
Agaasimaha xafiiska la dagaallanka burcad-badeedda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa ka warramay xaaladda maxaabiis Soomaali ah, tiradooduna ay gaarayso 38 kuwaasoo dhibaato ay ku haysato xabsi ku yaalla Cadan oo lagu magacaabo Masuura.
“Aniga ayay xilli kasta isoo wacaan maxaabiistu, waxayna ii xaqiijiyeen in dhammaan dadkii ajaanibta ahaa ee la xirnaa ay kaxaysteen safaaradahoodii, balse iyaga kaliya ay wali cid u tagta iyo cid u qareentaba ay la` yihiin”
Ayuu yiri Ducaysane.
Mudane Ducaysane ayaa sheegay in rasaas ay ciidanka xabsigu fureen ay ku dhaawacmeen 2 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo aan illaa xilligaan helin daryeel caafimaad.
“Waxay kaloo ii sheegeen in maaddaama nidaamkii dalka Yemen uu isbaddel ku yimid xabsiga maamulkiisa inay la wareegeen ciidamo milatari ah, waxayna dareemayaan xilligaan dhab ahaantii cabsi iyo walwal, waa in loo gurmadaa sida ugu dhaqsaha badan.” ayuu yiri agaasimaha la dagaallanka burcad-badeedda Puntland.
“Xabsiga sidoo kale waxaa ku jira nin mayd ah oo Soomaali ah, kaasi oo ay askarta ku sheegeen inuu ka mid ahaa koox Soomaali ah oo soo caariday, kana koobnaa 6 qof” Mudane Ducaysane ayaa sidaasi Raadiyo ERGO u xaqiijiyay.
Dhanka kale, agaasimaha ayaa tirada guud ee maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka Yemen ku sheegay 129, halka maxkamadaha dalkaasi ay xukunno kala duwan ku rideen 123 qof, oo lagu xukumay xukunno isugu jira Xarig 5-sano, 10-sano, xabsi daa`in iyo dil toogasho ah.
Duceysane ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya looga baahan yahay inay u qareento xaquuqda muwaadiniinta Soomaalida ee ku xiran dalalka adduunka, kuna dadaasho sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa qofkii Soomaali ah oo fal dembiyeed lagu haysto, basle aan dadka xabsiyada la isaga haysan.
Mohamed Abdullaahi Kooshin/FM









