayd cidlo ay ciidan uun dhex joogaan, guryuhuna ay wada qufUlan yihiin” ayuu raaciyay warkiisa.

Ganacsatada, gaar ahaan kuwa kusugan magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa u arka in haddii ay noqoto mid waarta furnaanshaha waddadan ay taasi horseedi doonto iney sidoodii hore ee caadiga ahayd ku soo noqon doonto maciishadda magaalooyinka deriska ah.  Cabdikariim Cabdullaahi oo ka mid ah ganacsatada magaalada Mandheera ayaa Ergo usheegay iney durbaba billowdeen faa`iidooyinka laga helay dib u furmidda waddada ay xirnaashiyaheedii ku noqotay dhibaato bulshada ku nool gobollada koofur galbeed Soomaaliya.
“Waxaan wali xusuusannaa wixii naga qabsaday markii uu jidku naga xirnaa, marka waxaan hadda rajeyneynaa in marka ugu horreysa ay labo arrinba noo fududaan doonaan, waa midee, iney alaabaheennu si deg deg ah inoogu imaan doonaan iyo in qiimaha ay ku imaan jireen ee ay gaadiidku noogu soo qaadi jireen uu hoos u dhici doono” ayuu yiri Cabdikariim oo kula hadlay Ergo Teleefanka.

Sida looga faa`iiday furnaanshaha waddadaan isku xirta inta ud haxeysa Luuq, Yurkut, Bardaale illaa iyo Baydhaba  waxaa laga dareemayaa dhammaanba magaalooyinka iyo deegaannada u galay wax u muuqday sida go`doon oo kale, sida Beled-Xaawo, Doolow, luuq, Ceel-Waaq, Garbahaarreey iyo magaalooyinka la dariska ah ee ku yaalla gobolada ay Soomaalidu degto ee ku yaalla Waqooyi Barri Kenya iyo Dhulka Ismaamulak Soomaalida Ethiopia, goobahaasoo ay hadda iska soo daba galayaan badeecooyinka ganacsiga.

Nuur Cali Faarax/FM

Previous Post

Dukaamo lagu boobay xaafadda Soomalidu degto ee Islii

Next Post

Barakacayaal ku dhibaataysan laascaanood

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Barakacayaal ku dhibaataysan laascaanood

Barakacayaal ku dhibaataysan laascaanood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo