
Ololahan tallaal ayaa socon doona muddo shan casho ah, iyadoo ay fulinayaan dhaqaatiir kalkaaliyayaal sare iyo shaqaale isku darkoodu uu gaarayo 2,844 qof.
Siciid Nuur Abshir, waa sarkaal ka tirsan hay`adda Unicef waxaana uu ka warbixinayaa cudurrada laga tallaalayo carruurta ay da`doodu ka hooseyso 5-ta sano “Waxaa laga tallaalayaa carruurta shan cudur oo kala ah jadeecada, dabeysha ,gowracatada, xiiqdheerta iyo teetanada, waxaana la siinayaa carruurta kaniini vitamin ah oo ka caawinaya xagga korriimada iyo maskaxda.”
Ujeeddada ugu weyn ee ololahan tallaalka maalmaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ayaa ah sidii gar gaar caafimaad loo gaarsiin lahaa carruurta iyo dumarka.
Sheekh Maxamuud Haruuse, wuxuu ka mid yahay culimaa`udiinka Puntland wuxuuna ka hadlay waxtarka tallaalka uu u leeyahay caafimaadka bani`aadamka isagoo ku dheeraaday Naasnuujinta iyo korriimada carruurta waxay ka qabto diinta islaamka “Ilaahey wuxuu waajibiyay in carruurta la nuujiyo laba sano oo kaamil ah, waxayna carruurtu ay ka helayaan farxad, korriimo iyo difaaca jirka oo wanaagsanaada, qof kastana tallaalka iyo caafimaadka waa ubaahan yahay.
Qaar ka mid ah haweenka ka faa`iideystay ololahan tallaalka maalmaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa waxay yiraahdeen “Magaceygu waa Ridwaan, carruurta la ii talllaalay waa laba, waxaana laga tallaalay cudurrada dilaaga ah.”
C/raxmaan Yuusuf Maxamed, oo isagana loo tallaalay shan carruur ah ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaalkan carruurta loo sameeyay.
Ololaha tallalaalka, ayaa waxaa ka faa`ideysta sand kasta dumar iyo carruur fara badan oo qaarkood ka yimaada goobaha miyiga ah, si looga hortago cudurrada dilaaga ah ee wax yeelleyn kara caafimaadkooda.
Axmed Nuur Soomaali/FM








