Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

UNHCR oo sheegtay inaysan jirin wax hay’ad gargaar oo ka baxday xeryaha Dhadhaab

admin by admin
December 22, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
UNHCR oo sheegtay inaysan jirin wax hay’ad gargaar oo ka baxday xeryaha Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDhibaatada dhinaca ammaanka ee ka taagan gobolka waqoyi bari Kenya ayaa saamayn ku yeelatay howlihii lagu gargaarayey nus malyuun qaxooti u badan Soomaali, oo ku jira xeryaha ku yaal deegaanka Dhadhaab.

Laba qarax oo is xigay oo ka dhacay xeryaha Xagardheer iyo Ifo, ayaa sababay in ciidanka ammaanku ay billaabaan howl gallo guri guri ay ugu baarayaan xerada Ifo, taasoo saamayn ku yeelatay gebi ahaanba nolosha iyo dhaqdhaqaaqii dadka.

Weriyayaal ku kala sugan xerada Xagardheer iyo Ifo, oo Raadiyo Ergo u warramay ayaa sheegay in xaaladda dadka qaxootigu ku sugan yihiin waqtigaan ay tahay mid aad u halis badan, waxaa la joojiyey raashinkii, biyihii iyo dhammaan adeegyadii kale, maanta dadka qaxootiga ku jiraa waxay biyiha u doonanayaan goobo waro ah oo ka durugsan xeryaha, iyagoo sheegay in 20-kii litir ee biyaha aha amaanta ka joogaan Xagardheer 50 shillin oo lacagta Kenya ah, sidoo kale waxaa socday maalmahaan baaritaanno laga wado xeryaha gaar ahaan xerada Ifo, oo lagu qabqabtay dad laga shakiyey iyadoo meelaha qaarna la sheegayo in meherado la jabsaday., hantidana loo geystay boob.

Haddaba dhibaatooyinkaan ay sheeganayaan dadka qaaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab iyo wararka sheegaya in hay’addihii gargaarku ka baxeen waxaan waraysi kala yeelannay Alex Donato oo ka tirsan saraakiisha UNHCR haddana ku sugan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxaana waydiinnay marka hore saamaynta ay ku yeesheen qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab howlaha gargaarka lagu gaarsiinayo dadka qaxootiga ah:

Q.1. UNHCR waxay ka walaacsantahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee nabadgelyada darada ka abuuray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, taasoo horseedday in dad iyo hantiba lagu waayo, waxay si dhab ah u saamaysay awooddeennii iyo dadaalladii dadka u baahan kaalmooyinka lagu gaarsiinayo, xeryahaan UNHCR waxa ay ka waddaa howlo lagu gargaarayo in ka badan 460,000 oo qof, laakin xitaa iyadoo UNHCR ay cambaaraynayso weerarradaas, waxaanu ku baaqaynaa in nabadda la dhowro iyo xaaladda xeryaha qaxootiga , gaarsiinta kaalmooyinka deg degga ah iyo adeegyada nolol badbaadinta ah waxay u soconayaan si caadi ah.

S: Waxaanu maqalnay warar sheegaya in qaar ka mid ah hay`addii gargaarku isaga baxeen halkaas, iyagoo ka cabsi qaba xaaladda nabadgelyo xumo ee ka sii daraysa, maxaad taasi nooga sheegi kartaa?

Q.2. Inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca nabadgelyada ah , ma jirto hay`ad ka baxday Dhadhaab, kama warqabno sheegashadaas, waxaanu shirar la lahayn dhammaan la howlgalayaasha bini`aadannimo, waxaanuna ka shaqaynaynaa sidaanu u sii wadi lahayn inaanu qaxootiga gaarsiinno biyo, caafiamad, cunto, daryeel iyo dhammaan adeegyada nolol badbaadinta ah.

S: Ma jirtaa halis ah in haddii amaan daradu ay sii socoto, ay saamayn ku yeelan doonto xitaa adeegyada nolol badbaadinta ah ee aad sheegayso?

Q.3. Haa, xaaladaha nabadgelyo xumo, waxay saamaynaysaa awooddeennii iyo dadaalladii aanu ku sii wadi lahayn adeegyada nolol badbaadinta , UNHCRna si qoto dheer ayey uga walaacsantahay xaaladda iyo nabadgelyada qaxootiga Dhdhaab, kuwaasoo u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah sidaa darteed, iyadoo loo danaynayo qaxootiga iyo hay`adaha gargaarka ee halkaan u jooga inay dadka caawiyaan, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo nabadgelyada iyo nidaamka aasaasiga ah ee xeryaha.

S: Waxaad ii sheegtay in diiwaangelinta dadka qaxootiga ah ee soo galaya xeryaha uu hakad ku yimid, maxaad nooga sheegi kartaa arrintan?

Q. 4. Xaaladda nabadgelyo darro, waxay saamaynaysaa awooddii UNHCR iyo dadaallada lagu caawinayo dadka cusub ee soo galaya xeryaha, laakiin waxaanu kala shaqaynaynay waaxda dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha qaxootiga sidii loo caawin lahaa dadka cusub ee soo galaya xeryaha.

S: Yaa marka qaabilaya dadka soo galaya ee raadinaya in la caawiyo?
Waxaanu ognahay in xiligan ay qaxooti badan ka soo qaxayaan Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay ka socdaan howlgallada ciidamada Kenya iyo Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo?

Q.5. Inkastoo xaaladaha ammaan darro ay saamaynayaan awooddeenna iyo dadaallada lagu caawinayo dadka soo galaya, UNHCR waxay wali kala shaqaynaysaa waaxda dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha qaxootiga sidii loo caawin lahaa, oo loo sii wadi lahaa in dadka qaxootiga ah la gaarsiiyo daryeel iyo adeegyada nolol badbaadinta ah.

MH/MG/FM

Previous Post

Dhaawacyada duqeyntii Hoosungow diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen oo laga deyrinayo

Next Post

SOOMAALIDA IYO BULSHADA CAALAMKA OO KA WALAACSAN HADDII LA XIRO XAWAALADAHA

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
SOOMAALIDA IYO BULSHADA CAALAMKA OO KA WALAACSAN HADDII LA XIRO XAWAALADAHA

SOOMAALIDA IYO BULSHADA CAALAMKA OO KA WALAACSAN HADDII LA XIRO XAWAALADAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18 MAY 2026

IDAACADDA 18 MAY 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18 MAY 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo