
Ninka dilkan u gaystay weriyaha ayaa waxaa warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu ku labisnaa dharka ciidamada militariga dawlada Soomaaliya, isagoo markiiba ka baxsaday goobta.
Kusimaha raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya ahna wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn) ayaa waxa uu sheegay, isagoo ka hadlayay magaalada Muqdisho in dilka C/salaan uu yahay wax laga xumaado oo aad u naxdin badan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka DFKG ah oo iyana la hadlay qaar kamid ah saxaafada ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sida ay u wax dhaceen.
Goobjooge isaguna ka tirsanaa TVga Horn Cable ayaa sheegay in rasaasta ay madaxa ka haleeshay Allaha u naxariistee Cabdisalaan oo goor dambe dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday isbitaal Madiina.
Soomaaliya oo muddo kabadan 20 sanno ay hareeyeen khilaafyo hubeysan ayaa waxa lagu tilmaamaa in ay tahay meesha ugu daran dilalka lagu kaco suxufiyiinta Afrika oo dhan.
Mohamed Garane









