Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

SOOMAALIDA IYO BULSHADA CAALAMKA OO KA WALAACSAN HADDII LA XIRO XAWAALADAHA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 23, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
SOOMAALIDA IYO BULSHADA CAALAMKA OO KA WALAACSAN HADDII LA XIRO XAWAALADAHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBangiyo ku yaala Maraykanka oo xiriir wada shaqayneed la lahaa xawaaladaha Soomaalida, ayaa sheegay dhowaan inay hakinayaan guud ahaan xiriirkii ay lacagaha ugu gudbin jireen, kadib shaki iyo culays ka soo food saaray dhinaca dowladda Maraykanka oo ku aadan halka ay aadaan lacagaha bangiyadaan u diraan dadka Soomaaliyeed.

Iyadoo dowladda Soomaaliyana walaac ka muujisay arrintaani, iyagoo sheegay inay saamayn ba`an ku yeelanayso dadka.

Raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa sheegay in dhibaato dhaqaale ay soo wajahayso ummadda Soomaaliyeed haddii xawaaladihii lafdhabartooda dhaqaalaha ahayd caqabadi ku timaaddo, waayo bangiyadii maraykanka ee lacagaha dadka soomaaliyeed soo marin jireen joojiyaan “waxaan kala xiriirnay arrintaan dowladda Maraykanka, in haddii ay joojiyaan macaamiishii bangiyadu ay saamayn ba`an ku yeelanayso nolosha dadka Somaaliyeed, lacag 2 bilyan oo dollar ayaana laga soo diraa dibadda, waana wax soo saarka waddanka 3 meelood oo hal meel, qoysaska Soomaaliyeedna carqalad weyn ayaa ku imanaysa.”

Garaad Khaliif Nuur, oo madax u ah guddiga xawaaladlayda Maraykanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in waqti kooban la siiyey xawaaladdaha Soomaalida illaa 30-ka bishan oo ay hawshooda ku soo ururiyaan ka dibna albaabada la isugu dhufan doono, Garaadka ayaase sheegay inaysan quusan oo ay jiraan dadaallo badan oo la doonayo in arrintaan lagaga dhaadhiciyo dowladda Maraykanka si ay h0wshaan wax ka qabato.

Cismaan Xuseen oo ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed kuna Sugan Maraykanka ehelkiisa oo ku nool Muqdishana ugu soo dira lacag ayaa isaguna yiri “Haddii ay arrintani hir gasho runtii arrin aad u xun weeye, waxay noqonaysaa inay dadkayagii bakhtiyaan annagoo og inaan dadkayaga wax tari karno.” Cismaan wuxuuna ku baaqay in arintaan dadka Soomaaliyeed is garab taagan xawaaladaha loona caddeeyo meelahay lacagahaan dirno ay aadaan.

Raysal wasaare Gaas, ayaa dhanka kale isagu sheegay inuu dadaal dheeraad ah u gelayo sidii dowladda maraykanka uu uga dhaadhicin lahaa sidii loo xallin lahaa arrintan “Ma rabno in dadka Soomaaliyeed melaha ay biilasha ka helaan la jaro oo ay sidaasna sababsato dad siyaabo kale u isticmaalayo, mana rabno in wax la dhibaateeyo, dadaalka d0wladduna waa in la badbaadiyo sidii arintaani aysan u dhaqan geli lahayn. ‘

Hooyo ku soo koobtay magaceeda Sirad, joogtana Muqdisho ayaa iyadu sheegtay in haddii tallaabadani hir gasho ay nolosha ciyaalkeedu meel xun ku dhici karto, iyadoo aysan jirin meel kale oo ay wax ka soo galaan xilli ay baqdin dagaal iyo barakac ku dhex jirto, waxayna dowladda iyo dadka Soomaaliyeedba ugu baaqday inay hagaajiyaan xiriirkooda aysan dhibaato gacantooda ugu gaysan dadkooda iyo dhaqaalahooda.

Waxana sii kordhaya dalabka dawladda Maraykanka uga imanaya Soomaalida iyo bulshada caalamka oo ku aadan inaan la hakin hawlaha xawaaladaha, hay’adda gargaarka ee OXFAM ayaa hadal qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in bil kasta Soomaalida degan Maraykanku ay dadkooda ugu soo diraan 100 milyan oo Dollar, tanoo sii laban laabantay xiligii abaaraha iyo macaluusha lagu gudda jiray waana wado muhiim u ah hababka badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan, waxayna OXFAM sheegtay in hadii aysan xawaladuhu jiri lahayn macaluusha Soomaaliya ay ka khatar badnaan lahayd sidii ay ahayd, Shannon Scribner oo u qaabilsan OXFAM hawalah bahni’aadanimo ee Maraykanka  ayaana ku booriyey dawladda inay damaanad qaad cad siiso bangiyadda la shaqeeya xawaaladdaha Soomaalida si aysan u hakin hawshoda ay ugu dirayaan lacagaha dadkooda baahan (riix).

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in xawaaladaha Soomaalida ay lacago u diraan ururro ay u arkeen inay xiriir la leeyihiin argagixisada, xeel dheerayaasha dhinaca dhaqaalaha ayaa sheegaya in hababka xawaaladaha Soomaalidu u diraan lacagaha oo aan caddayn ay keentay shakiga, balse aysan jirin dhibaato ay geysteen xawaaladuhu, waxaana jira hab ku adag maamulka iyo bangiyada Maraykanka oo ay ku ogaadaan siday u shaqeeyaan xaawaladaha Soomaalidu siduu sheegay nin dhaqaale yahan ah oo Soomaaliyeed kuna sugan wadanka Maraykanka.

Previous Post

UNHCR oo sheegtay inaysan jirin wax hay’ad gargaar oo ka baxday xeryaha Dhadhaab

Next Post

DHAKHAATIIRTA DEGMADA BUUHOODLE OO KA DAYRINAYA ADEEGYADA CAAFIMAADKA OO LIITA IYO CUDURRO IS BIIRSADAY OO SOO RIDANAYA DADKA.

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Isbitaalka SOS oo ku xirmay dagaalada Muqdisho

DHAKHAATIIRTA DEGMADA BUUHOODLE OO KA DAYRINAYA ADEEGYADA CAAFIMAADKA OO LIITA IYO CUDURRO IS BIIRSADAY OO SOO RIDANAYA DADKA.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo