Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladaha bani`aadannimo ee gobollada Bay iyo Bakool

Radio Ergo by Radio Ergo
March 14, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaaladaha bani`aadannimo ee gobollada Bay iyo Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

14 March, 2012 BAYDHABO

blank

Xilli dadka ay ka soo kabanayaan abaaro saamayn ku yeeshay kumannaan qoys oo ku noolaa deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, islamarkaana gobolladaas ay ka jireen isbedello dhinaca nolosha ah, ayaa markale dadka deegaanku waxay la kulmeen isku dhacyo sababay barakac hor leh, kaasoo tan iyo bishii febraayo si weyn looga dareemay qeybo ka mid ah labada gobol.

Xiisadaha haatan ka jira gobollada Baay iyo Bakool, ayaa dhaawac xooggan ku noqday beeralleyda gobolka oo markii hore ka walaacsanaa hoos u dhac ku yimid qiimaha la iibiyo raashiinka suuqyada gobolka, xaaladahan waxay sidoo kale saameyn ku yeesheen adeegyada bulshada gobollada Bay iyo Bakool.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo dhowaan uu ka dhacay isbeddel dhinaca maamulka, ayaa waxaa dib ugu soo laabanaya qoysas fara badan oo markii hore ka barakacay xiisadaha ka jira gobolka, iyadoo haatan la dareemayo dib u soo noolaanshaha ganacsigii iyo adeegyadii kale ee bulshada.

Dhaqdhaqaaqyada magaalada ayaa ah kuwo gaabis ah, waxaana jira duruufo adag oo soo wajahay qoysas danyar ah oo ka xamaalan jiray suuqyada Baydhabo kuwaasoo ay ku adkaatay ku noolaanshaha magaalada, xaalado adag oo kuwan la mid ah ayaa soo wajahay boqollaal barakacayaal ah oo ka mid ahaa qoysas ay saameeyeen abaarahii ku dhuftay gobolka, oo ku nool kaamam ku yaalla duleedyada degmada.

Cunno la`aan iyo caafimaad darro ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu badan oo barakacayaasha ku nool kaamam ku yaalla Baydhabo ay ka cabanayaan, mana jiro maamul iyo hay`ado gargaar oo wax ka qabtay baahida ay qabaan.

Cumar Yuusuf waa horjoogaha kaam ku yaalla xaafadda Mursal, wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay in dhibaatooyinka ka jira kaamka ay ku nool yihiin ay ka mid yihiin caafimaad darro iyo cunno yari.

Boqollaal qoys oo kale oo dhowaan ka barakcay magaalada, islamarkaana gaaray tuulooyinka oo biyo la`aan, cunno yari iyo caafimaad darro ay ka jirto ayaa u baahan in gar gaar loo sameeyo, waxaana badankood ay ka barakaceen deegaannada Baydhabo iyo Berdaale ee gobolka Bay.

Kulamo looga hadlayayay sidii loo samatabixin lahaa dhibbanayaasha ku nool gobolka ,oo ay ku jiraan qoysaskii ay saameeyeen abaaraha iyo xiisadaha ayaa ka dhacay gudaha magaalada, kuwaasoo ay wada qaateen saraakiil ka tirsa hay`adaha samafallada, odayaasha dhaqanka iyo saraakiil kat irsan maamulka dowladda.

Saraakiisha ha`adaha samafalka ee booqday Baydhabo islamarkaana uu qayb ka ahaa wafdi uu hoggaaminayay Mark Bowden, u qeybsanaha qaramada midoobay arrimaha bani`aadannimo ee Soomaaliya, ayaa u kuur galay dhibaatooyinka ka jira gobolka iyagoo odayaasha kala hadlay suurtagalnimada in la caawiyo dadka dhibaataysan oo aan helin kaalmo bini`aadannimo oo dhammeystiran tan iyo markii ay macluusha ku dhufatay gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

 

Odayaasha dhaqanka gobolka Bay oo lakulmay xubno katirsanaa UN-ka ayaa sheegay in hay’adaha samafalka ay u gudbiyeen baahida kajirta gobolka iyagoona xusay in ay muhiim tahay in wax laga qabto kor u qaadidda hawlaha caafimaadka gaar ahaan taageeridda cisbitaalka dhexe ee gobolka, nadaafadda iyo kaalmo la gaarsiiyo qoysaska ka barakacay xiisadaha
kajira gobolka.

Si kastaba waxaa gobolka ka soconaya dadaallo dib loogu howl galinayo xafiisyada hay`adaha gargaarka, oo xarumo waaweyn ku lahaa degmooyinka Waajid iyo Baydhabo ee labada gobol.

Marka laga soo tago gobolka Bay, deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ayaa ka mid ah goobaha ay ka jiraan xaaladaha adag, kuwaasoo saameyey nolosha qoysas u badan beeralley oo ka soo kabanayey jugtii ay ku reebeen abaarihii salfaday nolosha kumannaan dad ah.

Gobolka Bakool, oo ah dhul oomane ah islamarkaana jawi ahaan ka kulul gobolka Bay ayaa qoysaskii ku noolaa waxay la kulmeen xiisado sababay inay barakacaan, kuwaasoo u badan qoysaskii ku noolaa degmada Xudur iyo tuulooyinka Teed iyo Caato ka dib dagaallo ka qarxay gobolka.

Biyo la`aan ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu xooggan ee soo waajahay qoysaska barakacay, waxaana badankood ay gaareen degmooyinka ku yaalla xadka gobolka uu la waadaago Ethiopia, oo ay ka mid tahay degmada Ceel berde.

Goobaha laga helo biyaha ee ku yaalla deegaannada ku dhow tuulooyinka waxaa saldhigyo ka sameystay ciidamda ku hardamaya gobolka, mana awoodaan dadka deegaanka inay biyo helaan, xiisadaha ayaa sii adkeeyay nolosha kumannaan qoysas ah oo ka barakacay qaybo ka mid ah gobolka.

Sida uu sheegayo Cabdifaaqid Duwane, guddoomiyaha degmada Yeed waxaa jira hoy la`an iyo biyo la`aan soo wajahday qoysaska.

Barakacyaasha ayaa u baahan in loo sameeyo gargaar bani`aadannimo, maaddaama nolosha carruur iyo haween ka mid ah dhibbanayaasha ay sii adkaaneyso.

Gobolka Bakool, malahan xarumo caafimaad oo lagu baxnaaniyo dadka la xanuunsanaya cudurrada kala duwan, waxaana adeegayada caafimaadka ay noqdeen kuwo aan ka jirin gobolka, markii hay`adaha gargaarka laga mamnuucay gobollada Bay iyo Bakool.

Waxaa aad u adag in la ogaado cudurrada ay la dhibaataysan yihiin dadka deegaanka, maaddama aanay gobolka ka jirin hawl wadeenno caafimaad oo daraasado ku sameeya xaaladaha caafimaad ee degaannada uu ka kooban yahay gobolku.

Xilliyada xiisadaha ay jiraan ayaa ka mid ah waqtiyada ugu dhibaatada badan oo xaaladaha caafimaad darro iyo tan bani`aadannimo ay soo waajahaan carruurta iyo haweenka oo ku barakacaya dhulka fog ee miyiga ah, halkaasi oo ay ka jirto biyo la`aan.

Lama qiyaasi karo dhibaatooyinka bani`aadannimo ee ka jira gobolka Bakool, ha yeeshee waxaa jira rajo dadka deegaanku ay qabaan oo ku aaddan in hay`adaha samafalka ay ka shaqo billaabaan gobollada Bay iyo Bakool.

 

Cabdicasiis Koronto/MG/FM

Previous Post

OLOLE TALLAAL OO PUNTLAND LAGA BILAABAY

Next Post

Maamulka gobolka Gedo oo baaq u diray hay`adaha gargaarka

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Maamulka gobolka Gedo oo baaq u diray hay`adaha gargaarka

Maamulka gobolka Gedo oo baaq u diray hay`adaha gargaarka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 01-MAY-2026

IDAACADDA 01-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 01-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo