Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Maamulka gobolka Gedo oo baaq u diray hay`adaha gargaarka

Radio Ergo by Radio Ergo
March 14, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Maamulka gobolka Gedo oo baaq u diray hay`adaha gargaarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
14 March, 2012  GEDO
blank

Maamulka gobolka Gedo ee dowladda KMG ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay xukuumadda KMG ee Soomaaliya iyo hay`adaha samafalkaba iney gurmad deg deg ah la soo gaaraan ugu yaraan 5,000 oo qoys oo uu maamulku tilmaamay inay u baahan yihiin kaalmo bani`aadinnimo oo aan ka soo daahin.

Maxmed Cabdi Kaliil, oo ka tirsan maamulka Gedo oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin bini`aadannimo oo aad u fara badan oo bulshada Gedo haysta, kuwaasoo uu tilmaamay inay ka soo gaareen gulufka colaadeed ee ka taagan gobolka iyo cunno qabateyn ganacsi oo uu sheegay inay haysato magaalooyinka qaar ee gobolka.

Kaliil ayaa muujiyay in dhibta ka taagan Gedo ay uc addaatay hada xukuumadda KMG ee Soomaaliya, ka dib markii mas`uuliyiin sar sare oo ka tirsan ay soo booqdeen dhowaan xarunta gobolka ee Garbahaarrey oo ka mid ah buu yiri meelaha xaaladaha ugu daran ay ka jiraan, marka laga eego dhanka xaaladaha la xiriira bani`aadannimada.

“Xukumadda waan u sheegnay, waana u sheegeynaa wali waxba kama soo gaarsiin dadka Gedo kaalmada faraha badan ee ay illaa iyo hadda ka heleyso bulshada caalamka, marka halkan waxaa jooga illaa iyo 5,000 oo qoys oo u baahan kaalmo deg deg ah, ee ha usoo maciinto dowladdu” ayuu yiri kaliil.

Mr Kaliil wuxuu intaas raaciyay inaan haba yaraatee sinnaba loogu marmarsiyoon Karin inaan dadka gobolka Gedo waxba lasoo gaarsiin karin, iyadoo qiil laga dhiganayo buu yiri ammaan darrida hareysya guud ahaan dalka “Gedo waxay dhanka ammaanka ka heer sarreysaa magaalada Muqdisho oo kale oo aad ogtahay sida ay hay`adaha samafalku u dhooban yihiin, marka cidina yaysan qiil cidla ah sameysan, haddii dad baahan ama dhibban wax la tarayo waa kuwan ee ha lasoo caawiyo.” ayuu yiri kaliil, guddoomiyaha Gedo ee dowladda KMG ah.

Sidoo kale waxuu xusay guddoomiyuhu iney damaanad qaadayaan ammaanka cid kasta oo kaalmeyneysa bulshada gaajoon ee Gedo ku nool, oo uu tilmaamay inay isu daba mareen abaaro iyo colaad ay muddo sanad ka badan u ahaayeen dhibbanayaal wali rafaadsan “Inkasta oo aan haddaba oran karno 95% waa uu wanaagsan yahay ammaanka gobolka, haddana waxaan u ballan qaadeynaa inaan xaqiijinno ammaanka ciddii wax tareysa dadkeenna ee usoo gurmaneysa, marka taasina waa waxa naloo idmaday.” ayuu hadalkiisa raaciayay Maxamed Cabdi Kaliil.

Gobolka Gedo oo ku yaalla koofur-Galbeed Soomaaliya xuduud dheerna la leh Kenya iyo Ethiopia, waxaa ku nool maalaayiin shacab oo ay kumannaan ka mid ahi ay haysato xaalad nololeed oo aad u adag, maxaa yeelay markii ay u diyaar garoobeen inay ka faa`iideystaan roobabkii ka dambeeyay abaarihii kol dhoweyd dalka ku habsaday, ayay colaad si gobolka ka qaraxday, waxaana yar meelaha ay hay`adaha waddaniga ah amaba kuwa caalamiga ah ay ka gaaraan gobolka Gedo, si loo samatabixiyo dad badan oo laga yaabo inay gaarto dhibaato aaney kazoo waaqsan, haddii aan si deg deg ah loo gaarin.

Nuur cali Faarax/MG/FM

Previous Post

Xaaladaha bani`aadannimo ee gobollada Bay iyo Bakool

Next Post

BEERALLEYDA GOBOLKA BARI OO KA FAA`IDEYSTAY KANNAAL-BIYOOD LOO QODAY

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
BEERALLEYDA GOBOLKA BARI OO KA FAA`IDEYSTAY KANNAAL-BIYOOD LOO QODAY

BEERALLEYDA GOBOLKA BARI OO KA FAA`IDEYSTAY KANNAAL-BIYOOD LOO QODAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo