Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolosha barakacayaasha Muqdisho oo sare loo qaadayo

Radio Ergo by Radio Ergo
March 27, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Nolosha barakacayaasha Muqdisho oo sare loo qaadayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

27 March, 2012  NAIROBI

blank

Xeryaha lagu barakacay ee k u yaalla deg Hodan ee magaalada muqdisho oo hoy u ah kumanaan qoys oo kamid ahaa kuwii abaaraha kasoo barakacay, iyo barakacayaal hor leh oo kamid ah dadka ka soo qaxaya xeryaha ku yaalla ku wadada Afgooye ayaa markii ugu horeysay lagu wadaa in si tijaabo ah dayartir loogu sameeyo, iyadoo xeryahaasina loo dhisi doono dhamaan adeegyada ay u baahanyihiin dadka barakacayaasha ah, sida goobaha laga dhaansado biyaha nadiifta ah , musqulo, daawooyin iyo guryo.

Cabdi Yuusuf oo ka tirsan hay’adda UNOCHA ayaa radio Ergo u sheegay in hada ay beesha samafalka ay ka tashanayso sidii marka ugu horeysa loo tijaabin lahaa dhisme lagu sameeyo xeryaha ku taalla degmada Hodan xili dhawaan la filayo inay curtaan roobabka xiliga Guga.

“ Waxaanu iskuduweynaa howshan oo ay iska kaashan doonaan beesha gargaarka oo ay kamidyihiin dawlada, hay’addaha UNka, Ngoyada, hay’addaha Turkiga iyo hay’addaha hoos yimaada ururka wadamada islaamka ee OIC-da si wax looga qabto ciriiriga ka jira xeryaha” ayuu sheegay.

Diduhabayntan ayaa waxaa ku jiri doona xarun weyn oo loogu talagalay in dadka xeryahaasi ay ka heli doonaan tasiilaadka ay u baahanyihiin.

Sarkaalkan ka tirsan UNOCHA ayaa sheegay in dhawaan socdaal ay ku tageen qaar kamid ah xeryaha magaalada Muqdisho ay ku soo arkeen ciriir badan halkaa oo uu sheegay in dadkii ay ka bateen goobahaas, iyadoo aysan ka jirin adeegyada nadaafada sida musqulaha.

Cabdi Yuusuf ayaa waxaa uu qiray in dadaal weyn laga gaystay sidii dadkaas loo badbaadin lahaa xiligii macaluusha balse hadda ay markale ka cabsi qabaan in haddii roobabka Guga ay bilawdeen ay xaalada dadkaasi ka sii dari karo. dagaal ka dhaca wadada Afgooye ayaa waxa uu sheegay in isna uu sababi karo barakac xoogan.

Mar uu ka hadlayay haddii hay’addaha samafal ay gacan ka gaysan doonaan mashaariic horumarineed oo loo sameeyo dadka barakacay ayaa waxa uu sheegay in markii la kala saaro dadka gaar ahaan kuwa sida iskood ah u laabanayo ay jiri doonaan barnaamijyo lagu taageerayo.

Falal amaan daro oo horaan uga dhacay qaar kamid ah xeryaha lagu barakacay eek u yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen in haweenka barakacayaasha ah ee degan xerada rajo iyo Badbaado ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira Kufsi iyo bood loo gaystay kaalmooyinkii loogu deeqay.

Inkastoo ay jiraan roobab wanaagsan oo ka curtay gobolo kamid ah dalka, kuwaa oo sababay in dadbadan oo kamid ahaa barakacayaasha ay dib ugu laabtaan goboladii ay kasoo barakaceen ayaa haddana waxaa qaar kale oo badan ay iska go’aansadeen inay ku nagaadaan magaalada Muqdisho.

MG

Previous Post

Hay’addo samafal oo ka walaacsan barakac ka dhalan kara dagaal lagu qaado wadada Afgooye

Next Post

Odayaasha deegaanka Hoosungow oo ka hadlay khasaarihii dagaalka iyo duqaymaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Odayaasha deegaanka Hoosungow oo ka hadlay khasaarihii dagaalka iyo duqaymaha

Odayaasha deegaanka Hoosungow oo ka hadlay khasaarihii dagaalka iyo duqaymaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo