Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALLEYDA GOBOLKA BARI OO KA FAA`IDEYSTAY KANNAAL-BIYOOD LOO QODAY

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
March 15, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
BEERALLEYDA GOBOLKA BARI OO KA FAA`IDEYSTAY KANNAAL-BIYOOD LOO QODAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBeeruhu waxay ka mid yihiin ilaha dhaqan dhaqaale ee dalka Soomaaliya, oo lagu tiriyo dalalka ku wanaagsan beerashada dalagga, sida ay sheegaan khubarada beeraha boqolkiiba toddobaatan dhulka ku yaal Bariga Afrika ee Soomaaliya waa dhul tacabka kuwanaagsan, waxaana sahlay labada webi ee Shabeelle iyo Jubba ee ilaahay ku manneystay Soomaaliya iyo dhibicda roobka, sidaasi oo ay tahay waxaa jira beeralley ku nool dhul aan ku wanaagsaneyn beeraha, kuwaas oo iyagu dadaal dheer ka dib ku guuleystay wax soo saar fara badan oo dhanka beeraha ah, sida khudradda iyo badarka.

Gobolka Bari, wuxuu ka mid yahay gobollada buuralleyda ah haddana leh dhul beereed ku wanaagsan wax soo saarka. Hay`adda horumarinta beeraha iyo tababaridda beeralleyda ee Jeefa ee fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga, ayaa ka billowday gobolka dhiirri gelinta beeralleyda iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wax soo saarka beeraha iyadoo u dhistay beeralleyda deegaannada Iskushuban, Riyasha, Karin iyo Ago, kannaal- biyoodyo loogu tala galey in lagu waraabiyo beeraha, kuwaas oo laga soo jiidey ilo biyoodyo ka burqamaya buuraha sare dushooda.

Dr Cabdullaahi Xuseen, waa maareeyaha hay`adda Jeefo, wuxuuna kula dardaarmey beeralleyda gobolka Bari inay ka faa`ideystaan mashaariicda lagu taageerayo beeralleyda.
“Beeralleydu waa inay si wanaagsan uga faa`ideystaan fursadda ay heleen oo ay ku daalaan inay sii kordhiyaan wax soo saarkooda iyo xanaanada kanaallada biyaha ee loo sameeyey.”
Khaliif Xasan, wuxuu k amid yahay beeralleyda deegaanka Ago, wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay inay jiraan baahiyo fara badan oo heysta beeralleyda xilligan, kuwaasoo ay ka mid yihiin agabka beeraha, abuurka iyo sunta cayayaanka.

“Waxaan u baahannahay qlabka beeraha looga shaqeeyo oo kala duwan, waxaan u baahannahay in barkado naloo dhiso, in nalasiiyo sunta cayayaanka iyo abuurka beeraha.”
Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka maamul goboleedka Puntland, Maxamuud Maxamed Sheekh, oo ka hadlay madal ay ha`yadda Jeefa ugu wareejineysay dadka deegaanka Karin iyo Ago Kannaal-biyood dhirirkiisu dhan yahay 800m ayaa halkaasi ugaga mahad celiyay ha`yaddan, isagoo ka dalbaday ha`yadda kale ee ka shaqeeya beeraha inay gacan ka geystaan wax soo saarka beeraha.

“Wax badan ayay qabatey Jeefo, waana uga mahad celineynaa, bishii hore ee February 10 matoor ayay wasaaradda beeraha ku wareejisay, wasaaradda waxay u qeybisay beeralleyda gobolka Nugaal, hay`adaha kalana waa inay ku daydaan, taageeridda wax soo saarka beeraha.”
Hay`adda Jeefa, oo ka mid ah hay`adaha ka shaqeeya horumarinta beeraha ayaa ka wadda meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya dhiriii gelinta beeralleyda, warbixin ka soo baxday wasaaradda beeraha ee Puntland ayaa lagu sheegay in boqolkiiba soddon ay korortay wax soo saarka beeraha gobolka Bari,  iyadoo ay ku yaallaan dhulka ugu beeraha wanaagsan deegaannada hoostaga Caluula iyo Bargaal oo ay ka soo go`do sanad kasta timir aad u fara badan taasoo loo iibgeeyo suuqyada dalka.

Axmed Somali/MG/FM

Previous Post

Maamulka gobolka Gedo oo baaq u diray hay`adaha gargaarka

Next Post

Odayaal “ Colaadaha Gedo waxa ay barakiciyeen dad badan”

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
Next Post
Odayaal “ Colaadaha Gedo waxa ay barakiciyeen dad badan”

Odayaal “ Colaadaha Gedo waxa ay barakiciyeen dad badan”

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo