Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dagaalkii Garbahaarrey oo ay ku xirmeen dhammaan adeegyadii bulshada

Radio Ergo by Radio Ergo
March 8, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dagaalkii Garbahaarrey oo ay ku xirmeen dhammaan adeegyadii bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

08 March, 2012   GEDOblank

Ka dib markii maalmo ka hor dagaal culus oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay degmada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo, ayaa weli waxaa ka muuqanaya degmadaasi raadadkii ay reebeen dagaalladii ugu dambeeyey. Waxaa wali xiran oo aan shaqayneynin inta badan dugsiyadii waxbarashada iyo goobahii ganacsiga oo ay ku noolaayeen dad badan oo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Garbaharrey, iyadoo isbitaalkii degmadaasina dagaalkii ugu dambeeyey uu khasaaro ka soo gaarey gaar ahaan dhinaca sheybaarka, arrimahaasi oo idil ayaa waxay keeneen in ay sii adkaato nolosha dadkii ku noolaa degmadaasi

Cali Maxamed Ciise, oo ah maamulaha dugsiga sare ee degmada Garbahaarrey oo wareysi siiyay Raadiyo Ergo ayaa wuxuu sheegay in dagaallada iyo Colaadaha ka taagan deegaanka inay dhabar jab ay ku keentay ardaydii faraha badnaa ee wax ka baran jirey degmadaasi oo sanadkan lagu waday qaarkood inay ka qalin jebiyaan dugsiga sare oo ka barakacay deegaanka, isagoo tilmaamay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Garbahaarrey inuu curyaamiyay adeegyadii aasaasiga u ahaa nolosha bulshada, sida waxbarashada, ganacsiga iyo caafimaadka.

“Dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada ayaa waxaa ugu daran waxaa kala go`ay ayuu yiri daruustii ay ardaydu qaadanayeen, inta badan ardayduna waxay waxbarasho u doonteen magaalooyinka Muqdisho, Mandhera iyo weliba xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalka Kenya, isagoo sheegayna arday badan oo sanadkan  ka qalin jebin lahayd dugsiga sare inay ka baaqdeen daruustii ay qaadan lahaayeen.

Cali ayaa dhinaca kale wuxuu sheegay dadka deegaanka dhibaatooyinkaasi inay u sii dheer tahay dhaqaalo darro ka jirta deegaanka, ka dib markii uu istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka jiray deegaanka, wuxuuna tilmaamay inta badan dadkii ku noolaa degmadaasi Garbahaarrey inay u carareen magaalooyin ay ka mid yihiin Baladxaawo, Mandhera iyo tuulooyinka hoos taga degmadaasi.

Xilligan lagu guda jiro wey adag tahay inay dib u soo laabtaan adeegyadii kala geddisanaa ee bulshada oo dadka deegaanka ay baahida weyn u qabaan, waayo waxaa weli taagan cabsidii iyo xiisadaha colaadeed oo markii horaba sabab u ahaa inay xirmaan adeegyadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhowaad muddo hal sano ka badan waxaa Gedo  ku soo noq noqonayay dagaallo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo ururka  Al-Shabaab oo ku loollamaya gacan ku haynta gobolka, dagaalladaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Axmed Cumar Saalixi/MH/FM 

Previous Post

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

Next Post

WARARKII ASCAARTA QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
blank

WARARKII ASCAARTA QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo