Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dukaamo lagu boobay xaafadda Soomalidu degto ee Islii

Radio Ergo by Radio Ergo
May 8, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xaalado adag ayaa ka jira xaafadda Soomaalidu ka degto magaalada Nairobi ee Islii,  ka dib markii halkaasi  habeennimadii  Isniinta  ay kooxo hubeysan  boob u geysteen dukaamo ay lahaayeen dadka Soomaalida ah ee ku nool halkaasi.
Dukaamada  ay dhaca u geysteen kooxahaasi hubeysan ayaa  waxay gaarayaan illaa dhowr dukaan kuwaasoo la sheegay inay ku yaallaan xaafadda Islii gaar ahaan halka lagu magacaabo Maash oo ka mid ah goobaha ugu badan ee  ay ku ganacsadaan ganacsatada Soomaalida ee ku nool  magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan arkay qeybta hore ee dukaanka oo haawaneysa, albaabkii xoog ayaa lagu jebiyay wax alaab ah oo haba yaraatee yaalla gudihiisa ma jiraan, wuxuu ahaa dukaankaasi mid camiran oo lagu iibin jiray dhar iyo agabyo kale” sidaa waxaa Ergo u sheegay Maxamad Wali Aadam oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee ka shaqaysa suuqa Maash ,isagoo intaasi ku daray in sidoo kale indhihiisa uu saaray dukaan kale oo uu lahaa saaxiibkii oo isna ay dhaceen tuugadu.
Subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa isku soo baxay dadweyne aad u fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo ay qeyb ka yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii, waxaana ay dhammaantoodba soo dhoobteen waddooyinka waaweyn ee gala suuqyada ay Soomaalidu ku  ganacsato ee ku yaalla xaafadda Islii,  badanaa dukaamadu  way xirnaayeen, waxaa waddooyinka lagu gooyay dhagxaan, ma jirin wax gaadiid ah oo isticmaalaya waddada koowaad ee xiriirisa xaafadda Islii, dadku koox koox ayay u taaganyeen dariiqyada, waxa ugu badan ee ay iska wareysanayeen  waa boobka xilliyadii ugu dambeeyay ay kooxaha hubaysani ka geysanayeen xaafadda Islii.

“Kooxahaani waxay caadeysteen inay had iyo jeer dhacaan dukaamadeenna mana ahan markii ugu horreysay ee ay dhacaan goobaheenna ganacsiga, burcaddaasi way na barteen waxay sitaan qoryo Ak47 ama kalshnikof,qaarkood waxay sitaan Bistoolado, nooma suura galayso xitaa haddii aan aragno inaan iska celinno waayo way hubaysan yihiin, sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Cumar Boodaaye oo ka mid ah ganacsatada suuqa Amal ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Muddaaharaad aan rabshado wadan oo si nabdoon ku dhacay ayay barqanimadii abaabuleen ganacsatada Soomaalida Islii, kaasoo dadku ay socod ku soo mareen illaa waddada dheer ee lagu magacaabo 12-ka, dadka mudaaharaadka ka qeyb galayay ayaa iyagu ka codsanayay dowladda Kenya in y wax ka qabato kooxaha hubaysan ee caadaystay inay dhacaan goobaha ganacsiga Soomaalida ee Islii.
“Waxaan ka codsanaynaa dowladda Kenya inay wax ka qabato burcadda iyo tuugada boobeysa xoolaheenna”ayay ku dhawaaqayeen dadka isugu soo baxay dibadbaxaasi oo ku soo dhammaaday si nabad ah.

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka  Kamakunji  ee magaalada Nairobi, xildhibaan Yuusuf Xasan oo soo  gaaray goobta dibadbaxu ka  soconayay ayaa Soomaalida kula hadlay suuqa Amal isagoo uga  tacsiyeeyay boobka loo geystay hantidooda .

“Waxaan idiin sheegayaa in aan Baarlamaanka hordhigi doono dhibaatadaan aad ka cabanaysaan, hadda ka horna waan gaarsiiyay, insha Allah wax weyn ayaana laga qaban doonaa, idinkana ilaaliya xasiloonida iyo ammaanka” sidaana waxaa yiri xildhibaan Yuusuf Xasan oo ugu dambayntii ku ammaanay dadka Soomaaliyeed sida ay u muujiyeen dareenkooda iyo dibadbaxa nabadda ah oo ay sameeyeen, waxaana ugu dambeyntii uu sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto arrimaha ammaanka iyo dib u dhiska waddooyinka burbursan ee dhex mara xaafadda Islii.

Bishii Febraayo ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii  kooxo burcad ah oo gaaraya illaa saddex ay ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay ku dhex toogteen xaafadda Soomaalidu degto ee Islii, kuwaasoo la sheegay inay dhacayeen goobo ganacsi isla markaana la sheegay in ciidamada ammaanku ay ku daba jireen.

Falalka dhaca iyo boobka hubaysan ee ay kooxaha hubaysani ka gaysanayaan xaafadda Soomaalidu degto ee Islii ayaa muddooyinkii dambe u muuqanayay kuwa soo badanayay, iyadoo mar sii horreysay goobo ganacsi oo intaan ka badan kuwaasoo ay leeyihiin Soomaali ay kooxo hubaysani boobeen.

AA/FM

Previous Post

Muhiimadda ay nolosha qoyska u leedahay barista gabdhaha gargaarka degdegga ah

Next Post

Ganacsiga xuduudaha oo soo hagaagay kaddibmarkii waddooyin ay furmeen

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Ganacsiga xuduudaha oo soo hagaagay kaddibmarkii waddooyin ay furmeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo