Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

WARARKII ASCAARTA QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA.

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
March 9, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSayladaha xoolaha waddanka ayaa kala duwan, iyadoo sarrifka lacagta Doollarka oo hoos u dhacday ay saamayn hadda ku yeesheen qiimihii xoolaha.

Burco

Haddaan ku horrayno sayladda Burco xaaladdeeda iibka xoolaha saaka oo jimce ah aad bay u wanaagsantahay, waxaana jira shirkado dhowr ah oo kuwa xoolaha dhoofiya ah xoolaha iibsanaya, siduu noo sheegay Aadan jaamac dhunkaal oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee Burco, waxayna xooluhu ka kala imanayaan dhammaan qaybaha kale ee waddanka.

Haddaan u daadegno qiimaha ay xooluhu joogaanna Adhiga dhoofka ah
Muunada 1aad = $74
Muunada 2aad = $70
Geela qalliinka ahi wuxuu u dhexeeyaa $550 – 600
Geela dhoofka ah ee 4 jirka iyo shan jirka ah $350

Laascaanood

Sayladda xoolaha ee Laascaanood waxaa saamayn ballaadhan ku yeeshay hoos u dhaca shilinka Soomaaliga, waxaa laga dareemayaa sayladda inaan xarakaad badani oo kala iibsiga xoolaha ah aanu jirin inkastoo la keeno xoolo kala duwan ahmin iyo qalliinba ah, dadka reer miyiga ah ayaa waxay dareemeen hoos udhaca ku yimid xoolaha ay keeni jireen sayaladda magaalada Laascaanood, geesta kale dadaka xoolaha ka ganacsada ayaa waxay noo xaqiijiyeen inaanu jirin iib sidaas u wayn oo gancsiga xoolaha ah.

Adhiga dhoofka
Muunada 1aad =  $65
Qalliinka  ah  =  $60
Orgida Jiqiiqda = $40
Geela dhoofka = $620
Geela Qalliinka  = $800
Beledweyne

Seyladda xoolaha ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dadku ku kala iibsadaan xoolaha qaarkood lacagta doollarka mareykanka, sida Dibida noocyadooda kala duwan ee xagga da’da ah iyo orgida jarka ah mararka qaarkood, ayaa waxaa toddobaadkan hakad galay dalabka xoolaha iyo kala iibsigooda taasoo dadka xoolaha ka baayacmushtara ay u aaneeynayaan labo amuurood:

waa koowe hoos udhac ku yimid sarrifka lacagta doollarka maraykanka marka lagu baddalanayo shilinka Soomaaliga, oo gacanta hore ee qabashada $ 100 ( Dollar ) ay ka noqotay magaalada Beledweyne 2450.000 Sh.so halka gacanta dambe ee bixintu ay ahayd 2490.000 Sh.so ah, amuurta labaad ee hakadka loo sababayo ayaa ah saameeynta ammaanka magaalada oo dadka dhaqdhaqaaqooda waddada halboowlaha  ah ee marta magaalada bartamaheeda oo aad loo xaddido xilliyada u dhaxeeya 6:30 aroornimo illaa 11:00 barqanimo, taasoo iyana keentay in seyladdii xoolaha ay qaybsanto oo suuq kale ka furmo xaafad kale oo ka mid ah xaafadaha magaalada ee webigu kala qeybqeybiyo, labadaa dhinacna ay u kala jabeen dadka xoolaha soo safarsada iyo kuwii xoolaha iibsada ee isugu imaan jiray seyladda weeyn ee magaalada, taasina ay sababtay habac iyo ku dhiirrasho la’aan  ku yimid beecii xoolaha, waxaana sicirka lagu kala iibsanayey xoolaha toddobaadkan uu ahaa sidan : –

Geela Dubaaxa ah = $612
Qurbacda Dhoofka ah = $408
Geela Kawaanka = $448
Awrta Waaweeyn Dalabkoodu ma socdo Qurbacda Rarooyga ( koronka) ah ee baarka cad ee 8 jirka ilaa 9 sanno jirka  dalabkoodu ma socdo
Lo’da Dubaaxa = $142
Lo’da Dibida dhoofka ah ee saddex jir ilaa 2 sanno jirka u dhigma 3 jirka = $200 ilaa $ 220
Lo’da dhaqaalka ah dalab ma leh qaallintii qurxan waa= $142 Ariga Dubaaxa = $61
Orgida yar yar ee labo jirka ah ee loo yaqaan ESKa = $44 Wananka dhoofka  = $49 illaa $53
Ariga ceesaamaha dhaqaalka ah = $40
Orgida Jarka ee qoboshka ah qooraqabkana ah = $61 illaa $65.
Garowe

Sayladda Garoowe ayaa isbeddel ku yimid dhinaca xoolaha,  weriyaheenna Maxamed Cabdullaahi Kooshin ayaana sheegaya in dillaallayda sayladda xooluhu ay dhibaato badan ku qabaan, Aadan Maxamed Cali oo ka mid ah dillaallayda ee Garoowe “Meeshu waa suuq, buuq badan, ma laha biyo, musuqul ma lahan, hadhna ma lahan, marka saddex gaari oo adhiya lagu rogo meel la kala istaago ma lahan, saxadeedu way liidataa.”

Xoolaha ugu badan ee Sayladda Garoowe lagu iibiyo ayaa u badan adhi cadka, xilligaan ayaana lagu jiraa waqti wanaagsan oo ay leeyihiin hilib, dadka reer miyiga ah ee sayladda keensadaan, Maxamed Nuur Cismaan waa xoolo dhaqatada u soo iibgeeyay xoolaha, “Waxaa dhibaato nagu hayo dhulkii xoolo daaqsinka ahaa oo dad seeraysteen, una xirteen sidii dhul beero loo ootay, oo hadda ay adagtahay in la helo dhul ay daaqaan, waxaana ugu sii daran meelihii dooxooyinka ee biyaha lahaa, inna caws buu u oodanayaa, dhibaatada ugu darani waa taas”
Waxayna ascaarta qiimaha xoolaha Garoowe marayaan maanta.
Adhiga
Muunada 1aad = $68
Muunada 2aad = $65
Geela qaliinka ah
Muunada 1aad = $800
Muunada 2aad = $700
Boosaaso:
Adhiga
Muunada 1aad = $70
Muunada 2aad = $65
Geela
Qaliinka = $750

Buuhoodle
Adhiga
Muunada 1aad = $68
Muunada 2aad = $60
Geela
Dhoofka = $ 350
Qaliinka = $500 – 600

Muqdisho
Adhiga
Muunada 1aad = $104
Muunada 2aad = $95
Geela
Muunada 1aad = $1040
Muunada 2aad = $800
Lo’da
Qaliinka 1aad = $286

Baydhaba
Adhiga
Muunada 1aad = $ 84
Lo’da 1aad = $ 256
Geela
muunada 1aad = $820

Qiimihii xoolaha todobaadkaan waa naga intaas, hadaa hayso wax fikrad ah oo ku aadan ascaarta cuntadda iyo xoolaha gobolada wadanka, fadlan noogu soo hagaaji emailka: info@radioergo.org

Previous Post

Dagaalkii Garbahaarrey oo ay ku xirmeen dhammaan adeegyadii bulshada

Next Post

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirxiran waddanka Malaawi

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirxiran waddanka Malaawi

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirxiran waddanka Malaawi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo