Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

QM oo sanadka soo socda u codsatay gargaarkii maaliyadeed ee ugu badnaa 20-kii sano ee la soo dhaafay

admin by admin
December 16, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

QM iyo la howlgalayaasheeda ayaa codsaday $7.7 bilyan oo doollarka mareykanka ah, si caawinaad gargaar loogu gaarsiiyo 51 million oo qof oo ku nool 16 dal sanadka soo socda, codsigan oo ah kii lacagta ugu badneyd lagu codsado 20kii sano ee la soo dhaafay.

“Malaayiin qof ayay saameyn doonaan raadadka isbaddalka cimilada adduunka, amman darrada, cunno yaraanta iyo biyaha, xasaradaha siyaasadeed iyo dhaqaalo xumada, tahriibka iyo koboca bulshada.” sidaa waxaa sheegtay haweeneyda arrimha bani`aadannimada u qaabilsan xoghayaha guud ee QM Valerie Amos.

“si deg deg ah ayaan ugu baahannahay inay dadka iyo dowladaha caalamkaba sii wadaan gargaarkooda, si loo caawiyo dad baahan oo dunida ku kala firirsan,” ayay Ms. Amos, hadalkeeda sii raacisay.

codsiga 2012 waa kii ugu ballaarnaa tan iyo intii la sameeyay kooxaha isu tegay sanadkii 1991, sida uu sheegay xafiiska isudubbaridka arrimaha bani`aadannimada (OCHA).

Kooxda ayaa waxay gargaar u codsaneysaa waddamada Afghanistan, jamhuuriyadda bartamaha Afrika, Chad, Côte d’Ivoire, jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo, Djibouti, Haiti, Kenya, Niger, gayiga Falastiin ee la heysto, Philippines, Somalia, South Sudan, Sudan, Yemen iyo Zimbabwe.

“Malaayiin qof ayaa u baahan caawinaadeenna,” sidaa waxaa shir lagu qabtay magaalada New York oo sanadkan lagu sagootinayo ka sheegay xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon.

Ms. Amos ayaa saxafiyiinta u sheegtay in waddamada gargaarka ugu badan u baahan ay yihiin Somalia, Yemen, Djibouti, South Sudan,iyo jaziiradda Mindanao ee dalka Philippine ku taalla.

Somalia waxay u baahantahay $500 million sanadka soo socda, taasoo ka badan intii ay u baahnayd sanadkan 2011.

Qalalaaqasaha bani`aadannimo ee ka jira – Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Somalia – ayaa ah kuwa ugu badan caalamka ee u baahan gargaarka bani`aadannimo, sida ay Ms Amos sheegtay.

Afar milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bani`aadannimo oo deg deg ah gudaha Somalia keliya, iyo ku dhowaad 600,000 oo qaxootinnimo u raadsaday gudaha Kenya.

Ka jawaab celinta baahiyaha bani`aadannimo ayaa saameyntooda laga dareemay gobollo badan oo ku yaalla Somalia, saddex meel oo dalka Somalia ka mid ah ayaa looga dhawaaqay sanadkan dhexdiisa inay ka jirto macluul daran.

“Si kastaba, xaaladda waa mid weli u baahan in wax laga qabto, ururrada gargaarka ayaa keliya awoodi doona inay howshooda sii wataan haddii habka uu gargaarku u socdo la joogteeyo.

$2.4 bilyan oo gargaar ah ayaa loo codsaday sanadkan 2011 waddamada afarta ah ee geeska Afrika, boqolkiiba 78 gargaarkaasi waa la meelmariyay.

Dhammaan gargaarka loo baahan yahay in la gaarsiiyo geeska afrika sanadkan 2012ka ayaa boqolkiiba 20 ka badnaan doona sanadkan.

Codsiga gargaarka waxaa sidoo kale ku jira $763 milyan si loogu caawiyo dalka dunida dhowaan ku soo biiray, South Sudan; $718 milyan oo loo rabo Congo; $455 milyan oo dadka dalka Chad wax loogu qabanayo; $437 milyan oo loo rabo Afghanistan; $416 milyan oo gayiga la heysto ee Falastiin wax loogu qabanayo; iyo $230 milyan oo dalka Haiti loo codsanayo.

Sanadkii tegay QM iyo la howl galayaasheeda, waxay in ka badan $7.4 bilyan u raadinayeen si loogu caawiyo 50 milyan oo qof oo ay saameeyeen dagaallada iyo musiibooyinka dabiiciga ah oo ku kala nool 28 dal oo dunida ah.

Faadumo Macallin/MG

Previous Post

SHUBAN IYO NAFAQO DARRO HALIS KU HAYA CARRUURTA KU JIRA XERYAHA BARAKACAYAASHA KISMAAYO

Next Post

YOKESO OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIISAY 60 GABDHOOD OO BARTAY QORAALKA AF-SOOMAALIGA IYO CARABIGA

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
YOKESO OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIISAY 60 GABDHOOD OO BARTAY QORAALKA AF-SOOMAALIGA IYO CARABIGA

YOKESO OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIISAY 60 GABDHOOD OO BARTAY QORAALKA AF-SOOMAALIGA IYO CARABIGA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-SEP-2026

IDAACADDA 19-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo