Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

YOKESO OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIISAY 60 GABDHOOD OO BARTAY QORAALKA AF-SOOMAALIGA IYO CARABIGA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 19, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
YOKESO OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIISAY 60 GABDHOOD OO BARTAY QORAALKA AF-SOOMAALIGA IYO CARABIGA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXaflad shahaado lagu guddoonsiinayay 60 gabdho oo dhammeystay barashada farta af-soomaaliga iyo carabiga, ayaa jimcihii la soo dhaafay  ka dhacday hoolka weyn ee Madiina mall, xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada Kenya ee horumarinta bulshada (YOKESO) garabka horumarinta haweenka, ayaa waxaa kasoo qeyb galay xogayaha guud ee jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan), Pro. Xuseen Iimaan oo ka mid ah aqoon-yahannada soomaaliyeed, Sheekh Jacfar Xaaji Cali oo culimaa`udiinka soomaaliyeed ee ku nool Kenya ka mid ah, rug-cadaaga saxaafadeed ahna tifaftiraha sare ee Raadiyaha Ergo Cabdulqaadir Maxamed Mursal, wariyayaal  iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Xafladda oo uu ugu horreyn hadal ka jeediyay Sheekh Jacfar Xaaji Cali, ayaa wuxuu sharraxaad kooban ka bixiyay sida ay muhiim u tahay waxbarashada isla markaana ay diinteenna innagu boorrineyso inaan waxbaranno:

“ Eraygii  ugu horreeyay ee lagu soo dejiyay nabigeenna Muxammad CSW, waxay ahaayeen: (Iqra`) oo micnaheedu yahay aqri: suuradda Iqra` oo gebi ahaanteedba ka sheekeyneysa waxbarashada, iyo shan waxyaabood oo waxbarashada muhiim u ah, diinteenna ayaa ugu horreysay  wax la dagaallama jahliga.”

Sidoo kale xogayaha guud ee jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan), oo isna madasha khudbad ka jeediyay ayaa wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay waxbarashadu leedahay, isagoo ku boorriyay gabdhaha dhammeeyay koorsada lagu baranayay farta carabiga iyo soomaaliga ay weli fursado badan heystaan ayna halkaa kaga harin waxbarashadooda:

“Cilmiga qiimaha uu leeyahay waxaa kaaga filana, ummad walba siday cilmiga u qaddariso iyo siday wax ubarato ayay u taallaa, haddaad aragto ummad dhibaateysan oo aan mushkilad ka bixin ogow cilmiga unbaa lagu gabood falay oo booskii uu lahaa laga leexiyay, maanta Soomaaliya oo waxa ka dhacaya aad arkeysaan, waa waddan kheyraad badan leh oo xitaa Afrika oo dhan quudin kara, laakiin waxa keenay in dadkeeda ay gaajo u dhintaan waa cilmi darro, sidoo kale aayad qur`aan ah ayaa waxay leedahay: (Miyay siman yihiin kuwa waxbartay iyo kuwa aan wax baran) waa maya ma sinna.”

Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo ah tifaftiraha Raadiyaha Ergo oo xafladdaasi lagu casuumay ayaa mahadcelin kadib, gabdhihii shahaadada qaadanayay u sameeyay ballan qaad ay kuwada farxeen:

“Waxaan rabaa haddii alle idmo, inaan gabdhahaan ugu deeqo tababarro gaagaaban, oo markii ay u badato qaadanaya muddo 15 maalmood ah, tababarradaasi oo ku saabsan farshaxanka afka carabiga, waxaan rabaa in gabdhahaan ay ka kaaftoomaan in boorarka ay dad kale u soo qoraan.”

Pro. Xuseen Iimaan oo ka mid ah aqoonyahannada soomaaliyeed, ayaa isagana madasha kaga hadlay faa`iidada ay bulshada u leedahay inay gabdhaha waxbaraan:

“Haweenka doorkooda wad ogtihiin, doorar badan ragga ayay la wadaagaan, kuwo kalana gaar bey u leeyihiin oo xagga qoyska iyo bulshada ah oo ay ugu muhiimsantahay tarbiyeynta carruurta, dhismaha qoyska iyo horumarintiisa, gabadha waxtaqaan carruurteeda way kaalmeyn kartaa, waxbarashadooda ayay ka shaqyen kartaa, looxii loo soo dhiga ayay umeerin kartaa, casharradii ka qaldan ayay usixi kartaa, imtxiaanka iskuulka oo aan la gaarin ayay guriga imtixaan kaga qaadi kartaa darajooyinka uu iskuulka ka keenay ayay qiimeyn kartaa, laakiin gabadha aan waxbaran canuggeeda oo iskuulka u gooyay oo bannaanka ku soo ciyaaray waxba kama ogaan karto.”

Qaar ka mid ah gabdhihii shahaadada qaadanayay ayaa waxay sheegeen inay markii ay billaabayeen barashada farta carabiga iyo tan Soomaaliga iyo haatan ay farqi weyn u dhexeyso, noloshoodana isbaddal weyn ay ku timid mahaddaasna uu Alle ka sokow leeyahay ururka YOKESO oo siiyay fursad ay wax ku bartaan:

“ Magaceyga waa Shamso Cali Nuur, waxaan YOKESO ka faa`iiday barashada farta soomaaliga iyo carabiga, aadna waan ugu faraxsanahay sababtoo ah nolosheyda ayay is baddal ku keeneen.”

Cabdirashiid oo wiil dhalinyaro ah kana tirsan YOKESO, ayaa isna xafladda ka tiriyay geeraar yar laakiin micno weyn leh, kaasoo ka hadlaya dhibka ay leedahay hooyada aan wax baran:

“Ninkii Geel raaci jiray, wuxuu garashada ogyahay, Hal uu oon gaarayoo, oon helin geed-daaq dherjiya, inay godol keeninee, sidoo kale guur haween, tacliintii laga garxiray maxay gaarsiin ilmaha?.”

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ururka dhalinyarada Kenya ee horumrinta bulshada (YOKESO) Cabdullaahi Shariif Cabdulwahaab, ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada ay ku horumarinayaan gabdhaha aan aqoon sida wax loo qoro luqado kalana ay ku dari doonaan tababarrada soo socda, isagoo madasha ka sheegay sheeko gaaban oo ku saabsan jaahilnimada iyo sida ay aadmiga muhiim ugu tahay inuu waxbarto:

“Sheeko yar oo hadda ka hor uu Pro. Iiimaa inoo sheegay oo can ah ayaa jirta oo waxbarashada ku saabsan: nin baa hadda ka hor wuxuu u tegay sheekh si uu wax uga barto, sheekha mar walba waxaa loo keenayaa su`aalo fara badan, ninkii isagoo laba maalin jooga ayaa qof yimid, wuxuu sheekhii weydiiyay: sheekhow ka warran haddii aan rakacaatka salaadaha ka badiyo inta ay hadda yihiin, muxuu xaalkeyga noqonayaa? Ninkii ardayga ahaa ee sheekha inuu wax ka barto ula joogay ayaa xanaaqay markaas buu ninkii sheekha su`aasha weydiinayay ku yiri: War ma waxaasi fudud baad sheekha weydiineysaa, aniga ayaaba garanayee! war haddii aad rakacaatka salaadaha badiso kheyr un baa kuu siyaaday! Taasina waxay ku tusineysaa jaahilnimada dhibka ay leedahay.”

Gadhahan shahaadooyinka la guddoonsiiyay ayaa waxay yihiin dufcaddii ugu horreysay ee ururka dhalinyarada Kenya ee horumarinta bulshada YOKESO, ay u fududeysay inay bartaan qoridda farta carabiga iyo tan soomaaliga

Previous Post

QM oo sanadka soo socda u codsatay gargaarkii maaliyadeed ee ugu badnaa 20-kii sano ee la soo dhaafay

Next Post

SUXUFI LAGU DILAY MUQDISHO

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
SUXUFI LAGU DILAY MUQDISHO

SUXUFI LAGU DILAY MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo